U bood dhigaalka

WARBIXIN: Cristiano Ronaldo oo ku wajahan Barcelona, sababta uu uga tago Man United, shaqsiga dhex-dhexaadinaya CR7 & Barca iyo inuu qorsheynayo inuu dago Guriga Messi ee Barcelona!

Sheeko:Cayaaraha

Warka ugu weyn suuqa kala iibsiga xiddigaha ayaa soo ifbaxay saacadihii ugu dambeeyey, iyadoo suuqa kala iibsiga xiddigaha dib loo furi doono bisha Janaayo, Cristiano Ronaldo ayaana la soo warinayaa inuu ku sii jeedo Kooxda kubadda cagta Barcelona.

Cristiano Ronaldo ayaa la soo warinayaa inuu isagu nafsad ahaantiisa isu bandhigay Kooxda Barcelona, isla markaana uusan ku farraxsanayn Manchester United.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in xiddiga xulka qaranka Portugal uu la xiriira daafaca dhexe ee Barca, Gerard Pique, isla markaana uu weydiistay inuu kala hadlo Macallin Xavi u dhaqaaqistiisa Nou Camp oo uu diyaar u yahay.

Jariiradda Mundo Deportivo ayaa warinaya in wakiiilka Ronaldo ee Jorge Mendes uu mar hore wahadallo ku aaddan heshiiska uu Camp Nou ugu wareegayo CR7 la bilaabay Madaxweynaha Kooxda Barca ee Joan Laporta. Ronnie ayaa ka war haya in kooxda Catalans ay lacago caddaan ah ku raadinayaan gooldhaliye uuna ka faa’iideysan karo fursaddaas, iyadoo ay xusid mudan tahay in Kooxda reer Spain ay lacag ay isku maalgeliyaan oo deyn ah ka heleen Bank.

Waxa la sheegay in uu Xavi la xiriiray CR7 maalmo ka hor, isagoo uga mahad celinaya wahadallada horudhac ah ee uu sameeyay saaxiibkiisii hore ee Man United, Pique. Wakiil Mendes waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay Madaxweyne Laporta, labadan shaqsi ayaana durba ka wada hadlay suurtagalnimada tallaabada uu ku dhaqaaqi karo Ronaldo.

Dhowr shaqsi oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Kooxda Barca ayaa la sheegay inay u maleeyeen heshiiska halyeeyga Real Madrid uu ku doonayo inuu ku yimaado dhankooda mid kaftan ah markii ugu horreysay ee ay maqleen.

Ronaldo ayaa la sheegay inuusan ku farraxsanahay garoonka Old Trafford, iyadoo ay wali kooxdu ku dhibtoonayso inkastoo isagu uu goolashiisa dhalinayo.

36-sano jirkaan ayaa sidoo kale la sheegay inuusan ku qanacsanayn hababka uu u maamulayo Man United Macallin Ralf Rangnick.

Pique ayaa lagu soo warramayaa inuu Macallinka kooxda Barcelona ee Xavi u gudbiyay fikradaha Ronnie. Waxaana la sheegay in Macallinka Barca uu ku jawaabay:

“Gooldhalinta iyo waayo aragnimada Ronaldo uu na siin karo, waa wax aan shaki ku jirin inay na caawin doonaan”.

Laakiin ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Xavi ayaa ka codsaday daafaciisa Pique inuu dib ugu laabto oo uu hubiyo halka uu Ronaldo doonayo inuu ka ciyaaro.

Pique waxa uu sidoo kale weydiiyay Lionel Messi sida warbixinta lagu sheegay haddii uu ka kiraysan karo Gurigiisa haddii uu Ronaldo ku soo biiro Barcelona.

Ronaldo ayaa markii ugu dambeysay oo uu ku soo ciyaaro garoonka Camp Nou waxa ay ahayd sanadkii hore, markaasoo uu ka tirsanaa Kooxda Juventus, markaasoo kooxda Talyaaniga ah ay ku soo adkaatay 3-0, xilli labo ka mid ah goolashaas oo ahaa rigooreyaal uu dhaliyey Cristiano.

Goobjoog News