U bood dhigaalka

Warbixin : Reer Miyiga Qayila ee Hobyo

Sheeko:Dalka

Deegaanada Mudug , gaar ahaan nawaaxiga ku xeeran degmada Hobyo waxaa aad ugu badan dadka xoolo dhaqatada ah kuwaasi oo xanaaneysta noocyada kala duwan ee xoolaha.

Marka aad u fiirsatid qaab nololeedkooda inta badan waa mid iska caadi ah oo la mid ah sidii reer miyiga u noolaan jireen muddo qarniyo ah, laakiin waxaa jira isbadalo waaweyn oo kusoo kordhey, siina badanaya.

Marka laga tago saameynt magaalada ay miyiga ku yeelatay, ayaa waxyaabaha walwalka weyn ee soo kordhey ka mid ah in reer miyiga ay markani barteen cunista qaadka heer aanan la qiyaasi karin.

Tusaale ahaan mar aan dhawaan safar ku tagnay magaalada Hobyo ayaan waxaan sii raacnay gaariga dheereeya ee qaadka, kaasi tobonaan jeer jidka ugu istaagay dad reer miyi ah oo aad u badan oo qaad ka iibsanayay.

Waxaa si gaar ah ii layaab galiyey in haweeneydii qaadka wadatey ay noo sheegtey in qofka reer miyiga ah marka ay deenta qaadka ku badato in ay kasoo kaxaysato hal neef ama labo neef si deenta oga gudanto.

Waxaa kale oo jirey nin dhalinyaro ah oo ay qaad deyn ah u diidey iyada oo ku tiri “Adiga deynta iskama bixisid, aabo wanaagsan oo kaa bixiyana ma lihid oo aabahaa qaadka ma ogola”.

Markii aan Hobyo tagnay waxaa darbiyada dukaamada qaar ku dhegen xayaysiis labo nin oo reer miyi ah oo ku tookhaya sigaar ay cabayaan, waxaana kaartada xayaysiiska ah ku qoran “Sportsman waa Dookheenu” oo loola jeedo sigaarka nooca loo yaqaano Sportsman.

Markii aan dadka wareysanay waxa ay noo sheegeen in arrintani reer miyiga aadka u qayila ay Hobyo kaga darantahay deegaanada kale iyaga oo sabab oga dhigey in xiligii burcad badeeda uu jirey qaad aad u badan oo Hobyo tagi jirey, kaasi oo reer miyiga ay ku heli jireen lacag la’aan, hadana maadaamaa uusan jirin wax lacag la’aan lagu helayo, iyagiina qaadka barteen ay ku qasbanyihiin in ay iibsadaan.

Magaalada Hobyo qiimaha qaadka marduubkii aad ayuu hoos ugu dhacay, wuxuuna joogaa illaa 2 boqol kun oo shillin, halka uu mar gaaray konton doolar.

Sidoo kale waxaa hoos u dhacay qaadka taga Hobyo, tusaale ahaan Cadaado waxa uu gaari ka qaaday shan bundadood oo qaad ah, Hobyo waxaa gaartay hal bundad oo kaliya iyada oo 4tii bundadood ee kale lagu kala iibsaday intii aan dhexda sii mareyney.

Cunista qaadka iyo dhibaatooyinkiisa waa arrin dhawaanahan hadalheynteedu aad u badantahay xili uu dalka ka jiro olole qaadka looga hortagayo oo uu wado Cawaale Qaad-diid

Qaad Diid ayaa Goobjoog oga waramay dhibaatada uu qaadka u leeyahay reer miyiga

“Waxaan la kulmey nin reer miyi ah oo 35km oga yimid si uu magaalada qaadka oga iibsado, markii aan wareysteyna waxa uu ii sheegey sida geela ugu soo arooro in uu ceelka biyo ka cabbo in isagana uu sidoo kale magaalada ugu soo arooro in uu qaadka ka iibsado, marka waxaan leeyahay xalka magaalada ayuu yaalaa oo haddii qaadka magaalada laga ciribtiro , miyiga ma dhib yar” ayuu yiri.

Hab nololeedka reer miyiga oo ah shaqo hawleed joogto ah oo har iyo habeen ah iyo qaadka oo u baahan in saacado badan loo fariisto ayaanan ahayn labo arrimood oo isku habboon, Sidoo kale dakhliga reer miyiga soo gala oo aad u yar iyo qarashka uu qaadka u baahanyahay oo aad u badan ayaanan iyagu iskeeneynin.

Waxaa intaasi sii dheer in dhibaatooyinka qoyska ee uu qaadka horseedo ay yihiin kuwa cawaaqib xumo badan ku leh mustaqbalka reer guuraaga oo iyaga uusan u fududeyn in qoys la unkumo.

Waxani oo dhan waa kuwa farta ku fiiqaya suurtagalnimada hoos u dhac weyn oo ku yimaada wax soosaarka miyiga oo markii horaba la daalaa dhacayay abaaro iyo masiibooyin kale, waxaana hubanti ah in ay walwal weyn ku tahay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo in badan oo ka mid ah ku tiirsan xoolaha nool.

 

Cabdinaasir Saxansoxo

Goobjoog

Cadaado