U bood dhigaalka

Warbixin: Go’aanka Wasaaradda Waxbarashada Kadib, Gobolladee Roobabka Ka Da’een?

Sheeko:Dalka

Wasiirka waxbarashada Cabdiraxman Dahir Cusman ayaa maanta baajiyay  Imtixaanka shahaadiga ee dalka isaga oo sababta ku sheegay roobabka mahigaanka ah ee ka da’aya caasimadaa iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

Haddaba, Weriyeyaasha Goobjoog News ee gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya  ayaa u kuur-galay xaaladda goobaha ay joogaan si loo hubiyo saameynta roobabka iyo sida dadka u arkaan go’aanka wasaaradda waxbarashada.

Gobolka Banaadir  oo ay caasimadda ku jirto ayey ka da’een roobabka ugu badan,  waxaa lagu soo waramayaa inay jidad qaar xirmeen, guryana soo dumeen, laakin inta badan isu socodka dadka iyo gaadiidka waxaa uu caadi kusoo noqday wixii ka dambeeyay 9:00 subaxnimo.

Gobollada kale ee roobka ka da’ay waxaa ka mid ah Shabeellada hoose Afgooye  iyo Marka iyo shabeellada dhexe sida Balcad iyo  Jowhar.

Weriyeyaasheena  Galmudug iyo gobollada Bay  iyo Bakool  oo ka mid ah goobaha imtixaanka ka dhacayey waxaa ay sheegayaan in halkaasi aanu wax roobab ahi ka di’in.

Dhanka Kismaayo waxaa xalay da’ay roob saacado yar socday laakin saaka isu socodka iyo xaaladda waa caadi halka gobolka Gedo oo ka mid ahaa gobollada Imtixaanka laga geli lahaa aanu roob kaba di’in.

Waxaa xusid mudan in Puntland iyo Somaliland aaney qeyb ka aheyn imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda federaalka ah halka gobolka Hiiraan ay horay dowladda uga joojisay sababo la xiriira fatahaadda webiga.

Goobjoog News