U bood dhigaalka

Warbixin: Midowga Afrika oo Soojeediyey in Hawl-galkooda La Ballaariyo AMA ay Lix Bil Ku Baxaan

Sheeko:Amniga

Warbixin ay soo saareen midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay Soomaaliya quus joogto, lagana cabsi qabo in dib ugu noqoto dal baaba’ ah, waxay carabka ku dhufteen iney ka jirto dhibaato badan oo dhan walba oo xagga amniga, siysaasadda, iyo adeegyada ah, isla markaana la joogo waqtigii isbadal la sameyn lahaa.

Warbixintan ay sabtidii soo saareen waxaa ku jirta in AMISOM ay joogtay 14 sano balse ay heysto dhibaato maalgelin la’aan sidaasi darteedna aaney wax badan u qaban karin, waxaa ay ka sheegteen in EU ay maalgelin u weysay(PCC), loona soo jeesto oo daacad laga noqdo hawlgalka si uu u mira-dhalo.

Arrimaha warbixinta ay iftiimisay waxaa ka mid ah in magaalooyinka uun laga helo adeeg bulsho halka miyiga aaney jirin wax adeeg ah, oo nolosha ay liidato,  haba ugu darnaadeen  kaabayaal dhaqaale, booliiska iyo maxkamado oo aan jirin.

Dhibaatada warbixinta ku jirta waxaa ka mid ah wada shaqeyn la’aanta dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, fulin la’aanta heshiisyada ay galaan iyo isla socod la’aanta midowga Afrika iyo beesha caalamka.

Waxaana la soo jeediyey 4 Qaab oo midkood arrimahan lagu maareyn karo:

Isku dhafka AU-UN:

Hawlgalka inuu noqdo mid hoos taga AU-UN oo isku dhaf ah, waa qaabka koowaad ee lasoo jeediyey iyada oo lagu shaqeyn doono Chapter VII iyada oo la qiimeyn doono awoodda AMISOM, lana kordhin doono.

Dib-u-habeyn lagu sameynayo AMISOM:

AMISOM hawlgalkeeda hadda waa mid nabadeed iyo amni, waxaa uu qaabkan soo jeedinayaan in siyaasad lagu daro, oo ay xasiloonida la shaqeyn karaan, isla markaana dib loo qiimeeyo hawlgalka isla markaana ay AMISOM gacan ka geysato jawi siyaasadeed, lana adeegsado baa’binta Al-shabaab qaabab ka duwan midda military ee hadda jira sida dhismaha nabadda.

IN La Hawlgeliyo Ciidamo dariska ah ee EASF:

Arrintaas ay ka shaqeyaan midowga Afrika, ciidamadan  dariska oo hadda ku jira AMISOM, marka ay hawsha guud la wareegaan, waa iney ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa nabadda, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaa kale oo lasoo jeediyey iney maalgeliso Qaramada Midoobey.

Bixitaanka AMISOM & Soomaaliya oo masuuliyadda Lagu Wareejinayo:  

Qaabkan waxaa uu soo jeedinayaa in AMISOM ay lix bil gudaheed ku baxdo, isla markaana ay shaqada amniga la wareegaan xoogga dalka, taasi ayaa ka dhalatay ayaa la leeyahay kalsooni darrada ay qeybaha Soomaalida ku qabaan AMISOM iyo niyadjabka ay ka muujiyeeen hawlgalkeeda.

Dhanka kale, xukuumadda Soomaaliya oo qoraal soo saartay waxaa ay ka hortimid warbixintan, iyada oo qiil uga dhigtay in aan lagala tashan.

Goobjoog News