Warbixin Gaar Ah:- Dalladaha Iyo Dowladda Ee Is Diidan

Todobaayadan waxaa cirka isku shareeray khilaafka ka dhaxeeya dalladaha iyo wasaaradda  waxbarashada, khilaafkana waa mid salka ku haya  in la qaado  imtixaan midaysan oo wasaaraddu hormuud ka tahay , lagana qaado dhamaan ardayda fasalka 12aad ee dhamaystey daraasadda dugsiyada daldadahu gacanta ku hayaan, taasi oo ku qotanta hishiis ay wasaaradda iyo dalladuhu wada galeen bishii April,2014.

Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah. mid dhigayay in laga bilaabo sanad dugsiyeedka 2014-2015 in ay wasaaradda ay qaado  imtixaan mideysan oo qaran, lagana qaado ardayda dhameysatay  fasalka 12-aad ee dugsiyda dalladahu gacanta ku hayaan.

Hase yeeshee heshiiskaasi ma uusan fulin, waxaana ku kala boodey labadii dhinac ee markii hore wada galay.

Haddaba intay wax ka xumaadeen, maxaase is badaley? Jawaabta ka hor bal aan fiirino labada dhinac iyo sida uu xaalku yahay

Dalladaha

Aan ku bilownee Dalladaha gaarka loo leeyahay ee tacliinta ka shaqeeya oo tiro ahaan gaaraya 12 dalladood waxay aad u xoogeysteen 25 sano ee dalku fowdada ku jiray, ardaydii ay wax soo bareena waxay maanta ka muuqdaan dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha, bulshadana waxayna hayaan shaqooyin maqaam iyo maamuus kale qaranka dhexdiisa.

Sanad dugsiyeedkan  2014-2015 ardayday soo xaadirtay dugsiya hoostaga dalladaha waxay gaarayaan 2,87000 (Labo boqol, sideetan iyo todobo kun).

17,254 (Todobo iyo tobon kun , labo boqol iyo konton iyo afar  arday) oo ka mid ah tiradaasi sare waxay u fariisteen  imtixaanka fasalka 12aad oo ah fasalka lagu dhameeyo dugsiga sare ee dalkeena,  sidoo kale dalladaha waxaa u shaqeeya 8,175 bare (sideed kun boqol iyo todobaadtan iyo shan macalin) oo leh xirfado iyo heerar  waxbarsho oo kala duwan. Tiro intaasi la’eg oo kale ayaa ka shaqeysa dugsiyada.

Marka aad halkaasi taagantahay waxa aad garan kartaa kaalinta mugga leh ee ay dalladaha kaga jiraan dalka Soomaaliya iyo horumarkiisa, kaliya ma ahan kuwa mustaqbal wanaagsan siiyey kumanaan ubbad Soomaaliyeed oo rajo beel noqon lahaa, ee sidoo kale waxa ay shaqo siiyeen kumanaan kale oo dad ah xili dalka ay ka jirto shaqo la’aan baddan.

Wasaaradda Waxbarashada

Dhinaca kale haddaan fiirino laga soo bilaabo sanadkii 2009 waxaa wasaaradda waxbarashada ku dhacay 9 isbadal, oo waxaa kursiyada isku badalay ugu yaraan 9 wasiir oo midkasta oo siyaasad iyo aragti waxbarasho oo cusub  watay.

Laga soo bilaabi dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan xili hadda laga joogoi 15 sano wasaaradda waxbarashada waxa ay kaliya ahayd mid magac ahaan u jirta, mana jirto hawl la taaban karo oo ay qabatay sabab kasta ha lahaatee, waa marka laga hadlayo waxa ay tahay in wasaarad waxbarasho ay qabato.

Dowladda ayada oo kaashanaysa laanta qaramada midoobey ee Unicef  waxay biloowday sanadkii 2013 olole loogu magac daray  Aada Dugsiyadda oo ay lacag badan ku baxday.

Qorshaha waxa uu ahaa in illaa hal malyuun oo arday la geeyo goobaha waxbarashada iyada oo lacag la’aan ah, taasi oo ka dhigan in la furo iskuulaad ay dowladda maamusho, macalimiintana ay iyadu mushaarka siiso.

Labo sano kadib ololihii dowladda iyo Unicef isla wadeen oo loogu tala galay in ay ka faa’iidaystaan 1milyan oo ciyaal Soomali ah, waa uu kala daatay kadib markii labixin waayay mushaaraadkii barayaasha, soona if baxeen eeddo ah in la musuqay lacagtii ololaha.

Ololaha waxa uu ahaa fursad weyn oo haddii sida ay tahay looga faa’iidaysto  maanta wasaaradda ka dhigi lahaa mid gacanta ku heysa dugsiyaal badan iyo arday badan oo maanta iyadu imtixaam ka qaado.

Ma jiraan wax saansaan ah ama caddeymo ah oo loo heli karo jiritaan xitaa hal iskuul oo ay dowladda maamusho , waxaase jira oo kaliya dhawr iskuul oo si gaar ah loo maamulo balse ay dowladda kor ka sheegato kuwaasi oo lagu hayo mashruuca Aadda Dugsiyada oo wali wax ka noolyihiin.

Dad badan waxa ay filayeen in wasaaradda waxbarashada ay dib u hawlgalin doonto dugsiyaddii badnaa ee dowladdii hore maamuli jirtey, laakiin taasi ma aysan dhicin, badalkeedana magaalada Muqdisho waxaa jira illaa 90 iskuul oo dowladda lahayd oo laga kireeyey iskuulaad gaar loo leeyahay, kuwaasi oo inta dayac tirey ku shaqeeya.

Halkee Iskala Jaanqaadeen Wasaaradda iyo Dalladaha ?

Markasta oo la dhiso xukuumad cusub, wasiirka waxbarashada ee xilka qabta waxa uu sheegayay ama ku haminayay in uu isbadal ka sameyn doono arrimaha tacliinta.

Ka sokoow in dowladda fidiso adeeggii bulsho ee loo igmaday ee waxbarashada, waxaa kale oo ay wasaaradda ku dadaalaysay in ay marka hore nidaamiso goobaha waxbarasha ee shaqeeya ee gaarka loo leeyahay.

Nidaamka ayaa ahaa dhawr qodob oo kala in la helo manhaj mideysan, shahaado mideysan, imtixaam mideysan, kormeer iyo dabogal, diwaangalinta macalimiinta iyo tayeyntooda iyada oo lasoo jeediyey in macalin kasta ay tahay in marka hore uu shati ka qaato wasaaradda ka hor inta uusan fasal galin si loo hubiyo in uu leeyahay tayadii barenimo dhanka aqoonta iyo dhanka aqlaaqdaba.

Intaasi waxaa socdey kulamo, tashiyo iyo go’aano la gaarayay, wixii lasoo kacaa kufaba wasaaradda iyo dalladaha ugu dambeyntii waxa ay gaareen heshiis dhawr qodob ay ugu muhiimsanaayeen, kaasi oo qalinka lagu duugey bishii April sanadkii 2014-kii.

Qodobada Heshiiska

  1. In guddi imtixaan oo heer qaran ah la sameeyo
  2. In Wasaaradda ay wasaarado qorto xeerkii & sharciyadii waxbarashda gaarka loo leeyahay, kaasi oo la mariyo baarlamaanka
  3. In Sameeyo shahaado mideysan
  4. In wasaaradda qaaddo imtixaan mideysan ee dugsiyada sare ee laga bilaabo 2014-15 sanad dugsiyeed.

Iyada oo ay halkaasi wax marayaan ayaa lasoo gaaray ama ay soo dhawaatay mudadii la qaadi lahaa imtixaamka, waxaana durba dhashay khilaaf u dhaxeeya wasaaradda iyo dalladaha, balse dalladaha ay ku kala qeybsanaayeen markii hore, kaasi oo lagu diidanyahay in wasaaraddu qaaddo imtixaam mideysan.

Dalladaha waxa ay cuskanayaan qodobka labaad ee ah in la dajiyo sharciga waxbarashada gaarka ah, waxayna sheegeen sharcigaasi la’aantiis ayasan aqbali doonin in wasaaradda ay qaaddo imtixaam mideysan.

Waxay sidoo kale  ay wasaaradda ku eedeynayaan in markii ay ahayd in guddi qaran oo imtixanada qaada la sameyn lahaa, lagana hadli lahaa caqabadaha jira ee la xiriira amniga iyo farsamada imtixaanka ay wasaarado biloowday hanjabaad iyo in ay dalladaha ku tilmaanto hogaamiyo kooxeedyada qalinka.

“ Waan ka xunahay in wasaardo nagu tilmaanto hogaamiya koxeed qalin…. Anagu wasasarada waxba ku haysano ee waxaan nidhi kohor imtixaan qaran ha la hilo sharcigii waxbarshda gaarka loo leeyahay” ayuu yiri Cali Maxamed Fidow oo ah xubin ka tirsan daladaha gaarka loo leeyahay.

Marka si hoose looga xog wareysto dalladaha waxa ay sheegayaan in aysan kalsooni ku qaban wasaaradda, islamarkaasina arkaan daldaloolo waaweyn oo hadhoow halis galin kara sii jiritaankooda, sidaasi darteed ay marka hore doonayaan in la helo sharci damaanad qaad buuxa siinaya mustaqbalkooda maadaamaa waxa ay ku jiraan uu yahay ganacsi iyo waxbarashada gaarka loo leeyahay.

Dhinaca kale wasaaradda waxay ku adkaysanysaa in ay imtixaan qaado “ Markasta oo heshiis lagalno daladaha way ka baxaan, …. Wasaaradda ayayna u taalaa in ay imtixaanka qaado” waxaa sidaasi yiri wasiir ku xigeenka waxbarashda Xaamud Cali Xasan.

Wasaaradda waxa ay dalladaha ku tuhmeysaa in ay ka shidaal qaadanayaan baaqii Alshabaab ee ahaa in aysan ogolaanin in dowladda ay imtixaam mideysan qaaddo, iyo sidoo kale in dallaha oo muddo dheer nidaam la’aan kusoo shaqeynayay ay doonayaan in waxbarashada dalka oo dhan ay iyaga u afduubnaato.

Maxaa caqabadaha ah oo ka dhalan kara ismari waaga labada dhinac ?

Inkasta oo wasaaradda ku adkeysanayso go’aankeeda, haddana waxaa hortaagan caqabado waaweyn sida in aysan haysanin macluumaadka ardayda 17 kun ka badan ee ka qalin jabinaya dugsiyada sare ee ay dalladaha maamulaan. Dalladaha waxa ay diideen in ay wasaaradda ku wareejiyaan magacyada iyo macluumaadka kale ee ardeyda.

Xitaa majirto qaab ay wasaaradda ay ku ogaan karto in ardada imtixaamka usoo fariisanaysa ay yihiin kuwii saxda ahaa ee daraasadda dhameystey iyo in kale, mana la oga sida ay wax oga qabsoomi karaan hadalka wasiir ku xigeenka ee ah in iskuulaadka ay si gaar ah ola macaamilayaan dalladaha la’aantood wakhtigan hada la joogo.

Arrin kale oo walwalkeeda leh ayaa ah suurtogalnimada in uu qish banaanka u bixi karo maadaamaa wasiir ku xigeenka Xaamud uu sheegey in imtixaamka ay dowladda qaadeyso ay wax ka dajiyeen dalladaha ka hor intii aysan diidin qorshaha dowladda, kuwaasi oo laga yaabo in ay jalaafo la damacsanyihiin wasaaradda.

Sugista amniga meelaha ay ardayda ku galayaan imtixaanaadka, iyo cidda damaanad qaadaysa nafta kumanaanka arday ee laga yaabo in ay imtixaamka fariistaan, sababtuna waxa ay tahay in  Al-shabaab ay ku hanjabtay  in ay u aqoonsaneeyso askari dowlo ardaygii imtixaanka wasaaradda gala.

Dhanka dalladaha culeys badan ayaa wasaaradda ka saaran, sababtoo ah waa tan bixisey ruqsadaha ay ku shaqeeyaan iyo sidoo kale shahaadada mideysan ee ardayga looga baahanyahay marka uu galayo jaamacadda.

Dalladaha waxa ay ku gorgortamayaan xogta ardeyda ee ay hayaan, dowladdana hubka ugu weyn ee ay ku dagaalamayso ayaa ah shahaadooyinka iyo ruqsadda.

Marka ay halkaasi mareyso cidda dhibka koowaad ee ugu weyn uu ku dhacayo ayaa ah ardayda dushooda lagu hardamayo, waxaana arrintaasi ka hadlaya mid ka mid ah ardeyda oo magaciisa ka gaabsaday.

“Ardeyga caqabad ayaa ku iman karta, wixii uu 12 sano soo baranayay in la dhoho waxbo kama jiraan , shahaadana laguma siinayo , jaamacadna ma aadi kartid, marka waad dareemi kartaa caqabbadda kaa hor imanaysa inta ay la’egtahay” ayuu yiri ardaygani oo aan xog wareysanay intii aan ku jirtey cilmi-baarista qormadani.

Maxamed Xasan Haambe waa madaxa kulyadda cilmiga bulshada ee jaamacadda SIU waxa uu qabaa in gacan sedexaad ay soo dhexgasho labada dhinac, la’iskuna qasbo in ay wada shaqeeyaan.

Dhinacaasi sedexaad waxa uu noqon karaa guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka, kaasi oo aanan illaa iyo hadda ka hadlin arrinka murugsan, markii ay Goobjoog xiriir la sameyseyna aysan noo suurogalin in aan haleelno.

Madaxweynaha laftiisa ayay kaalin mug leh oga banaantahay in soo dhexgalo arrinka, waxaase la fahmi karaa culeyska ka heysan kara labada arrimood ee kala in isaga shaqsi ahaan uu kasoo mid ahaa dalladaha, kuna lug leeyahay goobo waxbarasho oo gaar loo leeyahay, dhinaca kalana uu yahay madaxweynihii dalka.

Gabagabadii ma jiro wax xal ah oo soo muuqda, waxaana kaliya la eegi doonaa sida ay wax u dhacaan.

W/D : Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir iyo Axmed Cabdihaaddi Cabdullaahi

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW