U bood dhigaalka

Warbixin: Itoobiya iyo Galmudug Oo Ka Wada Haldaya Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Sheeko:Dalka

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka socday deegaanno ku dhaw xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya dagaallo khasaare badan geystay, dagaal oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, kuna dhaawacmeen ilaa 30 qof waxaa uu dhex maray Liyuu Booliis iyo dad deegaanka ah.

Xaashi Cabdi Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanka Miircowleed ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalka uu geystay Khasaare naf iyo maal leh, islamarkaana hub culus la isku adeegsaday, Xaashi waxaa kaloo sheegay in Liyuu Booliis ay dileen dad ay caruur iyo haween ku jiraan.

Oday ka tirsan dadka deegaanka ayaa isna Goobjoog News u sheegay in dagaal kale uu ka dhacay Frontfoor waa meel Baadiyo ah oo galbeedka ka xigta Miircood una dhaxeysa Miircowleed iyo Dacdheer, ilaa 800 oo qoys ayuu sheegay in ay halkaas deganyeen.

Odeyga oo hadalkiisa caro ka muuqatay waxaa uu sheegay in Ciidamad Liyu Boolis-ka Itoobiya oo la socda maleeshiyo beeleed ay halkaas ku dileen ilaa 20 qof oo rayid ah kuwaas oo horay uga soo qaxay Dacdheer.

Ninkan reer Dacdheer ka ah waxaa uu tilmaamay in baabuurta dagaalka lagu hareeyay qoysas qax oo halkaas Baco ka dhistay, biyahana meel fog looga keeno, caruur iyo dad waayeel ah aayaa lagu xasuuqay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in la raadinayo caruur iyo dad kale oo la la’yahay.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaa la hadashay Agaasimaha Isbitaalka Cadaado Dr. Maxamed Cumar, Agaasimaha waxaa uu sheegay in Isbitaalkiisa la keenay ilaa 24 oo dhaawac ah, 8 ka mid ah dadkaasna Xamar loosoo qaaday, ayuu hadalkiisa ku daray, dhaawacyadaas la soo gudbiyay waa kuwo culus oo Madaxa, Caloosha iyo Lugaha dhaawaco kaga yaal ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Wasiir ka Gargaarka iyo Binu’aadanimada Maamul goboleedka  Galmudug ayaa ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidanka Liyuu Boolis ee ismaamul goboleedka Soomaali Ethiopia ay tacdiyo u geysteen dad shacab ah oo ku noolaa deegaanada Soomaaliya ee u dhaw xadka Soomaaliya iyo Ethiopia, waxa uuna intaa raaciyay in dadka intii hartay u baahanyihiin gargaar in lala gaaro.

Wasiir Shire Xirsi Maxamuud oo hadalka sii wata ayaa yiri “ waa in loo soo diraa guddi caalami ah oo baara wixii meeshaa ka dhacay, meesha waxaa ku dhintay caruur iyo haween, dadka masuuliyada ka haya soomaaliya iyo beesha caalamka waa in ay la socdaan xuduuda dulka Soomaaliya”.

Yasin Cabdi Waris oo ah hogaanka nabadgalyada gobolka Doollo ee dalka Ethiopia  oo BBC la hadlay ayaa sheegay in maleeshiyaad ka tirsan ay weerar ku qaadeen Dacdheer oo ka tirsan sida uu sheegay gobolka Itoobiya ee Doollo,hoosna tagta Galaadi, isagoo intaa raaciyay in laga saaray ciidankii weerarka soo qaaday, waxaanu Galmudug ku eedeeyay in ay rabaan dhul ballaraasi islama maarkaana ay kaashanayaan Al-shabaab.

Maamulka Galmudug waxaa ay sheegeen in ciidamada Liyuu Boolis oo wata calanka Itoobiya ay dad shacab ah laayeen, sidoo kalena marar badan ay shacab ka barakiciyeen deegaanno badan, dhulka Soomaaliyana ay soo galeen in ka badan 15-km taana ay sababtay in shacabka ay dagaallamaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda Galmudug Maxamuud Guure Guuleed waxaa uu  dhinaca kale ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka ciidanka Liyuu Boolis ay u geysanayaa dadka shacabka ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin wax walbo oo arrinkaasi lagu xalinayo.

Xog ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in Isniinta ay saraakiil Itoobiyaan ah imaanayaa Galmudug si ay dagaalkaas ugala hadlaan maamulka iyo beelaha.

Goobjoog News