U bood dhigaalka

Warbixin : Ololaha Dariseynta Gobolka Banaadir oo La Filayo in uu Wax Ka Taro Amniga Muqdisho

Sheeko:Dalka

tirakoobka dariseyntaMaanta waxaa magaalada Muqdisho ka biloowdey olole cusub oo loogu magac daray Dariseyn, kaasi oo lagu tirakoobayo guryaha ku yaala magaalada iyo waliba dadka ku nool, waxaana looga gol leeyahay in amniga ay arrintani wax ka tarto.

Sida uu sheegey agaasimaha Dariseynta gobolka Banaadir Cabdixakiim Sheekh Maxamed Haadi, ujeedka ugu weyn ayaa in amniga magaalada wax looga qabto, iyada oo guri kasta nambar la siinayo si adeegyada ambalaasta iyo gurmadka booliska ay ugu soo hagaagaan, islamarkaasina loogu soo hagaajiyo waraaqaha boostada.

Waxaa kale oo uu mashruucani wax ka tarayaa ogaanshaha tirada dadka si loogu jaangooyo adeegyada degmo kasta ay u baahantahay, iyo sidoo kale marka miisaaniyadda la dajinayo.

Jeneraal Maxamed Cumar Ma Daale, taliyaha Booliska gobolka Banaadir oo madashii daahfurka barnaamijka Dariseynta ka hadlay, taasi oo ahayd degmada Waaberi ayaa sheegey in dhalinyarada ka hawlgalaysa mashruuca laga yaabo in ay fahmi waayaan magacyada ku qoran qariiradaha loo dhiibey, isaga oo u sharaxay waddooyinka Uganda iyo Tanzania halka ay ku kala yaalaan.

“Wadada Mooska marka la’idin yiraahdo, waa wadada Ceelgaab ka timaada ee Afisiyoone tagta, wadada Uganda marka la’idin yiraahdo waa wadada dabka ka tagta ee dekeda gasha, wadada Tansania marka la’idin yiraahdo waa tan ka dagata buundada Otto Otto ee meesha Israac la yiraahdo ku dhamaata, wadada Madiina waa tan dekeda kasoo bilaabata ee ku dhamaata aargada KM4, wadooyinka magacyadooda maabka (qariirada) ku yaala waa magacyadii dowladdii hore oga tagtey ee sharcigaa ahaa, guddoomiyaha gobolka unbaa badali kara , haddii magac loo bixinayo waddooyinka dambe ee soo kordhey” ayuu yiri Madaale.

Wuxuu intaasi ku darey in qofka kasoo guuraya degmo, oo soo degaya mid kale in ay qasab tahay in uu wargaliyo saldhigga Booliska, guddoomiyaha degmada iyo laanta dambi baarista , iyada oo ay mabnuuc tahay in qof laga kireeyo guri iyada oo aysan ka warheynin laamaha amniga iyo maamulka degmada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xassan Maxamed Muungaab ayaa noqdey qofkii ugu horeeyey oo dadka diiwaangaliya, isaga oo guri ka mid ah ku bilaabay diiwaangalinta, waxa uu sheegey in ujeedka barnaamijkani uu yahay in lagu sugo amniga magaalada Muqdisho.

“Waxaan rabnaa in magaalada Muqdisho ay yeelato irid laga soo galo iyo mid looga boxo, wax alla wixii magaalada Muqdisho kusoo kordho in subaxdii halka saac warbixinteeda uu guddoomiyaha gobolka uu heli karo, oo booliska gobolka , nabad sugida iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka uu ka helo, in 2 saac aroornimo ay hesho wasaaradda arrimaha gudaha, 3 saacna uu helo madaxweynaha qaranka” ayuu yiri Muungaab.

Wuxuu Muungaab weeydiiyey Guddoomiyaha degmada Waaberi Axmed Muumin Axmed in uu ka warhayo gabar yar oo Iqra loo bixiyey ay ku dhalatay degmadiisa, wuxuu kale oo uu weeydiiyey in haweeney da’ ah oo lagu magacaabo Maama Caasha ay xalay ku dhimatay degmada, su’aalahaasi oo uu guddoomiyaha kaga jawaabay “Maya”. Wuxuu guddoomiyaha xusuusiyey in wax allaale wixii soo kordha degmada laga warhayo.

Degmada Waaberi ayuu ka soconayaa ololaha muddo 4 maalmood ah, waxaa degmada loo kala qeybiyey 16 qeybood, 16 kooxood oo dad ah ayaana ka hawlgalaya kuwaasi oo ka kooban 27 qof oo 10 ka mid ah ay tahay booliis, 12 ay tahay shacab, halka 5na ay tahay nabad sugid.

Marka ay hawsha tirakoobka waxaa dabo soconeysa nambareynta guryaha, magacyo ku qorista waddooyinka iyo sidoo kale hawlaha canshuuro uruurinta.

Xaafad kasta waxaa loo qeybinayaa min 10 guri ama waxa loo yaqaan Tobon Tiriyo, iyada oo 10 guri kasta uu qof shacab ah mas’uul ka noqonayo, 50 guri kastana waxaa loo xil saarayaa askari booliis ah oo uu guddoomiyaha gobolka uu sheegey in maamulkiisa uu bixin doono gunadiisa.

Shaqaalaha hawsha qabanaya ayaa waxaa dhawaan u dhamaaday tabobar ku saabsan dariseynta, waxay xirnaan doonaan funaanado magaca mashruuca lagu buufiyey iyo koofiyado, waxaana lagula dardaarmay in ay si wanaagsan ola dhaqmaan dadka ay tirakoobayaan.

Goobjoog News