Warbixin Ku Saabsan Ciyaarta Kama Dambeysta Ee Maanta Dhexmareysa Soomaaliya Iyo Tanzania

Galabta ayaa la soo gaba gabayn doonaa koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika gaar ahaan ciyaartooyda da’doodu ka hoosaysa 17-ka sanno.
Finalka tartanka waxaa wada ciyaari doona xulkeenna Soomaaliya iyo Tanzania.
Xulka dalkeenna ayaa sameeyay bandhig aad loogu riyaaqo kullamadii ay soo ciyaareen ,kaliya Hal guul ayaa ugu dhimman in ay koobka qaadaan.
Qarankeenna waxa uu Sami Finalka ka soo badiyay Uganda halka Tanzania ay soo garaaceen Kenya.
Sida ku cad diiwaanka FIFA waa markii ugu horaysay xulkeena ee uu soo gaaray heerkaan dhammaan tartamada CECAFA, xitaa uu usoo gudbo Sami Final-ka.
Waxaa jiray tartan dhacay intii u dhaxaysay 1980-kii ilaa 1982-kii oo ay xulkeena qaadeen kaa soo ahaa sida la sheegay CECAFA U 20, laakiin FIFA diiwaankeeda waxaa ku cad in koobkaasi uusan ahayn tartan rasmi ah oo la aqoonsaneen.
Cali Xabad oo ah kabtanka Qaranka oo waraysi siiyay Gool FM waxa uu si qiro leh ugu codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay si niyad ah ugu soo duceeyaan.
Ogaysiiska Ciyaarta.
Kullanka:Somalia Vs Tanzania.
Tarranka:CECAFA U 17.
Garoonka: Ngozi- Bujumbura City
Saacadda: 4:00 galabnimo.
Garsooraha: Lama shaacin
XIGASHO: Gool FM