U bood dhigaalka

Warbixin: Burcad Badeedda Weli Waa Khatar Jirta, Oo Weerarrada Ayey Badiyeen

Sheeko:Dalka

Burcad badeedda ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay weli awoodaan qaadista weerarro iyo weliba afduubista maraakiibta, warbixin cusub oo isniintii soo baxday ayaa waxaa ay sheegeysaa 2017kii ay weerarrada ka badnaayeen sanadkii ka horeeyay.

Hey’adda Mareykanka fadhigeedu yahay oo loo yaqaano One Earth Future (OEF)  ayaa sheegeysa in dagaalka Yemen uu sabab u noqday in weerarrada burcad badeedka bataan.

Warbixintan waxaa ay intaasi raacisay in  2016kii ay weerarrada burcad badeedda qaadeen ahaayeen ilaa 27 halka 2017kii ay gaareen ilaa  54.

 “Weerarrada burcad badeedda waxaa ka muuqda in ay yihiin koox abaabulan, oo awood u leh inay weeraraan doomaha iyo maraakiibta gobolka” sidaa waxaa tiri Maisie Pigeon.

 “Waxaa jira khatar dhab ah oo soo wajaheysa maraakiibta isticmaala geeska Afrika, waxaana uga sii daraya dagaallada ka socda dalka Yemen” sidaa waxaa yiri maamulka shirkadda INTERTANKO.

Dhaqaalaha ayaa la sheegayaa inuu hoos u dhacay, oo halka uu ka ahaa 2016kii ilaa $1.7 billion ayuu noqday sanadkii tagay 2017kii at $1.4 billion.

Afduubkii ugu horeeyay ee markab muddo 5 sano ka badan ayaa waxaa uu ka dhacay xeebaha Soomaaliya March 2017 markii la qabsaday Aris-13.

Goobjoog News