U bood dhigaalka

WARBIXIN : Heerka Camburinta , Caga-Jugleynta iyo Cadaadis ay la kulmeen Weriyayaashii soo tabinayay qalalaasihii ka jiray Muqdisho 18-19-kii February

Sheeko:Amniga

Magalada Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha ugu halista badan ee ay ka howl-galaan warbaahinta Soomaaliyeed isla markaana ay kala kulmaan halista amni darro.

19-kii February Jimco Ciidanka Dowladda oo xiray waddooyinka Muqdisho ayaa diiday weriyayaasha in ay gutaan howlmalmeedkooda , iyaga oo suxufiyiinta la kulmay , dil , hanjabaad, xarig iyo is hor istaag , taas oo ka horjeeda xoriyada hadalka.

Meelaha qaar Weriyayaasha ayaa laga hor istaagay in u gudbaan goobaha ay shirarka ay ku qabanayeen xubnaha mucaaraadka ah ee ka soo horjeeda Dowladda si shacabka ay u helaan xogaha dalka ka socda.

Cabdi casiis Xasan Ibrahim oo ka mid ah wariyayaasha ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa GoobJoog News u sheegay in shalay xilli ay ka soo baxeen Saaladdi Jimcaha, iyaga oo ku guda jiro howlahooda shaqo ay jirdil u geeysten Ciidamo ka tirsan kuwa Haramacad , gaar ahaan kuwa ku sugan Isgoyska Km4 .

Wariye Cabdi Casiis ayaa sheegay sidoo kale in ciidamadu ay ka qaadeen qalabkii uu ku shaqeeynayay , xilli uu ku howlana sidii uu bulshada ugu soo tabin lahaa xaqiiqda goobta ay wax ka dhacayeen.

“Meeshaas waxaan rabne inaan ka duubno dibad baxyadii meesha ka dhacay dad shacab ah oo meesha joogay iyo sidoo kale xaaladdu sida ay aheyd waxaa dhacday anagoo Live ku jirna oo rabna inaan shacabka wareysano oo xaaladda mesha ka jirta aan ka warbixino ayaa waxaa dhacday in ciidamo ka tirsan kuwa DFS gaar ahaan kuwa Haramacad kuwaas oo dhufeys kaga jira in ay markaas ii yeereen anigoo Live-kii ku jira ayna i dhaheen Live-ka maka bixi kartid”.

“waxey i dhaheen ciidamada yaa tahay waan u sheegay ID-geyga tusay waxaas dhan maley aaba yeelin waxey sameeyeen dhaxdey i kishteen waxey igu dhufteen Qori baagiisa , jug badan ay i gaarsiiyee”.

Fuad maxamud maxamed oo ka mid ah wariyayaasha Risaala ayaa dhankiisa sheegay in shalay uu cadaadis iyo caga jugleyn uu kala kulmay ciidamada.

Wariye Fuad ayaa sheegay xilli uu ku jiray tabinta banaanbaxa in ciidamada dowladda ay dhowr jeer xireen, wariyaha ayaa sidoi kale xusay in uu caga jugleyn kala kulmay Ciidamada .

” Anigo xarunteyda u soo socdo wadooyinka dhan waa ay xirnayen Team wariyayaal aan aheyn shaqadii aan meesha ka bilawnay si dadka xaaladdii ugu tabino , anagoo meesheenna joogno ciidan Booliis ah aa noo imaadeen anagoo dhowr wariyayaal ah waa nala wade saldhigga degmada nala keenay , kadib taliyihii degmada na wareystay waxaan nahaa u shegne cabaar kadib waa nala soo daaye “.

“Xaalad ayaa iska jirtay oo marka ciidamada qaar ee isgooysyada joogo markii aad u sheegto inaa wariya tahay cadaw ayeey kuu arkaan , oo dadkii ay la dirirayeen ama wareerarayeen wariyaheey u arkaan”
Dhanka kale Xoghayaha Tababarada Ururka SJS Hanad Ali Gulied ayaa dhankooda cambaareeyay falalka ciidamada dowladda ay kula kaceen wariyayaasha .

Hanad ayaa dowladda Waqtigeeda dhamaaday ugu baaqay in ay ka waan toowdo tacadiyada aya u geeysaneyso warbaahinta.

” Runtii wey na soo gaareen wariyayaal ka howl gala magaalada Muqdisho oo shalay ciidanka dowladda ay wax yeeleyen kuwa kale ay xireen , dhamaan wariyayaashaasi waxa ay aheeyn kuwa ka howl galaya warbaahinada magaalada Muqdisho , Illa Afar wariye ayaa la xaqiijiyay in ay ciidanka dowladda ay xireen oo ay jirdileen oo ay ka hor istaageen shaqadooda , in wariyayaasha laga hor istaago shaqadooda waxa ay miijineysa sida loogu xad gudbayo xoriyatul qowlka iyo in shacabka Muqdisho ay helaan xogaha ka dhacayo magaalada Muqdisho”.
” Waxaan ugu baaqaya DFS iyo dhinacyada kale in ay wariyayaasha u ogolaadan in ay gutaan shaqadooda oo aan laga hor istaagin shaqooyinka ay hayaan”.

Sikastaba Shalay oo jimca aheyd magaalada Muqdisho waxa ka dhacay isku soo baxyo ay asoo abaabuleen Midawga Musharixiinta kaas oo looga soo horjeeday madaxweeynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowaladda Soomaaliya ayaana habeen ka hor banaanbaxa waxa ay gebi ahaan xirtay wadooyinka magaalada, iyadoo ciidamada dowladda ay diidayeen in ay dadku isticmaalan lugtooda goobaha qaar.