U bood dhigaalka

Warbixin: Mahathir Maxamed..Waayeel Dhaxalkiisa Uga Adkaaday Xisbi Talada Hayey 61 Sano

Sheeko:Dalka

Isbaheysiga Amal ee uu hoggaamiyaha Mahathir Maxamed ayaa ku adkaaday doorashadii guud ee arbacadii ka dhacday dalka Malaysia, isaga oo meesha ka saaray isbaheysiga Barisan Nasional (BN) oo dalkaasi ka talinayey tan iyo xuriyaddii 1957.

Natiijada in sidaasi noqoto waxaa ka dambeeyay ra’isul wasaarihii hore ee dalkaasi Mahathir Maxamed kadib markii uu ka laabtay howl-gabnimadii kuna biiray mucaaradka dalkaasi.

Sidee Mahatir Ku Adkaaday?

Isbaheysiga Mahathir waxaa uu ka koobnaa 4 xisbi oo keliya halka isbaheysiga talada hayey ee doorashadan looga adkaaday uu ee Najib Razak uu ka koobnaa 14 xisbi.

Isbaheysiga Mahathir waxaa uu baarlamaanka ka helay 112, kuraasta guud ahaan waa 222 kursi, natiijadan waxaa ay keentay in la soo afjaro xukuumaddii Najib Razak iyo maamulka isbaheysiga Barisan Nasional (BN oo dalkaasi ka talinayey 61 sano.

Hoggaamiyaha guuleystay Mahatir maxamed oo hadlay waxaa uu sheegay in baahi degdeg ah loo qabo in xukuumad ka dhiso maanta, dhinaca kale hoggaamiyaha isbaheysiga (BN)  iyo ra’isul wasaare Najin Razak waxaa uu sheegay inuu ixtiraami-doonno natiijada.

Mahathir iyo Anwar:

Anwar Ibrahim waxaa uu qeyb ka ahaa guusha uu gaaray isbaheysiga uu hoggaamiyo Mahathir Maxamed, labada nin taariikh dheer ayey isla soo mareen.

Anwar Ibrahim waxaa uu ahaa ku-xigeenka ra’isul wasaare Mahathir iyo ninka loo saadaalinayey inuu jagada ka dhaxlo, laakin waxaa hareeyay fadeexad ay ku jirto musuq iyo galmo, marar badan ayaa la xiray, ilaa 18 sano kadib markii Mahtir xafiiska ka tagay ay hesheeyeen labada nin 2016-kii, taas oo keentay in maanta guushan gaaraan.

Mahathir Maxamed:

Dr Mahathir waxaa uu ka mid ahaa xubnihii ugu horreeyay ee ururka United Malay National Organisation (UMNO) kaa soo ujeedkiisa ahaa sidii xoriyad looga qaadan lahaa gumeystaha Ingiriiska.

Waxaa uu baarlamaanka galay  1964, waxa laga ceyriyay UMNO kadib markii uu ku cambaareeyay ra’isul wasaare Cabdul raxmaan rabshado ka dhex dhacay qowmiyada Malay-ga  iyo Sheenees-ka.

Mahathir Maxamed waxaa uu xisbiga uu maanta ka adkaaday ee (BN) ku biiray 70-mayeedii isaga oo hoggaamiye ka noqday 1981.

Dr, Mahathir waxaa uu Malaysia hoggaaminayey 22 sano ilaa 2003-dii ka tagay, dalkiisa waxaa uu ka dhigay dalalka ugu dhaqaalaha iyo kobaca badan caalamka.

92 jir-kan, marka loo dhaariyo ra’isul wasaare, Mahatir Maxamed waxaa uu noqon-doonaa hoggaamiyaha la doortay ee ugu da’da weyn dunida, waxaa kale uu taariikhda ku galay inuu soo afjaray xukunkii Barisan Nasional (BN) oo dalkaasi ka talinayey tan iyo 1957-dii.

Goobjoog News