U bood dhigaalka

Warbixin : Af-Soomaaliga iyo Isticmaalkiisa Dhalinyarada

Sheeko:Dalka

Af SoomaaliWaxaa dhawaanahan soo kordhaya walwalka laga qabo Afka Soomaaliga, iyada oo golayaal kala duwan lagu soo hadal qaado sidii Afka Soomaaliga loo xifdin lahaa, islamarkaasina loo badbaadin lahaa mustaqbalkiisa.

Iyada oo aan taasi ka duuleyno, ayaa warbixin ku saabsan Afka Soomaaliga waxaa isku soo dubaridey wariye Maxamed Salaad oo ka tirsan Goobjoog, wuxuuna warbixintiisa ku eegayaa erayada cusub ee kusoo kordhey afka iyo isticmaalka dhalinyarada ee afka.

Wariye Maxamed Cumar Baakaay oo ka mid ah warfidiyeenada ka faalooda arrimaha dhalinyarada ayaa Goobjoog u sheegey in dhalinyarada ay la yimaadeen erey bixino cusub, kuwaasi oo mararka qaarkood sida ay u dhawaaqayaan iyo waxa loola jeedo ay kala duwanyihiin.

“Waxaad maqlaysaa waan ka lushaa oo loola jeedo waan jeclahay” ayuu yiri wariye Baakaay oo sidoo kale taxay dhawr erey oo dhalinyarada ay kusoo kordhiyeen afka, waxaana ka mid ah erayada kala ah “Wuu is Tuurey” oo loola jeedo “Waa uu Guursaday”, “Waan Tufey” oo loola jeedo “Waan Nacay”, “Waa ka Wataa” oo loola jeedo “Qof qurux badan ayuu la sheekeysanayaan ama jecelyahay” “Bandarka ayuu jiifaa” oo loola jeedo “Waa uu dhaqanyahay ama xoolo ayuu heystaa” iyo ereyo badan oo kale.

Mar uu ka hadlayay isbadala kale ee dhacay ayuu sheegey in xitaa magacyadii gabdhaha loo bixin jirey uu isbadal ku dhacay, “Markii hore haddii gabdhaha loo bixin jirey caawo, canbaro iyo wixii la mid ah, hadda waxaa loo bixiyaa Saabiriin, Halla iyo wixii la mid ah” ayuu yiri Baakaay.

Dhalinyarada laftooda ayaa ku kala qeybsan aragti ahaan erayada cusub iyo isticmaalka afka Soomaaliga, Cabdullaahi Cartan oo ka mid ah dhalinyaro aan dood dhex dhigney ayaa sheegey in dhalinyarada ay qiimo dileen afka Soomaaliga, islamarkaasina ka hiilinayaan.

Laakiin Sahro Daa’uud oo iyaduna dhalinyarada ka mid ah ayaa qabta in erayada cusub ay yihiin isku day wanaagsan oo loo baahanyahay in la dhiirogaliyo, halkii wax laga sheegi lahaa. Waxa ay qabtaa in waxa ka qaldan laga soxo, laakiin guud ahaan la dhiirogaliyo in dhalinyarada ay wax curiyaan.

Tani waa dood ka taagan guud ahaan dalka, siina xoogeysanaysa, balse doodaha badankooda ma ahan kuwa cilmi ku salaysan, waxay u badanyihiin “isla qumanaanta Soomaalida” wax ay ugu yeereen dadka qaarkood oo aan jecleyn in wax kasta la naqdiyo.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa waxaa barbar socda dadaalo la doonayo in lagu soo nooleeyo guddiyo Afka Soomaaliga qaabilsan, waxaana ka mid ah talaabo ay dhawaan qaaday dowladda Soomaaliya kadib markii ay dib u furtey akadeemiyaddii fanka iyo dhaqanka.

Dood cilmiyeedyo lagu qabtay dalka marar kala duwan waxaa farta lagu fiiqey baahida loo qabo guddi Afka Soomaaliga qaabilsan, kaasi oo marka ay ugu yartahay wax ka qabta u magac bixinta walxaha tirada badan ee dalka kusoo kordhey.

Dhageyso

Goobjoog News