U bood dhigaalka

Turkiga: Erdoğan oo Ku Dhawaaqay in November 1-deeda Dhici Doonto Doorasho Cusub oo Baarlamaani ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa Jimcihii adeegsaday mid ka mid ah awoodihiisa dastuuriga ah kadib markii dhinacyada siyaasadda isku haya ee dalkaasi ku guuldareyteen dhismaha xukuumad wadaag ah iyo in ay gaaraan xal dhexdhexaad ah.

Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in doorasho Baarlamaani oo cusub dalka Turkiga ka dhici doonto   November 1-deeda, isagoo intaa raaciyay in arinkan uu kala hadli doono Isniinta Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.

Recep Tayyip Erdoğan ayaa adeegsaday mid ka mid ah awoodaha uu siinayo dastuurka dalka taasi oo  soo afjaray walaac iyo shaki badan oo dalkaasi ka jiray.

Turkiga waxaa sii maamuli doonta Xukuumad wadaag KMG ah taas oo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan asxaabta kuraasta ku leh Baarlamaanka hadda jira.

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa marar badan ugu baaqay Axsaabta  dalkaasi dhismaha xukuumad loo dhan yahay inta aanay go’in xilligii dastuuriga ahaa ee loogu talagalay dhismaha xukuumad, lakin taasi ma dhicin oo xisbiga talaya haya iyo asxaabta kale ee Turkiga waxaa ay isku mari waayeeyn arimo la xiriira siyaasadda arimaha dibadda iyo waxbarshada.

Davutoglu ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in uu ku guul-dareystay dhismaha xukuumad wadaag ah, Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii xisbiga Erdoğan ee AK uu lumiyay inta badan kuraastii baarlamaanka doorashadii dhacday bishii Juun, waa markii ugu horeysay oo guul-darro noocan ah ay soo gaarto xisbiga Erdoğan tan iyo 2001-dii.

Baarlamaanka ayaa waxaa dhici karta in uu u codeeyo in xukuumadda hadda jirta ay shaqadeeda sii wadato inta doorashada dhacesyo, lakin arinkaas waxaa ku gacan seyray mid ka mid ah asxaabta mucaaradka.

Is qabqabsiga siyaasadeed ee dalkaasi ayaa waxaa ay keentay in hoos u dhac ku yimaado dhaqaalaha Turkiga iyo in ay yaraato kalsoonida dadkii Maalgashiga ku sameyn lahaa dalkaasi, waxaa intaa u dheer dagaalka Daacish iyo Kurdiyiinta.

Lacagta Liiraha Turkiga ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac, halkii dollar waxaa lagu sarifayey  3.0 Liiro, waa hoos u dhac qiyaastii 22%, lakin dadka wax falanqeeya waxaa ay sheegayaan in doorashadan baarlamaaniga ee lasoo hormariyay keeni karto in wax walba caadi kusoo noqdaan.

Goobjoog News.