U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeyay Ciidamada Maamulka Jubba Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Duleedka Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka mid ah maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaan ku yaala duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaasi oo qasaare ay ka dhalatay.

Ciidamo ka mid ah maamulka Jubba oo ka baxay magaalada Kismaayo maalintii shalay ahayd ayaa duleedka magaaladaasi waxaa jidka u galay ciidamo ka mid ah Al-shabaab.

Geerida Hal qof iyo dhaawaca Laba kale ayaa la sheegay in dagaalkaasi uu sababay, waxaana dagaalka uu halkaasi ka socday daqiiqado aad u badan.

Saraakiisha maamulka Jubba ayaa sheegay in dagaalkaan ay ku guuleesteen, islamarkaana xaaladda ay tahay mid degan.

Al-shabaab ayaa inta badan sidaan oo kale wadooyinka u gala ciidamada maamulka Jubba xilliyada ay ka baxayaan ama ay soo galayaan magaalada Kismaayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News