U bood dhigaalka

Warbixin : Dagaalada Ciraaq iyo Suuriya oo Saameyn Ku Yeeshey Beeyada iyo Xijiga Boosaaso

Sheeko:Dalka

BeeyadaMaydiga iyo Beeyada waxaa ay ka mid yihiin khayraadka ugu caansan ee
kasoo Baxa Puntland, waxaana loo iibgeeyaa dalalka Carabta iyo meelo
ka mid ah qaaradda Yurub.

Xijiga iyo Beeyada waa nooc ka mid ah xabagta oo laga guro nooc ka mid ah geedaha, waxaana xabagtani waxyaabaha laga dhaliyo ka mid ah luubaanta iyo qeybo kale.

Xijiga waxa uu ka midyahay waxyaabaha ugu faca weyn ee Soomaaliya ay dunida kale u iibgeeyso, gaar ahaan wadamada islaamka iyo carabta tan iyo xiligii faraaciinta.

Inkastoo ay ku tiirsantahay nolosha inbadan oo ka mid ah bulshada ,
dhaqaalena uu kasoo xaroodo ayaa hadana meelihii loo dhoofin jiray
qaar ka mid ah sida dalalka Suuriya , Liibiya iyo Masar waxaa samayn
ku yeelatay kacdoonkii guga carabta ee horseeday dalalkaasi
khayraadkan loo iib geyn jiray inay rabshado ka qarxaan , arintaasi
ayaa waxaa ay saamayn ku yeelatay dhaqaalihii kasoo geli jiray
dalalkaasi qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsatada Xijiga ayaa waxa ay u warameen wariyaheena magaalada Boosaaso Maxamed Xasan Dhalo, waxayna u sheegeen in suuqii xijiga uu hoos u dhacay tan iyo intii rabshadaha ay ka biloowdeen wadamada Carabta.

Xijiga waxa uu ka baxaa dhulka buuraleeyda ah , gaar ahaan buuraha Silsiladda Golis, waxaana geedaha uu ka boxo leh dad iyagu kasii kireeya dad kale oo ka macaasha xabagta.

Waxaa geedaha ka shaqeeya shaqaale wata gudin ama masaar ay ku dhaawaceen jiridda geedka, kadibna dhacaanka geedka ka yimaada ayaa inta qalala waxa uu isu badalaa xabagta xijiga iyo beeyada.

Dhageyso

Goobjoog News