U bood dhigaalka

Warbixin: Maqaayado Lagu Iibiyo Shaaha Oo Laga Hirgeliyay Afaafka Hore Ee Xeebta Liido

Sheeko:Dalka

Xeebta liido oo kamida gobaha ay dhalinyarada xilliyada habeenkii ay u dalxiis tagaan ayaa waxaa qaar kamid ah gacnsatada soomaliyeed ay ka herglisay maqayado yaryar oo lagu iibiyo shaaha.

Qaar kamid ah dhalinyarada u dalxiis tagta xeebta ayaa sheegay in ay jeceleeystaan shaaha lagu kariyo maqaayadaha yaryar ee xeebta liido.

Dadka u damaashad tago habeenkii xeebta  ayaa sheegay inuu shaaha ka qiimo jaban yahay kana dhadhan fican yahay kan laga helo hotelada iyo goobaha casriga ah.

“Liido markii hore waxaa ka jirte dabaqadda kore oo ah in shaaha hal doolar ama wax lamida lagu cabo laakiin hadda waxaa soo kordhay maalmahan dambe in shaaha lagu cabo 3 kun oo sh.so  ama qiimo aad u yar ama hooseya oo qof walbo uu iska bixin karo, Wax aad u fican waye  si markii loo firiyana waxaa waye  dhadhan ahan  shaaha dhuxusha lagu kariyo inay jiran dad aad u jecel  waxaa laga yaba dadka  fooqa sare xata  awooday  in ay iska dayaan si ay u caban shaahan dhadhankiisa aadka u macan ayaa halkan  ay yimadan,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada u dalxiis tagtay xeebta liido.

Qaar kamid ah ganacsadadda shaaha ku iibiya xeebta ayaa sheegay in aysan wax ku kala duwanen shahooda iyo kuwa hotelada lagu kariyo, balse dadka ay jacaleystan shaahooda.

“Wax ay Ku kala duwan yihiin ma lahan kaliya waxaa kala nahay dad dhul jogo iyo dad dabaq dhistay, hadana wax shaaha ay nooga duwan yihin ma arkin waxaaba laga yaba inaa annaga ka shaaha wanagsanahay,” ayey tiri mid kamid ah haweenka ku gacansata xeebta.

Dhalinyarda u dalxiis tagta xeebta  ayaa soo dhaweeyay  maqayadaha lagu iibiyo shaaha.

“Waxaa mahad mudan isbaddalka dalka ka jira  awgiis in la heli karo maqayado casri ah iyo hotello qab calami ah u diyarsan iyo kuwo her dhaxo ah, nin walbana kaalin tiisa iyo  awooddisa uu cabaa  in ay dadku heli karan melo VIP ah qofka in uu heli karo meel xeebta u dhaw  oo Kuraas yaalan, sido kale la heli karo shaahii caadiga ah ee Soomaalida,”ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada u dalxiis tagto xeebta liido.

Hoos ka daawo muqaalka warbixinta

WQ: Hibo  cabdullaahi xashi