U bood dhigaalka

Warbixin: Juudaanka Calaamadihiisa, Sida uu Ku Faafo iyo Qaabka Looga Hortagi Karo?

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda federaalka ah,  waxaa ay sheegtay in ay diiwaangelisay dad badan oo qaba cudurka Juudaanka in ay ku noolyihiin Magaalada Muqdisho.

Wasiir Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in cudurkan ay qabaan dad gaaraya 1,576 oo qof, kadib baaritaano ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Fowziyo ayaa sheegtay in aysan dadkaasi cunin dad kale balse cudurkaas uu yahay mid jira oo dadka ku dhaca waxaana go’go’aya faraha iyo cinjiyaha dadka qaba cudurkaasi, iyada oo intaasi raacisay dadka cudurkan qaba 187 qof oo ka mid ah in ay yihiin caruur, 93 Saddex oo ka mid ah uu cudurkan naafeeyay, waxayna tilmaamtay in cudurkan la yareyn karo hadii dadka ay soo raadsadaan dawooyinka loo talagalay.

Hadaba, waa maxay Cudurka Juudaanka: waa cudur ka mida cudurada faafa, waxaana sababa Jeermiska la dhaho Mycobacterium, waxa uuna u keenaa cudurkani dadka uu ku dhaco dhibaatooyin la xiriira dhanka neerfaha.

Juudaanka ma ahan cudur cusub,waa cudur qadiimi ah oo kutubadii hore ayaa lagu sheegay, waxaana waagii hore lagu maga-caabi jiray cudurkani magaca ah Baras .

Cudurkani waxa uu ka mid yahay cudurada halista ah dadka uu ku dhacana waxa uu u keenaa takoorid iyo iyaga in ay is takooraan.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Cudurkani?

Calaamadaha lagu garto marka ugu horreysa cudurkani waxaa ka mid ah in qofka ay ka soo baxaan wajiga Nabro yaryar oo cambaarta u eg, jirka oo laga waayo wax dareen ah, gacmaha iyo lugaha qofka oo go’go’a, Sanka qofka oo bolola.

Cudurka Juudaanka Ma Faafaa?

Cudurka Juudaanka, waa uu faafaa, balse faafiddiisa ma ahan mid sahlan faafiddiisa oo lagu magacaabo waqti huuriska waxa ay qaadaneysaa muddo ku dhow 20 sano, sidoo kale calaamadihiisa in la arko waxa ay qaadaneysaa muddo deer,waxaana lagu kala qaadaa sida Hindhisada iyo Qufaca.

Sidee looga Hortagi Karaa Cudurkani?

Cudurkani waxaa looga hortagi karaa in qofka uu sameeyo qodobo dhowr ah oo ay ka midyihiin.

  1. inuu qaato qofka talaalka loo yaqaanno BSG,kaasi oo lo ogyahay haddii la qaato in uu ka hortagi karo.
  2. In si degdeg ah qofka loo baaro dawadana horay laga siiyo.

Labadaan arrimood waxa ay yareynayaan in qofka ay go’aan farihii iyo lugihii uuna ka reysto.

Goobjoog News