U bood dhigaalka

Warbixin: Farmaajo, Ma Ciribtiray Xulafadii Xasan Kheyre ee Golaha Wasiirrada?  

Sheeko:Amniga

Waxaa fiidnimadii  Isniinta lagu dhawaaqay xukuumaddii ra’isul wasaaraha cusub ee Maxamed Rooble, isbadal badan oo xagga beelaha ma dhicin marka la eego nidaamka wax qeybsiga 4.5.

Beesha Hawiye marka laga reebo Fowsiyo Abiikar, wasiirka caafimaadka inta kale waa la fasaxay halka beelaha kale waxyar laga taabtay.

Wasiirrada la badalay waxaa ay u badan yihiin qaar olog siyaasadeed la ahaa Xasan Cali Kheyre, ra’isul wasaarihii hore, oo ku jiray tirada yar ee u codeysay maalintii jagada laga qaaday, qeylinayey oo weliba hadda ku jira ololohiisa uu ku doonayo jagada madaxweynaha.

Ceyrinta xubnahaas waxaa afjar u aheyd asxaabta Xasan Kheyre ee Villa Somalia, waxaa ka horeeyey oo looga saaray xafiiska ra’isul wasaaraha gacan yareyaashii iyo dadkii ugu dhowaa Kheyre.

Haddaba, Xubnaha Wasiirrada Xasan Kheyre u Dhowaa ee La Ceyriyey Waxaa Ka Mid Ahaa:

1. Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirkii arrimaha gudaha iyo federaalka ah.

2. Maxamed Abuukar Islow, wasiirkii amniga gudaha

3. Eng Cabdi Canshuur Xasan: Wasiirkii Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya

4. Xasan Cali Maxamed-Amar dambe, wasiirkii Gashaandhigga

5. Aadan Isaaq Cali : Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),

6. Cismaan Cabdi Daallo : Wasiir ku xigeenka dekadaha iyo gaadiidka Badda

Liiskan kore waa inta firfircooneyd ee golaha ka tirsanaa, qeybna ka ahaa ololaha madaxweynnimo ee Xasan Kheyre kuwaas oo xukuumadda laga saaray, waxaana muuqata in Farmaajo uu cirib tirayo cid walba oo xiriir soke iyo mid fogba lala lahaa Kheyre.

Dhanka kale, arrimaha soo kordhay waxaa ka mid ah in xukuumadda Rooble lagu soo daray xubno mucaarad ku ahaa xukuumaddii Kheyre, waxaa ku jira nin uu Al-shabaabnimo ku eedeeyey wasiirka la badalay ee waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda waxay ku tilmaameen wejiyada ku jira xukuumadda Rooble mid olole, waxaana qaarkood abaal looga dhigay ololihii ay u galeen Farmaajo markii uu raadinayey xilka madaxweynnimada iyo sidii uu mar kale kusoo noqon lahaa.

Goobjoog News