U bood dhigaalka

Warbixin : Shariif Xassan oo Maanta Lagu Caleemo-Saaray Baydhabo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

caleemo saarka shariifMagaalada Baydhabo maanta waxaa ka dhacday xaflad balaaran oo lagu caleemo-saarayay madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan, waxayna ahayd xaflad si weyn looga qeybgalay.

Dadkii ka qeybgalay waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, xubnaha labada gole qaar ka mid ah, wakiilada beesha caalamka iyo waftiyo matalayay maamulada Punland, Galmudug iyo Jubba.

Shariif Xassan Sheekh Aadan oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyey kasoo qeybgalayaasha, gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya oo uu si gaar ah oga mahadceliyey sida uu oga dhabeeyey balanqaadkiisii ahaa fulinta federaalka.

Shariif Xassan ayaa balanqaaday in inta karaankiisa ah uu waxqaban doono, isaga oo shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo isna qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha ayaa munaasabadani ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Wuxuu amaanay odayaasha dhaqanka sedexda gobol oo uu sheegey in muddo labo sano ah ay kasoo shaqeynayeen hawshani, maanta meel wanaagsan ay soo gaarsiiyeen.

Mar uu ka hadlay ka maqnaanshaha xafladda ee guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari , ayuu sheegey in uu isaga wakiil ka yahay Jawaari, salaam iyo bogaadina uu ka wado, sababta uu ku maqanyahayna ay tahay hawl qaran oo muhiim ah.

Wuxuu odayaasha iyo ergadii shirka ku amaanay in ay doorteen nin wanaagsan oo u qalma xilka, islamarkaasina waayo arag ah.

Wuxuu madaxweyne Shariif iyo dadka kale ee arrinta ku lug lehba ka codsaday in muddo 45 maalmood ah lagu soo dhiso baarlamaanka, wuxuuna ka dardaarmay in baarlamaankaasi uu noqdo mid dadka oo dhan ay ka wada dhex muuqdaan.

Dhageyso

Goobjoog News