U bood dhigaalka

Warbixin: Bankiga Aduunka oo Ku Faanay in dadka Saboolka ah ay ka yaraan doonaan 10% dhamaadka sanadka 2015-ka

Sheeko:Dalka

Warbixintan uu Saacado ka hor soo saaray Bankiga Aduunka ayaa lagu sheegay in Saboolnimada iyo faqriga dunida uu ku yimid hoos u dhac taariikhi ah sanadkan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka Saboolka ah ay ka yaraan doonaan 10% dhamaadka sanadka 2015-ka arintaas oo u gogol xaareysa in faqriga laga ciribtiro aduunka sanadka 2030-ka sida uu qabo qorshaha Global Goals ee qaramada Midoobey.

Bankiga Aduunka waxaa uu sheegay in uu awal qiyaasta faqriga aheyd 1.25 Dollar Maalintii balse hadda uu ka dhigay qiyaasta Faqriga 1.90 Dollar Maalintii.

Sida Warbixintan lagu daabacay Faqriga Aduunka ama Saboolnimada waxaa ku yimid hoos u dhac, halka sanadkii 2012-ka uu ka ahaa 12.8 hadda waxaa uu noqon doonaa 9.6.

Warbixinta ayaa xogga saartay Bariga Asia iyo Badweynta Pacific, gobolkaas oo la sheegay in ay gaareen hor u mar xagga Cilmiga ah iyagoo soo bandhigay Saboolnimada gobolkaas.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sanadkan dhamaadkiisa ay gobolkaas  ku noolaan doonaan  82.6 Milyan oo qof oo fuqaro ah taas oo ka dhigeysa hoos u dhac 7.2% marka la fiiriyo warbixintii Bangiga aduunka ee 2012-kii.

Dhanka Qaaradda Afrika iyo Koofurta Saxaraha waxaa warbixinta lagu sheegay in uu jiro hoos u dhac Min 46% sanadkii 2012 ilaa 35% dhamaadka sanadkan.

Guddoomiyaha Bankiga Aduunka Jim Yong Kim ayaa sheegay in ay yihiin Jiilkii ugu horeeyay inta la og yahay Taariikhda ee ka adkaada Faqriga.

Dhinaca kalae Jim Yong Kim waxaa uu ka digay isbadal suuqyada, dagaalada, Baagamuudada dhalinyarada iyo isbadalka cimilada ay saameyn karaan cirib tirka Faqriga.

Warbixintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Qaramada Midoobey todobaadkii tagay ay soo bandhigtay qorshe ka kooban 17 qodob oo lagu ciribtirayo Faqriga ama  Saboolnimada sanadka 2030-ka.