U bood dhigaalka

Wararkii ugu dambeyay ee xaaladda magaalada Laascaanood

Sheeko:Amniga

Xaalad aan caga badan ku taagneyn oo daganaasho ah ayaa laga dareemaya saaka magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, waxaana weli jirta cabsi laga qabo in markale rabshado ay ka dhacaan magaalada.

Shantii maalin ee la soo dhaafay dadweyne fara badan oo ka carooday dilal soo noqnoqday oo gudaha magaalada loogu gaysto aqoonyahanka, waxgaradka iyo indhaha bulshada ayaa isku soo baxyo ka dhigay magaalada.

Ciidamada Somaliland ayaa dhankooda isku soo naxa dadweynaha kaga jawaabay rasaas taas oo sababtay in dad fara badan ay ku dhintan magaalada.

Isku soo baxyada dadweynaha ayaa waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 10 ruux, taas oo sababtay in carada shacabka ay sii kororto.

Dhinaca kale kacdoon cusub ayaa gobalka ka curtay, xubna ay kamid tahay u qaabilsanihii guddiga doorashooyinka Somaliland iyo qaar kale oo gobalka ka soo jeeda ayaa xilalkoodii iska casilay.

Ciidamo u abaabulan qaab beeleed ayaa ka baxay deegaanno ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo sheegay in ay difaacayaan dadkooda sida ay hadalka u dhigeen.

Magaalada ayaa saaka lagu arkaya ciidamada Militeriga Somaliland, kuwaas oo taagan jidadka magaalada.

Isbitaalka wayn ee magaalada ayaa sidoo kale lagula tacaalaya dhaawacyada dadkii ay ka soo gaareen rasaasta ciidamada.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ku baaqay in xalka aan xabad lagu raadin loona dhimriyo shacabka.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda Somaliland ugu baaqday in la ilaaliyo dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Goobjoog News