Warbixin : Heshiisyada Shidaalka iyo Shirkadaha Lala Galay

Goobjoog News waxa ay wadaa warbixino taxane ah oo aan ku eegeyno eedeymihii musuqmaasuqa ee shirkadda shidaal baarista ee SOMA Oil and Gas, kadib markii aan helney nuqul ka mid ah warbixin ay diyaariyeen kooxda kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ee Qaramada Midoobey.

Horey waxaan u faafiney warbixin ciwaankeedu ahayd Fadeexada SOMA Oil, Fari Kama Qodna, maanta waxaan si guud diirada u saareynaa shirkadaha qandaraasyada shidaalka lala saxiixday Soomaaliya meel kasta oo ay tahayba.

Aan ku biloownee sida taariikhdu xuseyso dhamaadkii 1980-maadkii ayay dowladdii Soomaaliya ee xiligaasi jirtey heshiisyo shidaal baaris ah la saxiixatay shirkado shisheeye oo caalami ah sida Shell, Total, Chevron, Conoco iyo ENI, balse sanado yar kadib dhamaan shirkadahaasi dalka waa ay ka baxeen kadib markii uu biloowdey dagaalkii sokeeye, iyaga oo wali heystey xuquuqdii lahaanshiyaha ceelashii loo saxiixay.

Hase yeeshee dagaalka sokeeye ee dhacay ma uusan hor istaagin shirkado kale oo iyagu halista u bareera, kana macaasha meelaha ay shaqaaqooyinka ka taaganyihiin. Meelaha ay shirkadahani durbaba tageen waxaa ka mid ah Puntland iyo Somaliland oo iyagu xasilooni heley, balse aanan heysanin sharciyad ay qandaraasyo shidaal ku galaan.

Waxaa ka mid ah Kilimanjaro Capital oo uu leeyahay nin asalkiisa Aasiya u dhashay oo heysta dhalashada Dalka Uganda oo lagu magacaabo Zulfikar Rashid, shirkadaasi oo %5 ka iibsatay danaha shirkad rag Soomaali ah leeyihiin oo lagu magacaabo Amsas oo iyadu sheegtey in ay heysato qandaraas ceelal shidaa oo ku yaala Afgooye iyo Qooryooley, Shabeelada Hoose.

Kilimanjaro ee uu madaxda ka yahay Zulfikar oo ka mid ah hunuuddii Madaxweynihii Uganda Iddi Amin Dad uu ka tarxiiley Uganda ayaa waxa ay caan ku tahay in ay heshiisyo la gasho maamulada iyo jabhadaha aan la aqoonsanayn ee adduunka ka jira.

Amsas oo uu leeyahay nin lagu magacaabo Cali Cabdullaahi oo horey Puntland wasiir uga soo noqdey, haatana xisbi madax ka ah, kana tirsanaa wasaaradda batroolka ayaa waxaa heshiiska u saxiixay wasiir ku xigeenkii hore ee batroolka iyo macdanta Cabdullaahi Dool, xiligii dowladihii KMG ahaa. Heshiiskani shaki weyn ayaa ku jira sida uu sax u yahay.

Hase yeeshee wasiirkii batroolka mudane Daa’uud Maxamed Cumar ee xilka ka tagay ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku beeniyey in uu jiro wax qandaraas ah oo lala galay shirkadaasi oo ay ka warhayaan, uusana jirin wax ceelal shidaal ah oo ay wasaaradda ogtahay oo Afgooye iyo Qoryooley ay hawl ka socoto ama cid loo saxiixay.

Inkasta oo dowladda federaalka lafteeda ay ku eedeysantahay in ay gashay heshiisyo shidaal oo aanan sharciga waafaqsanayn, baarlamaankana ansixin, haddana dhamaan wasiiradii soo maray wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxa ay diideen in qandaraasyada shidaalka ee shirkadaha ka galeen dalka qeybo ka mid ah, iyaga oo ku tilmaamay kuwa sharci daro ah, dowladdana aysan marnaba aqbali doonin.

Maamul goboleedyada dalka ka jirta qaarkood ayaa heshiisyo la saxiixdey shirkado cusub, waxayna talaabadan keentey culeysyo xagga sharciga iyo shaki xagga hufnaanta ah.

Somaliland

Maamulka gooni isu taagga Somaliland ee ka taliya gobolada waqooyi ee Soomaaliya, horeyna Ingiriiska u gumeystey waxa uu illaa iyo hadda saxiixay 4 qandaraas oo shidaal laga soo bilaabo sanadkii 2008 illaa 2013-kii.

Shirkaddii ugu dambeysey ee heshiiska lala saxiixay waa tan Yemen laga leeyahay ee magaceedu yahay Ansan Wikfs taasi oo la siiyey ceelasha kala ah 14aad, 15aad iyo 7aad, waxayna bixisey $1.8 milyan doolar oo canshuur ah.

Waxaa heshiiska Somaliland u saxiixay wasiirka tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.

Shirkadaha kale waxaa ka mid tan London xarunteeda tahay ee Genel Energy Plc, RAK Gas LLC oo ay leedahay dowladda Ras Al-khaimah ee dalka isu tagga Imaaraadka Carrabta iyo tan Oslo, Norway ku taala ee DNO International ASA.

Waxaa kuwani dheer shirka Shiinees ah oo macdanta qodda oo lagu magacaabo Guangzhou Dongsong Energy Group Co Ltd, taasi oo balse markii dambe joojisey shaqadeedii kadib markii ay dadkii deegaanka ku kaceen.

Puntland

Heshiiskii shidaal ee ugu horeeyey waxa ay Puntland saxiixday sanadkii 2005 kaasi oo lala galay shirkadda Range Resources , taasi oo markii dambe heshiiska loo balaariyey lagana dhigey mid wax soo saar sanadkii 2007-dii, halkii markii hore uu ahaa baaris oo kaliya. Markani waxaa bah wadaag la noqdey shirkadda kale ee Canmex Holdig oo laga leeyahay jasiiradda Barmuuda ee Canada.

Sida heshiiska ku xusnaa ee loo qeybsanayo wax soo saarka, shirkadda waa in ay samayso sedex sano oo shidaal baaris ah, haddii shidaal la helana markaasi loo saxiixo 20 sano oo qandaraas shidaal soo saaris ah, taasi oo la kordhin karo muddo 5 sano oo kale.

Hase yeeshee labadii ceel ee lagu hanweynaa ee Shabeel 1 iyo Dharoor waa lagu hungoobey, wax shidaal ahna lagama gaarin, tan waxa ay horseedey in Puntland ay qandaraas hor leh la saxiixayo shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo ION si ay u samayso sahan xagga badda ah, una soo uruuriso macluumaadka kheyraadka shidaalka ee gunta badda ku jira.

Shirkadihii kale ee Range Resources iyo Red Emporors ee horey qandaraaska ula lahaa Puntland ayaa iyaguna danaynayay in ay sameeyaan sahankaasi.

Waxaa iyaduna jirtey qorshe ay wadeen dad u dhashay dalka Maraykanka iyo kuwa Soomaali ah oo heysta dhalasahada Maraykanka kaasi oo ahaa in Puntland laga dhiso warshad sifeysa shidaalka oo maalinkii soo saari karta 100,000 fuusto oo shidaal ah, qorshahani waxa uu u baahnaa lacag dhan $1.5 bilyan oo doolar, balse lacagtii waa la heli waayay, qorshihiina sidaas ayuu ku meelmari waayay.

Waxaa iyana jirtey in madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu wiilkiisa Cabdiqaadir u direy dalka Maraykanka ah isaga oo ah ergey ka socda maamulka Puntland, Goobjoog News waxa ay fahamsantahay in ergeyga uu la kulmey madaxda shirkado kala duwan oo shidaalka ku lug leg si uu ugu qanciyo in ay maalgashadaan Puntland. Lama oga waxa arrinkaasi ka xaasiley.

Galmudug :

Shirkad fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Liberty Petroleum oo ay leeyihiin labo nin oo walaalo ah, midkoodna uu markii dambe uu xildhibaan ka noqdey aqalka Congresska, Maraykanka oo lagu kala magacaabo Trent Franks iyo Lane Franks ay heshiis shidaal la saxiixday madaxweynihii Galmudug Cabdi Cawaale Qeybdiid bishii Feberaayo sanadkii 2013-kii.

Heshiiskani meesha lagula galay shirkadda waxaa horey dowladdii Siyaad Barre ay ugu saxiixday shirkadda Shell ee Holland laga leeyahay laga leeyahay, tani waxa ay horseedey in labo nin oo ka tirsan shirkadda Shell oo xagga la talinta sharciyadda u qaabilsan oo lagu kala magacaabo Tjalling Wiersman iyo Ayca Arisoy ay warqad digniin ah u direen shirkadda Liberty Petroleum, iyaga oo uga digey in dhulka heshiiska lagula galay ay leedahay Shell.

Sidoo kale waxa ay Shell warqad u qortey dowladda Soomaaliya, kana codsatay in ay difaacdo hantida shirkadda ee Soomaaliya, waxaana markiiba jawaab ka bixiyey wasiirkii batroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo yiri “Galmudug marnaba ma gali karto wax qandaraas ah, iskaba dhaaf in ay qandaraas ka gasho ceel ay Shell leedahay”.

Cabdi Cawaale Qeybdiid oo isna hadlay ayaa sheegey in Galmudug ay xaq buuxa u leedahay in ay heshiis gasho sida uu qabo dastuurka federaalka,

Ninka iska leh shirkadda Liberty Lane Franks ayaa isna cabashada Shell ka yiri “Shell waa in ay naga iibsataa ceelashada haddii ay rabto in dhulkaasi ay nabad ku joogto”

Shirkad lagu magacaabo LGE Mansoon oo laga leeyahay Ingiriiska ayaa la sheegey in ay danaynaysay in ay qandaraas la gasho Galmudug, hawlo shidaal baaris ahna ka samayso

Dowladda Federaalka

Bishii June sanadkii 2012-kii wasiirkii batroolka iyo macdanta Cabdiqaadir Maxamed Dhicisoow ee dowladdii KMG ahayd ayaa warqad u kala direy dhamaan shirkadihii shidaalka ee dowladdii militariga ay heshiisyada la gashay ee dalka ka tagay markii ay dagaalada sokeeye biloowdeen.

Waxa uu warqadda kaga codsaday in ay dalka dib ugu soo laabtaan, ceelashoodiina dib u faagtaan. Balse looma soo juuqin.

Isla xiligaasi waxaa jirtey shirkad lagu magacaabo Tembo Petrolium in sanadkii 2012-kii ay gorgortan la gashay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyada oo dooneysey ceelal shidaal oo ku yaala Jubbaland. Goobjoog News kama warheyso meel uu ku dambeeyey gorgortankaasi, mana jiraan wax muujinaya in qandaraas la saxiixay.

Markii lasoo gaaray sanadkii 2013, xiligaasi oo uu madaxweyne ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiirkii batroolka iyo macdanta xukuumaddii Cabdi Faarax Shirdoon, mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa waxa uu la taliyeyaal u magacaabay Patrick Molliere oo u dhashay dalka Faransiiska, waa nin seylad haye ah arrimaha shidaalka iyo J. Jay Park oo u dhashay dalka Canada oo leh shirkad qaabilsan xagga la talinta sharciyada.

Ninkani waa kan magaciisa uu ku xusanyahay warbixinta kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ay ka qortey fadeexadda shirkadda SOMA Oil and Gas.

Jay Park waa ninka qorey sharciga batroolka Soomaaliya ee haatan horyaala baarlamaanka federaalka, kaasi oo dhawaan war saxaafadeed kasoo baxay Puntland ay sheegtey in aysan marnaba aqbali doonin sharciga uu ninkaasi qorey haddii uu baarlamaanka ansixiyo. Waxa ay Puntland sheegtey in sharciga loogu danaynayo SOMA Oil and Gas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii May ee 2013-ka magaalada London kula kulmey madaxda shirkadda SOMA Oil ee laga leeyahay dalka Ingiriiska oo markaasina uun la asaasay, isaga oo kala hadlay suurtogalnimada in loo saxiixo qandaraas shidaal baaris ah. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Maxamed Ibraahim Muqtaar oo xiligaasi ahaa kalkaaliyaha madaxweynaha, haddana ah wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda Cumar Cabdirashiid, waxaa xusid mudan in Maxamed Ibraahim uu heysto baasaboor British ah.

Sedex bilood kadib kulankaasi, 6-dii August, 2013-kii ayay wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo shirkadda SOMA Oil and Gas qalinka ku duugeen qandaraas sahan shidaal oo badda ah. Qandaraaskani ayaa hadda ah kan ay baaritaankiisa ku mashquulsanyihiin saraakiisha xafiiska dabagalka dambiyada daran ee wax isdabamarinta ee UK, kaasi oo shirkadda ku eedeeyey in ay bixisey lacago badan oo laaluush ah si ay qandaraaska u hesho, kadibna u xajisato, kadibna loogu kordhiyo. Isla eedeyntaasi waxa ay ku xusantahay warbixinta Kooxda UN Monitoring.

Dowladda federaalka ayaa tan Ingiriiska ka codsatay in UK ay Soomaaliya ka caawiso sidii shirkadaha waaweyn iyo waddamada adduunka u maalgashan lahaayeen Soomaaliya, sidaasi darteed dowladda UK oo codsigaasi tixraacaysa ayaa waxa ay kireysatay hey’adda Cilmi-Baarista ee Adam Smith’s International si ay daraasad uga samayso Soomaaliya iyo shidaalkeeda iyo sida ugu habboon ee loo maalgashan karo.

Daraasadda waxaa sameeyey 6 qof oo xeeldheerayaal ah oo ay hormuud u tahay haweeneey u dhalatay dalka Bulgaria, Juliano Stoyanova , kana mid ah tahay haweeneey kale oo u dhalatay dalka Kenya, kana shaqeyn jirtey wakaalad cilmi-baaris oo dowladda Kenya leedahay.

Warbixintii ay soo saareen waxa ay gunaanadka ka dhigeen in marnaba aanan wax qandaraas ah lala galin dowladda federaalka iyada oo aanan laga talogalin maamul goboleedyada , islamarkaasina aysan ogolaanin. Warbixinta ayaa sheegtey in uu jiro musuqmaasuq, wax isdabamarin iyo hufnaan la’aan ka dhex jirta dowladda federaalka.

Waxa ay Adam Smith soo jeedisey in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo beesha caalamka ay ka mid tahay, kuwaasi oo mas’uul ka noqda wixii qandaraas ah ee shidaal ah ee la saxiixayo.

Arrintani waxa ay ka xanaajisey wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyada oo agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Faarax Cabdi Xasan uu warqad u qorey hey’adda, kana codsaday caddaymaha ay u hayaan eedeymaha ay dowladda u jeediyeen.

Kooxda kormeerka ee Qaramada Midoobey ayaa iyaguna golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ugu baaqay in gabi ahaan la joojiyo heshiisyada shidaal ee Soomaaliya inta dalka uu gabi ahaan xasilayo, lana helayo sharci iyo isfaham siyaasadeed oo ay ku wada shaqeeyaan dowladda iyo maamulada, sidoo kalana la dhisayo awoodda wasaaradda batroolka u leedahay in ay qabato hawsha shidaalka.

Hase yeeshee soojeedintan, dowladda federaalka iyo kuwa kalaba kama hor istaagin hawlaha heshiisyada shidaalka, tusaale ahaan waxaa la sheegey in bishii Janaayo, 2015-ka madaxweynaha Turkiga Rajjeb Tayib Erdogan markii uu Muqdisho soo booqdey uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh kala hadlay sidii shirkadda Shidaalka ee Qaranka Turkiga (TPAO) loogu saxiixi lahaa qandaraas shidaal ceelal ku yaala Jubbaland. Goobjoog News kama warheyso meesha ay arrintaasi ku dambeysey.

Dowladda Turkiga marar badan oo hore ayay beenisey in ay inabada damac ka leedahay arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Shirkadaha biyaha lagu muransanyahay

Shirkadda Norway laga leeyahay ee Statoil, tan Faransiiska ee Total iyo tan Maraykanka laga leeyahay ee Anadarko ayaa dhamaantood ka baxay dhul badeed ay Soomaaliya leedahay oo ku yaala koonfurta dalka, halkaasi oo horey heshiis ula galeen dowladda Kenya si ay shidaal baaris uga sameeyaan.

Tan waxa ay ka dambeysay kadib markii dowladda Soomaaliya ay cabasho ka muujisey in dhulka ay faraha kula jiraan uu yahay dhul Soomaaliyeed, oo aysan Kenya lahayn, kana dhalan karto cawaaqib xumo haddii aysan joojin hawsha ay hayaan.

Shirkadda laga leeyahay Talyaaniga ee ENI ayaa iyadu iska dhago marisey baaqa dowladda federaalka, walina hawlasheedii iska wadata.

Xafiiska xeer illaaliyaha guud Axmed Daahir ayaa sanadkii hore xukumey lacag ganaax ah oo ku soconeysa shirkadaha shaqada ka haya dhulka Soomaaliyeed iyaga oo aanab ogaansho ka heysanin dowladda Soomaaliya, ganaaxaas oo soconaya inta ay hawsha ku jiraan.

Bishii Sebtember 2013-dii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu booqdey dalka Talyaaniga waxa uu halkaasi kula kulmay maareeyaha shirkadani ENI ninka lagu Paoloscaroni. Waxaa la fahamsanyahay in uu kala hadlay arrinta shirkadda ENI .

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkani dacwad Kenya ka dhan geysey maxkamadda caddaaladda ee adduunka ee ku taala magaalada Heeg, Netherlands. Waxa ay dacwadda la xiriita dhul badeedka Soomaaliya ee ay Kenya sheeganayso, maxkamdda waxa ay xukumi doontaa labada dal kan leh dhulkaasi.

Qeybta sedexaad ee warbixinada taxanaha ah ee Goobjoog ka diyaarisey arrimaha shidaalka waxaan kusoo qaadan doonaa dadka magacyadooda lagu xusey warbixinta kooxda UN Monitoring, ee filasho wacan.

Goobjoog News

 

Heshiisyada shidaalka Soomaaliya

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW