U bood dhigaalka

Warbixin: Halka Ay Kala Yaalaan Kuraasta Golaha Shacabka iyo Caqabadda 40-ka Maalin

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta bilaabanaya mudada 40-ka cisho ah ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka baarlamanka 11-aad.

Ilaa iyo hadda waxaa la doorto in ka yar 35 kursi oo ka tirsan golaha shacabka kuwaas oo qaarkood ay muran iyo buuq ka taagan yihiin.

Madaxda golaha wadatashiga qaranka ayaa shir isbuuc uga socday Muqdisho ay ku soo gabagabeeyeen 9-kii Janaayo ku sheegay in kama dambeys la soo afmeerayo doorashada golaha shacabka ee baarlamanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya 25-ka bisha soo socota.

Hadabada warbixintaan waxa aan idin kula wadaageynaa  deeganada doorashada ka dhaceyso iyo caqabadaha ka taaga.

Puntland:

Garowe:  Magaalada caasimadda u ah maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Deni, waxa ay ka mid tahay deeganada sanadkan loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada golaha shacabka oo maamul walba laba deegaan doorasho ay uga dhici doonto.

Garowe waxaa lagu soo dooranayaa 21-kursi oo ka tirsan golaha shacabka, Garowe waxa ay sidoo kale qeyb ka tahay magaalooyinka ay goobaha doorashada lagu qabanayo amnigooda ay wanaagsan tahay.

Dhinaca kale qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa iyagu walaac mar kale ka muujinaya in maamulka Deni ay weli doonayaan sidii kuraasta ka soo baxeysa Garowe ay saameyn ugu yeelan lahaayeen.

Boosaaso:  Magaalada Boosaaso oo ah maagalada labaad Puntland doorashada ay ka dhaceyso, waxaa taallo oo lagu wadaa in lagu doorto 16-kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Boosaaso ayaa dhawaan ka soo noqotay dagaallo qaraar oo u dhaxeeyey ciida ka amar qaata madaxweyne Deni iyo agaasimaha PSF Diyaano.

Isimada Puntland oo dhawaan baaq ka soo saaray xaaladda magaalada ayaa lagu kala aragti duwanaaday baaqa isimada iyo waxgaradka ka soo yeeray.

Dagaalka ayaa dhashay kadib markii Madaxweyne Deni uu xilka qaadis ku sameeyay agaasimihii PSF, kaas oo ka soo horjeestay xilka qaadista madaxweynaha.

Deni oo sida ay sheegayaan wararka aan xukuumaddiisa shaacin doonaya in uu u tartamo kursiga ugu sareeya dalka ee madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta qaar ku eedeeyn in uu saameyn ku leeyahay xildhibaanada la soo dooranayo.

Galmudug:

Dhuusamareeb: Magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug waxaa ay qeyb ka tahay deeganada doorashada sanadkaan lagu qabanayo, waxaana illa iyo hadda qaar kamid ah kuraasta lagu doortay ee golaha shacabka ka tirsan ka taagan walaac xooggan kadib markii madaxweynaha Galmudug oo la garab ah madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Farmaajo lagu eedeyay in uu gacan bidixeynta doorashada qeyb ka yahay.

Dhuusamareeb ayaa waxaa taalla 26-kursi oo ka tirsan golaha shacabka, waxa ayna ka mid tahay magaalooyinka tan iyo markii ay doorashada bilaabatay walaaca laga muujiyay hanaanka maamulka Galmudug uu doorashaa uga wado.

Gaalkacayo:  Magaalada Gaalkacayo waxaa taalla 11- kursi oo ka tirsan golaha shacabka taas oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada.

Gaalkacayo waxa ay kamid tahay magaalooyinka sida adag la isugu haayo ee doorashada ay ka dhaceyso, waana magaalo kamid ah magaalooyinka ugu tartanka adag oo ay isku hayaan siyaasiyiinta Mucaaradka iyo kuwa Farmaajo iyo xulafadiisa.

Maamulka Qoor-Qoor oo si aad ah u garab istaaggan aragtida Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa dhowr jeer lagu eedeyay in kuraasta aar uu u diiday in ay musharixiinta ka aragtida duwan u tartamaan.

Hirshabeelle:

Jowhar:  Magaalada Jowhar waxaa taalla 13-kursi ee golaha shacabka waxaa ka taagan khilaaf dhanka maamulka ah, iyadoo maamulka Hirshabeelle awoodiisa weli aan si rasmi ah ugu baahin deeganada dowlad gobaleedkaas.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa horay loogu ammaanay hanaanki uu u maareeyay doorashada aqalka sare taas oo uu si daah furan u maareyay.

Balse waxaa shaki laga muujinaya sida ay ku suura geli doonto in dhamaan doorashada golaha shacabka loo maarayo si lamid ah doorashada aqalka sare.

Baladweyne:  Magaaladaan waxa ay kamid tahay deegaanada doorashada ay ka dhaceyso, waxaana lagu soo dooranaya 25 kursi.

Baladweyne waxaa bilihi la soo dahafay ka dhacayo dagaallo u dhaxeeyo siyaasiyiinta magaalada ee ka aragtida duwan Cali guudlaawe iyo maamulka hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tan iyo doorashadiisii oo in kabadan sanad ay ka soo wareegtay ku guuldareystay in uu tago magaalaa kadib markii imaanshiyihiisa ay ka hor yimaadeen dadka deegaanka qaar kamid ah.

Guudlaawe oo aan tagin baladweyne inta badanna maamulkiisa laga diidan yahay ayaa la sheegay in ay adkaan doonto qaabka ay doorashada uga qabtaan.

Koonfur galbeed:

Baydhabo: Magaalada caasimadda kumeel gaarka u ah maamulka madaxweynaha Lafta-gareen ayaa waxaa lagu soo dooranaya 43 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Koonfur galbeed oo hadda lagu doortay kuraasta ugu badan ee golaha shacabka ee hadda dooran ayaa guddiyada doorashada iyo maamulkaba lagu eedeyay in aysan si daahfuran deeganka doorasho uga qaban.

Siyaasiyiin uu kamid yahay Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo horay laba xilli u soo noqday guddomiyaha golaha shacabka ayaa loo diiday in ay u tartamaan kuraastooda.

Baraawe:  Magaalada labaad ee koonfur galbeed doorashada golaha shacabka ay ka dhaceyso ayaa ah magaalada Baraawe.

Baraawe waxaa taalla kuraas gaareysa 26 kursi, waxaana ay kamid tahay magaalooyinka kuraasta badan lagu soo dooranayo.

Baraawe ayaa dhankeeda walaac laga muujinaya xaaladeeda amni xilli banaanka magaalada qeyba kamid ah ay fariisimo ku leeyihiin kooxda Shabaab.

Jubbaland:

Kismaayo: magaalada caasimadda kumeel gaarka u ah maamulka Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu soo dooranaya dhankeeda 27 kursi, iyadoo maagaaladaas qaar kamid ah siyaasiyiinta garabka Villada ay cabsi ka qabaan hanaanka Axmed Madoobe u maareynayo doorashada.

Garbahaarey:  Magaaladaan oo muddooyinkii u danbeysay wajaheysay Abaaro iyo siyaasadaha iska soo horjeeda ee Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa taalla 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Garbahaareey ayaa kamid ah meelaha sababta u ah in doorashooyinka dalka ay dib u dhacaan muddo ku dhaw sanad.

Muqdisho:

Somaliland:  Magaalada caasimadda u dalka ayaa lagu qabanayaa doorashada 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay Somaliland.

Illa iyo hadda in ku dhan 20 kursi ayaa lagu doortay magaalad oo Somaliland ay tahay deegaan doorashadeedu.

Banaadiriga: magaalada muqdisho ayaa sidoo kale lagu qabanaya doorashada 5-kursi oo ah kurasta banaadiriga.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in doorashada golaha shacabka ay gaarto ilaa Febraayada 2022, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu Villa Somalia joogayo sanad dheeraad ah, keeni kartana in midowga musharaxiinta ay ku fekeraan tallaabooyin ka dhan ah muddo kordhintaas dadban.

Goobjog News

Abdirahman Sabriye