U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeyay Nabadeynta Beelihii Ku Dagaallamay Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, gaar ahaan xaafadda Howlwadaag oo ku taalla Galbeedka magaaladaasi waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleed halkaasi wada deggan.

Dagaalkaasi ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana halkaasi gaaray wasiirro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug si loo xalliyo xiisaddii halkaasi ka jirta.

Shalay ayaa lagu guuleystay in Maleeshiyaadkii dagaallamay la kala dhex dhigo ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo sidoo kale kuwa AMISOM, iyadoo la kala durjiyay Maleeshiyaadkii is hor fadhiyay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa geeriyooday sidoo kale askari ka tirsan AMISOM ayaa dhaawac uu kasoo gaaray xilli ay doonayeen inay kala dhex galaan ciidankii dagaallamayay.

Xaaladda guud ee magaalada Baladweyne saaka waa mid aad u deggan, weli dadkii ka barakacay xaafadda Howlwadaag ma aysan soo laaban, iyadoo hadda ay socoto waan waan Labada dhinac ah.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan ay heshiis nabadeed kala saxiixdaan Beelahani oo la wada hadalsiinayo, si loo helo nabad iyo kala dambeyn.

Goobjoog News