U bood dhigaalka

Warbixin: Sida uu Corona Virus ugu soo Laba Kacleeyey Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Shir saacadihii tagay ay qabatay xukuumadda federaalka gaar ahaan Guddiga Ka Hortagga iyo Maaraynta soo laba-Kaclaynta Caabuqa COVID-19, kana qeyb galeen Mahdi Guuleed oo ah raísul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka caafimaadka Fawsiyo Abiikar ay dowladda sheegtay in caabuqa uu soo laba kacleeyey, khatarna ku hayo Soomaaliya, waxaana shirka la isla qaatay in dawladu qaadato talabooyin lagu hubinnaayo badqabka shacabka Soomaaliyeeda si looga hortago faafitaanka iyo kahtarta Xanuunka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa maalmahan dib u bilowday iney shacabka la wadaagto dadka uu si maalinle ah usoo rito caabuqa COVID-19, iyada oo axaddii sheegay in laga helay 91 qof oo kala jooga Banaadir iyo Boosaaso, ilaa hadda waxaa guud ahaan laga helay 5,183, inta bogsootay 3,739 halka dhimashudana ay gaartay 152 qof.

Wasaaradda ayaa February si maalinle ah u daabici jirtay dhibaatada caabuqa, wasaaradda caafimaadka, waxaa ay sheegay in February 13 laga helay dadka Banaadir deggan ilaa 17 qof.

February 12, ilaa 62 qof(Banaadir), February 10, ilaa 28(Banaadir(27) iyo hal Hirshabelle, February 9, ilaa 51(Banaadir 50 iyo hal Hirshabelle ah), February 8 ilaa 14(Banaadir 12 iyo Hirshabelle 2), February 7 ilaa 58(Banaadir 34, Puntland 10 iyo Somaliland 14), February 6 waxaa Banaadir laga helay 8 qof, isla wasaaradda ayaa daabacday in 1-5-ta February laga helay 40 qof oo dhammaan ku sugnaa Banaadir.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay iney dalka keeneyso tallaalka caabuqa COVID 19 nooca AstraZeneca/Oxford oo qeybta hore ay heli doonaan 1,224,000, Guud ahaan tirada guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus, waxaana horay loo talaali doonaa dadka (1) Shaqaalaha Safka hore, (2) Dadka da’da ah (50jir iyo wixii ka weyn) (3). nuunada ee qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka ama si joogto ah ula nool xanuunada.

Xilli ay wasaaraddu sheegeyso in caabuqa uu soo laba kacleeyey ayaa dhanka kale, waxaay Goobjoog News ogaatay in xafiiska hanti-dhowrka qaranka uu baaris ku bilaabay.