U bood dhigaalka

Warbixin Ku Saabsan Xusuustii Iyo Waxyeelladii Dhul-gariirkii Tsunami

Sheeko:Dalka

December 26, 2004: Waxaa maanta oo kale ka dhacay dunida Dhul-gariirkii Tsunami, Maanta waa sanad guuradii 11-naad ee maalintaas, Tsunami ayaa ku dhufatay Badweynta Hindiya, Dhul-gariirkan waxaa ku dhintay in ka badan 300,000.

Dalka Indonesia ayaa ahaa dalkii khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray Dhul-gariirkan ayaa lagu tiriyay kii ugu weyntaa inta la xasuusan yahay.

Badda ayaa kor u kacday ilaa 15 Meter, Dhibaatada dhul gariirkan waxay saameysay sideed wadan oo kala ah:  India, Indonesia, Malaysia, Maldives, Myanmar, Somalia, Sri Lanka iyo Thailand.

  Khasaare aad u badan ayaa ka dhashay Tsunami, dhimashada aan soo sheegnay ka sokow dad badan ayaa wali la la’yahay oo kumanaan ah, in ka badan Hal milyan ayey hoy la’aan dhigtay Tsunami 2004, dadka dhintay waxaa u badnaa caruur, sidoo kale in 5000 waxaa ay ahaayeen dad Dalxiisayaal ah.

Soomaaliya iyo Tsunami:

 Soomaaliya waxaa kasoo gaaray Tsunami dhibaato aad u badan, gaar ahaan Xeebta Bari ee dalka, dadka ay waxyeelada soo gaartay waxaa ugu badnaa kaluumeysato.

28th December 2004: Maalin kadib Dhul-gariirkaas, Q.M oo shir ba’niidaminimo ku qabatay Nairobi, waxaa looga hadlay dhibaatada ka dhalatay Tsunami iyo sida lagu caawin karo dadkii ku waxyeeloobay.

December 29, 2004:  shir aad u balaaran ku yeeshay Xafiiska Madaxtooyada DGPL ee Garoowe Madaxweyne Ku xigeenka DGPL oo uu hormuud u yahay Wasiirada Maamulka DGPL Qaarkood iyo Xubno ka mida Hay’adaha Samafalaka ee ku sugan Garoowe Qaarkood, Shirkaa ayaa loogaga hadlaayey sidii loogu gurman lahaa Dadkii ku waxyeeloobay Fatahaadii Badaha Hindiya ee Xeebaha Puntland.

Shirkaa ayaa lagu xulay Kooxo isugu jira Maamulka DGPL iyo Hay’adaha waxaa iygana Gadaal looga Daray oo markay waydiyeen loo Ogolaaday Wariye yaasha Idaacadaha in ay ku soo Sameeyaan Qiimayn waxyeeladii gaartay Dadkaa iyo inta Dhibka la’egyahay, waxay aadeen goobaha waxyeelada ka dhacday.

Kooxahaa ayaa loo Qaybiyay Labo kooxood : koox aaday Degmada Eyl ilaa Degmada Bayla Xeebahooda iyo Koox kale oo aaday Degmooyinka Garacad ilaa Bayla Xeebahooda.

January 11th, 2005:  Humanitarian Response Group oo ay hor kacesyo UNICEF ayaa mas’uuliyad iska saartay arintan, iyagoo u kuurgalay xaaladda dhabta ah ee dalalkaas ka jirta, waxay si gaar u caawisay dadkii Soomaalida ahaa eek u waxyeeloobay Tsunami-da Soomaaliya.

January 15 – 28, 2005: WHO Health Action oo ka jawaabtay saameynta Tsunami ee  Soomaaliya.

Deegaanada ay dhibka soo gaartay waxaa ugu badnaa Puntland iyo Xeebaha Badweynta Hindiya gaar ahaan  Tuulooyinka u dhaxeeya Magaalada Xaafuun iyo Baargaal Dadkii ay ku dhufatay Tsunami xaalad adag soo wajahdaysida tuulada  Binna, Cadayo,Boodaal, Xandho, Gunbax, Gargoore,Hul-caanood iyo Balidoogane oo dhamaan ku yaala Xeeabaha u dhaxeeya Xaafuun iyo Baargaal, waxaana laga deeriyey  inay dad gaaraya ilaa 4380  qof ay waxyeelo ka soo gaadhay Dhibaatada Tsunami, dadkaas oo u badnaa Bad ku nool., dadkaas oo Gadiidii ay badda uga shaqeysan jireen intooda badan ay lumen iyo Agabkii ay wax kula soo bixi jireen.

Iyadoo dhibaatada ay sidaa tahay waxaa dhacday in Burcad badeed ay afduubatay markab ay leeyihiin WFP, taasoo keentay in hay’adaas go’aan qaadato.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WFP ayaa joojisey dhammaan shixnadihii mucaawinada ee ay gaarsiinjirtey dalka Soomaaliya kaddib markii la afduubay markab hay’addaas u kiraysnaa. Markabka waxa uu sidey cunto deeq mucaawino ah oo uu u siday 28,000 oo qof oo ka badbaadey dhul-gariirkii Tsunami. Cuntadaas oo loogu talo galay in dadkaas tabaalaysan lagu quudiyo muddo labo bilood ah.

Inkastoo aan warar rasmi ah la heyn tirada rasmiga ee Tsunami Soomaaliya ugu waxyeelowday hadana waxay keentay inay dad badan gudaha ku qaxaan, dadkaas ayaa tiradooda lagu qiyaasay 5000, Waxaa ku dhintay 150 iyo Waxyeelada 44,000.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Humanitarian Response Report 2008-dii, waxaa lagu sheegay in Tsunami waxyeelo kasoo gaartay  6 million oo caruur iyo haween ah.

Waxyeelada ayaa isugu jirta mid nafaqo darro ah, Waxbarasho la’aan, Hay’adda ayaa sheegtay in ay dhistay  107 schools, 59 goobo caafimaad, 28 oo  goobo  caruurta wax lagu baro, taasoo keentay in ay badbaadiyaan 700,000 qof.

Maanta waxaa kasoo wareegatay 11 sano, Soomaaliya oo maalintaas dowlad KMG ah ka jirtay maanta waxaa ay heysataa Dowlada Federaal ah, mana muuqato diyaar garow ku saabsan arinkaas.

Dowladda Soomaaliya ma laha hay’ad loogu talo galay maareynta masiibooyinka duni ay maalin walba ka dhacayaan masiibooyin xaga Bay’ada ah.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye.