U bood dhigaalka

Warbixin :- Aqoonyahano Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Mag-dhaw Uu Siiyo Weriye Cabdicasiis Gurbiye

Sheeko:Amniga

Markii seddaxaad ayaa  todobaadkan loo balansan yahay in Weriye Cabdicasiis Gurbiye uu hortago Maxkamada gobolka Banaaadir, halkaas oo ay ka socoto dacwada Weriyaha.

Dacwadan oo dabada ay ka riixayso  Madaxtooyda Soomaaliya ayaa sharciyaqaanada waxa ay sheegayaan in ay baalmarsan yahay dastuurka dalka

Guddoomiyihii hore Bank-ga Dhexe ee dalka Maxamuud Culusow ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in madaxweyne Farmaajo oo wax ku soo bartay dal Dimuqraadi ah uu maanta horseed ka noqdo caburinta warbaahinta

“ Waa nasiib daro in Farmaajo uu maanta durbaanka u gaarco  ku tumashada xoriyadda hadalka , waxana  uu ku gefay Weriye Cabdicasiis Gurbiye” sidaas ayuu Goobjoog u sheegay aqoonyahan Maxamuud Culusow.

Danjire Maxamed Caalim ayaa oo ka mid ah aqoonyanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ayaa sheegay in Dowladda Farmaajo hore ay u caburisay madaxdii dalka soo martay xiligan aysan biyo u kabanaynin Gurbiye.

“U maleyn mayo in  Dowladda  Federaalka  ay dhawrayso xoriyada hadalka  , waxa  taas u daliil ah iyada oo hore u  diiday in madaxdii dalka ay cabiran ra’iyooda , waxaan leeyahay  Gurbiye waa  in uu cadaalad helaa ‘’  ayuu yiri Maxamed Caalim.

Si kasta Hay’adaha caalamka ah iyo kuwa u dooda xuquuqda warbaahinta Soomaaliya ayaa  ka dhawr sugaya waxa uu noqon doono go’aanka ka soo bixi doona Maxkamada Gobolka Banaadir oo markii seddaxaad ka soo muuqan doona Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kiisk Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye

Goobjoog News