U bood dhigaalka

Warbixin: Sidee Jared Kushner Ugu Guuleystay inuu Heshiis Dhex Dhigo Sacuudiga iyo Qatar?

Sheeko:Amniga

Maanta oo talaado ah waxaa lagu wadaa in heshiis gaaraan dalalka Sacuudiga iyo Qatar kadib markii uu ka shaqeeyey la taliyaha madaxweynaha Mareykanka Trump Jared Kushner.

Ninkan Yuhuudiga ah ee Jared Kushner ayaa maanta tagaya boqortooyada isaga oo ay la socdaan Avi Berkowitz oo ah ergeyga bariga dhexe iyo Brian Hook lataliyaha wasaaradda arrimaha dibadda si goobjoog uga nodaan saxiixa heshiiska labada dhinac.

Kushner oo bilihii ugu dambeysay sidoo kale ku guuleystay inuu caadi ka dhigo xiriirka carabta iyo Israeil ayaa hadda xoogga saaray inuu soo gabagabeeyo khilaafka Sacuudiga iyo Qatar.

Jared Kushner waxaa sodog u ah madaxweyne Trump oo waxaa u dhaxda gabadhiisa Ivanka Trump, 15 maalin kadib ayey isaga iyo qoyskaba baneyn doonaan aqalka cad, tallaabadan ayey u arkaan guul ay ku bixi karaan.

Mareykanka ayaa wada hadalka iyo dhexdhexaadintan usii maray dalalka Kuwait iyo Cumaan, taasi oo keeneysa in Qatar laga qaado go’doominta, loona furo xadka dhulka iyo cirka kaasi oo 40% ugu soo gudbi jireen cunnada laga isticmaalo gudaha Qatar.

Ujeedka Mareykanka uu ka leeyahay heshiiskan labadan dal, waa in cadaadis uu saaro Iran, isla markaana uu ka wareejiyo lacagaha badan oo Dhahraan kasoo geli jiray diyaaradaha iyo Maraakiibta ay Qatar kala soo degi jirtay Iran iyo weliba Qatar oo martigelisa saldhigga ciidamada Mareykanka ee Caydiid aan loo sii deyn Turkiga.

Dhankeeda, Qatar oo ah dal dhib badan lama hubo iney dhaqan wanaag la iman doonto, waxaa kale oo aan la ogeyn sida u badali doonto la dhaqanka dalalkii Sacuudigu xulafada kula ahaa go’doominta ee Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Qatar waa dal dadkiisa ay gaarayaan rubuc milyan oo keliya, dhul ahaanna leh 11,571 km², iyada oo ka faa’ideysaya awoodda dhaqaale ayey faragelin ku heysaa dalal badan oo gobolka ah.

Marka laga soo tago in lagu eedeeyo magangelyo ay siiyo kooxo iyo shakhsiyaad argigixiso ah, waxaa ay faragelin dhan walba ku heysaa dalal badan oo ay ku jiraan Libya, Suuriya, Soomaaliya iyo Yemen, waxaa kale oo Itoobiya ku siiyaa lacag badan iney biyo ahaan u dhibaateyso Masar.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,