U bood dhigaalka

Warbixin: IGAD Oo Ku Heshiisay In Daaqsiinka Xoolaha Loo Furo Xuduudaha

Sheeko:Dalka

Xoolo dhaqatada geeska Afrika gaar ahaan dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD waxaa ay awoodaan inay xoolahooda daaqsiin ahaan si fudud kala gudbaan xadadka dalalkaasi, arrintan ayaa timid kadib is-afgarad la gaaray talaadadii shalay aheyd.

Xubno IGAD ka tirsan oo ku shiray magaalada Naivasha ee Kenya  ayaa isku af-gartay in la dedejiyo saxiixa protokoolka arrinta la xiriira si  xoolaha dalalkaasi ku nool loogu furo xaduudaha.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen hey’adda Center for Pastoral Areas and Livestock Development (ICPALD)  iyo hey’adaha dalalka IGAD ku jira u qaabilsan daaqa iyo horumarka xoolaha ayaa ujeedka ahaa in la helo protokoolka  lagu mideysan yahay oo ka hadlaya sidii looga gaashaaman lahaa caqabada iyo khataraha bey’ada ee soo wajaha qaar ka mid ah dalalka IGAD.

Adan Yussuf Xaji, oo ah madaxa guddiga xannaanada xoolaha ee baarlamaanka Kenya waxaa uu sheegayaa in daaqsiin u raadinta xoolaha uu ka mid yahay waxyaabaha dhaliya isku dhacyada, isaga oo intaa raaciyay in daaqsiin raadinta ay ka dambeyso biyo iyo daaq la’aanta ka jirta meelaha qaar.

“Xilligan, ilaa hal milyan oo ari ah oo laga leeyahay Kenya ayaa daaq ugu maqan Moroto oo ka tirsan Uganda, arrintaas oo qeyb ka protocolkan” sidaasi waxaa yiri Xaaji.

Heshiiskan waxaa uu si fiican u dhaqan-geli-doonaa bartamaha 2019-ka, waxaana la sheegayaa in xoolaha dal kasta loo sameyn-doono calaamad lagu aqoonsado, oo u gaar ah.

Inkasta oo xoolaha ku nool gobolka  IGAD lagu qiyaaso ilaa 500 million hadana Soomaaliya waxaa ku nool xoolo tiro ahaan gaaraya ilaa 53 Mliyan, oo 7.1 Milyan ay Geel yihiin, waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay joogaan Geela ugu badan caalamka.

Goobjoog News