U bood dhigaalka

Warbaahinta Caalamka: Farmaajo Waxaa uu Isku Dhejinayaa Kursiga, Doorashadana Dib Ayuu u Dhigay

Sheeko:Amniga

Warbaahinta caalamka ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa aad u hadal heysay rabashada ka dhacay dibadbaxyada nabadda ahaa ee uu diiday Farmaaj.

Wargeyska afka dheer ee New York Times ayaa qoraalkiisa waxaa uu ku sheegay in dhibaatada ka dhalatay kadib markii Farmaajo uu dib dhigay doorashada kadibna uu diiday inuu xafiiska ka tago.

Wargeyska kale ee dimoqraadiyiintu leeyihiin ee afka dheer Washington Post ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay qalalaaso dastuuri ah tan iyo markii uu dhammaaday muddada xilheynta madaxweynihii hore ee Farmaajo February 8.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in dagaal uu dhacay markii ay xukuumadda diiday dibadbax kadibna ay bandow gelisay dadka.

Associated Press waxaa ay dhankeeda tabisay in qarax uu ka dhacay Airportiga, waxaa kale oo ay sheegtay in caburiyey dibadbaxayaal mucaarad ah.

Mareegyada wax ka qoray sida Farmaajo ula dhaqmay mucaaradka waxaa ka mid ah: BBC, DW, City News, The Irish Times, Citizen News, The Hindu iyo qaar kale.