U bood dhigaalka

Warbixin : Qeybta Dhimirka ee Isbitaalka Hargeysa oo Lagu Kordhiyey Waxbarasho

Sheeko:Caafimaadka

Isbitaalka Hargeysa qeybtiisa dhimirka ee lagu dabiibo dadka qaba xanuunada dhimirka ayaa waxaa markii ugu horeysey lagu kordhiyey fasalo ay dadka bukaanka ah wax ku bartaan.

Waxyaabaha dadkani la barayo waxaa ka mid ah qorista iyo akhrinta, xisaabaadka, farsamada leerka iyo waliba dawaarka sida ay Goobjoog u sheegtey Maryan Xasan oo ah madaxa qeybta dhimiska ee Isbitaalka Hargeysa

“Waxaa la ogaaday in dadka qaba xanuunka masraxda aysan dawo oo kaliya waxbo u tareynin, runtii meesha uu jiro waa in uu ahaadaa mid la barayo farsamadii gacanta, waxbarashadii, TV-ga siduu u daawan lahaa, sidii uu noloshiisa dib ugu soo celin lahaa, markuu halkan ka baxana, hadduu Jaanis (fursad) helana in uu shaqeysto oo kale, marka labaad dawaar oo kaliya laguma bare e, macal Soomaali ayaa loo dhigaa, marka dawada qaataan illaa 11-ka galaaska ayaa lagu hayaa” ayay tiri Maryan Xasan

Barashada dawaarka waxaa marka hore bukaanka lagu bilaabaa in ay tolaan joornaalo, kadibna maryo go’go’an, kadibna ay dhar caadi ah tolaan.

Waxaa jira dad reystey oo isbitaalkani soo maray, kuwaasi oo hadda ku shaqeysta xirfadihii ay ka barteen meeshani, waxaana dadkaasi ka mid ah Aamino (Ma ahan magaceeda saxda ah), waxayna Goobjoog u sheegtey in ay ku faa’iidey xirfadaha ay isbitaalka ka baratay.

“Ayu nooc wixii la tolo, kurdadihii baan tolayaa, toobabkii baan tolayaa, waxaan tolayaa haafafka, kurdadaha hablaha yaryar, wax aanan toleynin ma jiraan” ayay tiri Aamino.

Sida ay sheegeyso Maryan Xasan, waxbarashadani lagu soo kordhiyey waxa ay qafiifisey culeyskii lagala kulmi jirey bukaanka maalintii oo dhan banaanada iska taagtaagan ee aanan waxbo qabanaynin, shaqooyinkana waxa ay sheegtey in bukaanka ay mashquulineyso.

Sidoo kale waxbarashadani waxaa loo arkaa qeyb ka mid ah daweynta, taasi oo natiijooyin wanaagsan laga dhaxlay.

Isbitaalka Hargeysa waa kan kaliya ee bixiya koorsooyin waxbarasho oo lacag la’aan ah oo la siinayo dadka dhimirka ka xanuunsan.

Dhageyso

Goobjoog News