U bood dhigaalka

Warbixin : Dabaaldegii 3 Guurada Goobjoog

Sheeko:Dalka

Talaadadii July 14, 2015 waxaa Hotel City Plaza lagu qabtay xafladda sanad guurada sadexaad ee Goobjoog News.

Xafladda waxaa loo dabaaldegay si weyn, Xamaasad leh, Majaajilo, Qosol, Gabayo, Khudbado iyo Mashxarad , iyada oo kasoo qeybgalayaasha , gaar ahaan shaqaalaha Goobjoog oo 100 kor u dhaafayay ay ka muuqatay jawi reynreyn ah .

Xafladda, waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka warfaafinta , hidaha, dhaqanka iyo dalxiiska , xildhibaano, mas’uuliyiinta gobolka Banaadi, ururo kala duwan oo xagga xuquuqul insaanka ah iyo kuwa rayid, culumo iyo waliba saxafiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii, Waxaa xafladda ka hadlay Agaasimaha Idaacadda Xasan Maxamud, isagoo ku dheeraaday waxqabadka Idaacadda sanadkiii tagay sida xarumo cusub oo FM ah oo lagu furay gobolada dalka, oo ay ugu dambeysey xarunta laga furey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Adeegyo badan oo Idaacadda lagu soo kordhiyay sida Satellite-ka ama Dayaxgacmeedka, oo dunida oo dhan Idaacadda laga dhageysto iyo Barnaamijyo oo waxtar leh oo Idaacadda qabatay sida”Hindisaha Gurmad iyo Gargaar”.

Xafladda Waxaa ka hadlay Xaliimo Ibrahim Ismaciil oo ah xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka , waxayna sheegtay in Goobjoog ay ku caan baxday fariim degdega ah, iyadoo intaa raacisay in Goobjoog ay fariinta kusoo direyso adigoo dhacdadii ku dhex jira.

“waxaan xusuustaa anaga oo ku dhex jirna hawshii maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa waxaa iisoo dhacaya fariin sheegeysa waxa aan markaasi qabanay” ayay tiri Xaliimo o ahayd guddoomiyihii guddiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe.

Dhinaca kale, Waxaa xafladda ka hadashay Sahro Cumar Maalin oo ah guddoomiyaha hey’adda xuquuqul insaanka INXA iyadoo amaantay waxqabadka Idaacadda, waxayna wasiirka warfaafinta iyo baarlamaanka ka codsatay in sharciga saxaafadda la meelmariyo, islamarkaasina la illaaliyo xuquuqda warbaahinta “Waxaan codsanayaa in qodobka sharciga ku jira ee ah in wariyaha uu sheego isha uu warka ka heley ee saxaafadda aadka oga cabanayso meesha laga saaro ama si kale loo dhigo” ayay tiri Sahra.

Canab Maxamed Cilmi oo ah guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa xafladda ka jeedisay hadalo dhiirigalin ah iyadoo sheegtay in Idaacadda tahay mid Hormuud u ah Idaacadaha dalka ka jira.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Guddoomiyaha gudiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Idaacadda ay ka qabatay shaqo ka badan 3 sano, isagoo intaa raaciyay in ay haboon tahay in arintaas lagu abaalmariyo hawshaasi “Anaga oo aanan samaynin guddigani oo aan hawshani us istaagin ayay Goobjoog biloowdey hawsha dadka loogu gurmanayo, dhabtiina waxa ay qabatay wax aanan inaga xitaa qaban Karin” ayuu intaasi raaciyey.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeedayaa dhankiisa amaanay waxqabadka Idaacadda, isagoo sheegay in Goobjoog mudan tahay in lagu deydo oo horyaal u noqotay Idaacadaha dalka jira. Isaga oo la hadlaya saxaafadda guud ahaan ayuu faray in aysan jirin waxyaabaha la’iska dhaadhiciyey ee ah saxaafadda ay xor u tahay wax kasta “Wax kasta xad ayay leeyihiin, waxa aad heysaan waa hadal, hadalkana mas’uuliyad ayaa ka dhalanaysa, waxaa la rabaa waddaniyad iyo islaanimo in lagu dabaqo hawsha aad heysaan” ayuu intaasi raaciyey.

Waxaa sidoo kale goobta hadal qiiro leh kasoo jeediyay Xildhibaan Maxamed Cumar  Dhalxa guddoomiye ku xigeenka guddiga arimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya iyagoo yiri” “Goobjoog Sanadba Midka ka dambeeya Horumar ayeey gaartaa, waxaan sheegayaa in Idaacadda ay tahay midda kaliya ee bulshada sida saxda ah ugu adeegta, waxaan idiin leeyahay halkiina kasii wada dadaalka”.

Waxa uu warbaahinta ugu baaqay in ay sawir wanaagsan marwalba ka bixiyaan dalka, sidaasina uu dalka ku dhismayo “Reer galbeedka ninkooda birta tuma waxay dhahaan Makaanik, anaga waxaan dhahnaa tumaal, kooda guryaha dhisa waxay dhahaan injineer, anaga waxaan dhahnaa fuundi” ayuu yiri isaga oo ku baaqay in wax kasta oo aan heysano ay micno iyo muunad nala yeeshaan.

Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Goobjoog ugu Mahadceliyay sida fariimaha ay ugu diri dhageystayaasheeda.“Taleefoonka oo jeebka kuugu jiro ayay wararka Goobjoog kuugu soo dhacayaan” ayuu goobta ka sheegay.

Xoghayaha Ururuka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Pakistan oo hadal ka jeediyay Munaasabadda ayaa isna yiri “Goobjoog waxaan ugu hambalyeenayaa Sanad guuradeeda Sedaxaad, waxaan is lahaa weyba ka badan tahay intaasi, marka loo eego shaqooyinka ay qabatay”.

Ugu dambeyntii, Waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cumar Maareeye, wasiirka ayaa ku dheeraaday waxqabadka idaacadda isagoo sheegay in uu la socdo in Idaacadda Wariyaasheeda la socdaan Markabka Nawaal 3 iyo sidoo kale waxqabadka guud ee Idaacadda, Maareeye waxaa uu carrabta ku adkeeyay in Idaacadda waxqabadkeeda ay ka badan tahay 3 sano, isagoo u rajeeeyay Baraare iyo guul.

Hoos Ka Daawo Sawirada

IMG_3149 IMG_3196 IMG_3197 IMG_3201 IMG_3209 IMG_3210 IMG_3238 IMG_3284 IMG_3289 IMG_3307 IMG_3322 IMG_3328 IMG_3341 IMG_3346 IMG_3396 IMG_3415 IMG_3435 IMG_3450 IMG_3508 IMG_3515 IMG_3531 IMG_3559 IMG_3566 IMG_3591 IMG_3596 IMG_3616 IMG_3626 IMG_3640 IMG_3643 IMG_3652 IMG_3659 IMG_3660 IMG_3662 IMG_3668 IMG_3671 IMG_3682 IMG_3686 IMG_3690 IMG_3691 IMG_3696 IMG_3704 IMG_3705 IMG_3714 IMG_3715 IMG_3959 IMG_3964 IMG_4005

Goobjoog News