U bood dhigaalka

Warbixin: RW Rooble Ma Xajisan Doonaa Guusha Siyaasadeed ee Horudhaca ah ee uu ka Helay Farmaajo ?

Sheeko:Amniga

Somalia ayaa dhex muquuranaysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran kadib markii ay markale foodda is dareen madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo RW Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, khilaafkooda ayaa salka ku haya doorashooyinka waddanka ka socoda.

Farmaajo oo 27-kii bishii hore isku dayay inuu qabsado xafiiska RW markii uu ku dhawaaqay inuu shaqada ka joojiyay Maxamed Xuseen Rooble, ayey taasi u suura gali weysay ka dib markii RW Rooble uu taa diiday lugna ku tagay xafiiskiisa, soona saaray islamaalinkaas in Farmajo uu caqabad ku yahay doorashada dalka.

RW Rooble ayaa hadda u muuqda mid ku guuleystay dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Farmaajo, sababta ugu weyn ayaana ah inuu taageero buuxda ka helay Beesha Caalamka, Mareykanka waxa uu ku goodiyay inuu tallaabo ka qaadayo cid kasta oo caqabad ku ah nabadda Somalia waxa uuna Farmaajo ka dalbaday inuu taageero dadaallada uu wado RW Rooble ee ku aaddan arrimaha doorashooyinka.

Haddaba, dad badan ayaa is weydiinaya in RW Rooble xajisan doona guusha hadda u muuqata, maadaama madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu qaabkasta uga hortagayo howsha RW.

siyaasiyiin aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in Farmaajo uu qorsheynayo sidii uu ku fashilin lahaa shirka golaha wadatashiga qaran oo xitaa haddii uu qabsoomo uu faragalin ku smaeyn doono natiijada ka soo baxaysa.

Xukuumadda Xilgaarsiinta waxa ay sheegtay inay socdaan dedaalladii ugu danbeeyay ee lagu qabanayo shirka golaha wadatashiga qarana waxa ay sheegtay in maalmaha soo aaddan uu shirka dhici doono, sidoo kalana uu shirka ka soo qeyb gali doono madaxweynaha maamulka KGS Cabdicasiis Laftagreen oo isagu si aan ka fiirsosho lahayn u shaaciyay inuusan shirkaas ka soo qeyb gali doonin taa badalkeeda uu taageeray shirkii uu iclaamiyay Farmaajo.

Laftagareen ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay Mareykanka waxaana lagu qasbay inuu shirka Yimaado. “Shirka golaha wadatashiga qaran ee uu hormuudka ka yahay RW oo guuleysta waa RW Rooble oo guuleysta” waxaa sidaas yiri xubin ka tirsan mucaaradka oo nala hadlay.

Shacabka iyo waxgaradka ayaa aad uga murugsan halka ay ku danbeyn doonto xaaladda dalka, maadaama laga cabsi qabo in dagaalkaan siyaasadeed uu isku badalo gacan hadal keeni kara in dib loo noqdo.

Goobjoog News