U bood dhigaalka

Warbixin: Qaabkee Ayuu Siisi Uga Takhalusay Musharrixiintii La Tartami Lahaa?

Sheeko:Dalka

Sida la qorsheeyey, doorashada madaxtinnimada Masar waxa lagu wadaa inay dhacdo 26 iyo 28 bisha March ee sannadkan. 19-kii bishii hore, Madaxweynaha hadda haya talada waddanka Masar ayaa ku dhawaaqay in uu mar labaad u tartami doono jagada madaxtinnimo ee dalka.

Munaasabadda ku-dhawaaqista, Madaxweyne Siisi waxa uu ka sheegay “Waxa aan garanayaa dad musuqmaasuqlayaal ah, [sidaasi darteed] uma oggolaan doono inay kursigan u soo dhawadaan!” Musharraxnimada Siisi waxa taageeray  464 xubnood oo Baarlamaanka Masar ka tirsan, taas oo ka dhigan ku dhawaad 67% tirada guud ee Baarlamaanka dalka.

Siisi marka laga yimaaddo, waxa iyana musharraxnimadooda ku dhawaaqay dhowr musharrax oo kale. Wakhti yar ka dibse, musharraxiintii waxa ay u qaybsameen kuwo la xiray, qaar musharraxnimadoodii ka laabtay iyo kuwo ku fashilmay inay buuxiyaan shuruuddii looga baahnaa.  Waxa keliya oo soo haray musharrax lagu magcaabo Muusa Mustafa Muusa oo caan ku ah taageerada iyo u-guulwadaynta Madaxweyne Siisi. Tan ayaa keentay in dadka qaar ay doorashada Masar ee soo socota ku sifeeyaan ‘maqaarsaar’ aan wax isbeddel ah ka soo naasacaddayn.

Sami Anan, oo soo noqday Madaxa Shaqaalaha Ciidamada Qalabka sida, waxa uu ahaa musharraxii ugu macquulsanaa ee u babac dhigi karayey Siisi, balse nasiib darro, waa la xiray isaga oo lagu eedeeyey in uu waraaqo beenabuur ah sameeyey isla jeerkaana jagada madaxtinnimada raadsadey isaga oo aan ciidanka oggolaansho ka helin. Sidoo kale, Sami Anan ninkii gacantiisa midig ahaa ee la shaqaynayey, mudane Hisham Geneina, ayaa isna kooxi weerartay iyaga oo dhaawacyo u geystey. Labo cisho ka bacdi xiritaankii Sami Anan, waxa musharraxnimadiisii ka laabtay Khaalid Cali oo ahaa garyaqaan ku takhasusay Xuquuqda Aadanaha. 26-kii bishii Jannaayo, waxa musharraxnimadiisa ku dhawaaqay hoggaamiyaha Xisbiga Wafd mudane El-Sayyid el-Badawi, balse maalintii ku xigteyba guddiga sare ee Xisbiga ayaa musharraxnimadiisii kala noqday isla markaana taageeray Madaxweyne Siisi. Sidaasi si lamid ah, bishii Disembar ayaa maxkamad Milateri 6 sanno oo xabsi ah ku xukuntay mudane Axmed Qonsowa, ka dib markii uu ku dhawaaqay musharraxnimadiisa jagada Madaxweynaha dalka Masar.

Xisbiyo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin Xisbiga Wafd, ‘Free Egyptians Part’, Xisbiga Nuur, iyo Xisbiga ‘National Progressive Unionist’ ayaa taageeradooda ku biiriyey Madaxweyne Siisi. Waxase la yaab noqotay, Xisbiga Nuur oo ah xisbi ay leeyihiin kooxda Salafiyiinta oo ku dooda inay doonayaan in Shareecadda la isku xukumo ayaa taageeray Siisi oo loo tixgeliyo keligiitalis, cilmaani ah oo aan jeclayn Islaamiyiinta.

Si kastaba ha ahaate, dedaalladan nidaamsan ee Siisi kaga takhalusay badi musharraxiintii caqabadda ku noqon lahaa isla markaana la tartami kari lahaa ayaa keenay in musharraxiintii iyo hoggaamiyayashii mucaaradka Masar ay qabtaan shir jaraa’id oo ay dadka ugu baaqayaan in doorashada la qaadaco oo aan laga qaybgelin. Musharraxiintu waxa ay dadka ugu baaqeen inay maalinta doorashada guryahooda joogaan, codkoodana aanay dhiiban. Siyaasi Xamdiin Sabaaxi oo sannadkii 2014 la tartamay Madaxweyne Siisi ayaa ku adkaystay in doorashada la joojiyo. Xamdiin waxa uu yidhi “ma jiraan musharraxiin, ma jirto wax dammaanad qaadaya in [doorasho] xor iyo xalaal ah ay dhacdo, mana jirto wax xorriyad ah”.

Khaalid Cali oo kamid ahaa xubnihii ka laabtay musharraxnimadooda ayaa isna ku dooday in fursaddii doorashadan la lumiyey. Waxa uu sheegay in xubno ka tirsanaa ololihiisa la xirxiray, lana dhibaateeyey.

Ugu danbayntii, waxa muuqata in doorashada soo socota ee Masar uu hareeyey madmadow badan isla markaana aanay dadka reer Masar wax rajo ah ka filayn.

Goobjoog News