Warbixin: Sawir-gacmeedku waa Hidde-dhaqameed Astaan u ah Jiritaanka Ummadda

Waa safar iyo socdaal dheer oo qaadanaya waqti aan yareyn in laga sheekeeyo sida ay u taallay nolosha adduunyadan ka jirtay bilowgii nolosha aadanaha, waxaase si kooban u fasiri kara hal ama dhowr sawir gacmeed oo uu soo bandhigo farshaxaniiste hibo u leh wax sawirridda.

Sooyaal ku kooban qoraal buugaagta ku dhigan oo kaliya ma aheyn wax ku filan in jiilalku isu gudbiyaan isbeddellada ku dhacay nolosha adduunyada iyo sida ay u dhaceen haddii aaney ereyada qoraalka ahi la socon sawirro si farshaxannimo ah loogu tusaaleeyay.

Way adkaan laheyd inaan fahamno sidii ay ku billaabatay nolosha aadanaha ee maanta casriga ah, lana jaanqaadeysa Teknolojiyada horumarsan, sawirgacmeedyada ay curiyeen farshaxaniistayaasha qarniyada kala duwan soo noolaa ayaa noo sahlay inaan ogaanno in ay jireen dad godadka ku hoyan jiray, noloshooduna ku tiirsaneyd ugaarta.

Cidna maanta ma rumeysateen wax ku saabsan sidii ay aheyd noloshii ay awoowayaasheen ku noolaayeen muddo qarniyo badan ka hor ah haddii aaney farshaxaniistayaashu noogu soo gudbin hab sawir iyo xarfo isla socdo ah.

Aadan Faarax Afeey farshaxaniiste waxa uu yiri “Sawir Gacmeedka waxa uu ka mid yahay ilbaxnimada bani’aadanka waana kuwa ugu sarreeyo, marka Soomaalida ma aheyn dad aad u xiiseeyo sawir gacameedka, Sawir gacameedku waxa uu bilowday xilligii uu gumeysiga sii dhamaanayay “.

Sawir-gacmeedku waa Hiddo dhaqameed kaalin weyn ka ciyaara dhisidda jiritaanka Qaranka iyo Kobcinta Garaadka Umadda, wuxuu door muhim ah ka ciyaaraa soo nooleynta taariikhda bulshada siiba marka ay bulshadu ku jirto marxalad isbeddel xawaare sare ku socda ah.

Ka hor dagaalladii sokeeye, Soomaaliya waxay laheyd Matxafyo, Maktabado, Tiyaatarro, iyo Xarrumo lagu illaaliyo Farshaxanka, Suugaanta iyo Sheekooyin dhaqanka la xiriira.

Sawir-gacmeedku wuxuu Soomaaliya beri-samaadkii u ahaa sida keyd lagu ilaaliyo dhaqanka iyo hiddaha umadda, dadka hibada u lehna waxay lahaayeen maamuus iyo daryeel gaar ah.

Abuukar Nuur Xuseen Farshaxaniiste waxa uu yiri “Sawir gacmeedka dadka waxa ay u maleeyaan wax dhib badan waa wax iska fudud,aniga barashada farshaxanka wax Iskuul ama Jaamacad uma tagin ilaahey ayaa iska key baray “

Qarniyo badan illaa mar aan fogeyn Magaalooyin badan oo dalka ku yaalla Gaar ahaan kuwa xeebaha dhaca waxay ahaayeen xarrumo ganacsi oo kulmiya Dhaqanka Soomaalida iyo dhaqamada kale ee dadyoowga adduunka, lehna dhismayaal, Raadad taariikhi ah iyo goobo lagu kulmo.

Magaalooyinkaasu waxay lahaayeen farshaxanno iyo dhaqan mug weyn oo dadka tusinaya soo jireenka Hiddaha ee nolosha Dadka Soomaalida ah.

Nasiib darro Qalalaasihii dalka ka dhacay waxay burburiyeen goobihii taariikhiga ahaa waxayna hoos u dhigeen dardartii farshaxanka ee ay umaddani ku faani jirtay.

Iyada oo la adeegsanayo xariiqmo iyo midabbo la isku dhafay ayuu Artistuhu awood u leeyahay in uu si sahlan ugu sharraxo wax ay qaadan laheyd in saacado ama maalmo laga sheekeeyo.

Sawirgacmeedku wuxuu bixin karaa habab sahlan oo uu qofka u cabbiri karo aragtidiisa, weliba taasoo sanado badan waari karta ayadoo jiilal badan ay ka helayaan taariikh ay wax badan ku fahmaan.

Si kasta oo ay u kala duwan yihiin goobaha ay kala joogaan iyo nolosha ay ku kala nool yihiin haddana waxaa jirta hal arrin oo ay ka mideysan yihiin taasoo ah in ay u sahlan tahay in sawir yar oo qurxoon ay ku cabbiraan xaalad guud oo jirta ama aragti la aaminsan yahay balse ay adag tahay in si fudud loogu soo bandhigo ereyo qoraal ama dhawaaq ah.

Dadka leh xirfadda sawir-gacmeedka waa dad leh dareen iyo faham gaar ah oo ka dhigaya in ay waxbadan ku horreeyaan marka la dhex joogo bulshada caadiga ah.

si uu farshaxaniistuhu usoo bandhigo hal sawir oo gudbinaya farriin ujeeddo la fahmi karo xambaarsan, waa shaqo adag oo ay ka horreyso feker wax curin ah sidaas oo ay tahayna farshaxaniistuhu marka uu wax sawirrayo waxay uga dhigan tahay ciyaar uu ku raaxeysanayo

Sawir-gacmeedku wuxuu noqon karaa aalad muhim ah iyo astaan loo adeegsan karo in dib la isugu keeno bulshada kala aragtida ah si uu u abuurmo jawi is faham ku dhisan.

Sawir-gacmeedku wuxuu door muuqda ka qaadan karaa xoojinta, illaalinta iyo sare u qaadidda hidde-dhaqameedka umadda.

Si kor loogu qaado nabadgelyada, dareenka waddaniyadeed iyo taageeridda horumar la joogteyn karo waxaa muhim ah in la hormariyo farshaxanka gaar ahaanna Sawirgacmeedka oo astaan u ah hiddaha iyo dhaqanka soomaalida.

W/D: Aweis Haji Nor (Aweys Aar)