Warbixin: Soomaaliya Oo Ku Jirto Gumeysi Nooc Kale Ah, 6 Meel Ayaa Laga Heystaa!!

Gumeysiga, Madaxbannaandida iyo xuriyadda aan ka hadleyno waa mid ka duwan micno ahaan sida loo yaqaano taariikhiyan ee ahaa: in dalka aanu gacan shisheeye ku jirin iyo in dal weliba ay dadkiisa maamulaan…, hadda, waa laga soo tagay gumeystihii taarikhiga ahaa, sida Ingiriiska oo la dhihi jiray gumeystaha aan qoraxda ka dhici,  Francophone, Commonwealth, xitaa awoodda Ururada caalamiga ee NATO, Warsow…..waxaa soo baxay gumeysi nooc cusub ah, waa midka dalkeenna uu ku jiro, maantana aan ka hadleyno!

Gumeysiga cusub waa mid aan maanta cadeymo u heyno, waa mid nolol maalmeedka ka mid noqday, waa mid maskaxda ah, Ciidanka ah, midka dhaqaalaha ah, ganacsiga iyo aqoonta, haddii intaasi lagaa qabsado, waxaa soo baxaya in dalka hey’adiisa dowliga ah awood beelaan iyo in ay arrinkaas ka faa’ideystaan kooxo iska dhigaya wadaniyiin iyo in ay difaacayaan dalka, dadka iyo diinta balse ujeedkoodu yahay  burburin iyo qas abuur!!

Qormadan ma aha mid lagu soo bilaabayo firkadii Pan-Somalism(Somaliweyn) iyo gadood cusub, ee waa mid aan uga hadleyno gumeysiga nooca kale ah, waa mid isu run sheegid ah, waa baraarujin iyo in dalkan uu yeesho dad isbadal doon ah, u fakira horumarkiisa, isla markaana ay dhibeyso sida xaalku yahay, waxaan ka hadli doonnaa dhaqaalaha, ganacsiga, diinta, ciidanka, waxbarasho iyo gumeysiga maskaxda!

1. Ciidanka: Awood ciidan ahaan, Soomaaliya waxaa loo heystaa qaab cusub, ma jiro ciidan Soomaaliyeed oo maanta ilaalin kara dhulka illaa xuduudaha, bad illaa berriga…, ammaanka dalka gacan Soomaaliyeed kuma jiro!

Ciidanka waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha lagu garto qaranimada dalka, in maalin walbo wadada iskaga hor imaataan ciidan Soomaaliyeed oo labisan, wax micno ma soo kordhineyso, ammaanka dalka 100% waxaa gacanta ku haayo bad iyo beriba dalal shisheeye, xitaa ciidamada Soomaalida ee hadda qalabeysan tababarkooda, mushaaraadkooda inta waxaa mas’uul ka ah oo maskaxda ka dagay ajnabi!!

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliyeed oo arrintani aan kala hadlay waxaa ay ku dhaaranayaan in dalkan aan loo ogoleen dhismaha ciidamo awood leh oo Soomaaliyeed, lama rabo in AMISOM ay baxdo sanadaha soo socda, waxaa kale oo niyad-jab noqon doona marka 2018-ka la gaaro, oo balan-qaadkii ahaa 18-dda kun ee askari uu noqdo riyo iyo been-abuur!!

2. Dhaqaalaha: Dunidan dhaqaalaha waxaa uu ka mid yahay ilaha la isku maamulo, Soomaaliya waa dal dhibaato ka soo baxaya, waa dal ku tiirsan taageerada deeq-bixiyeyaal 10 ah:  Mareykanka(USAID), Talyaaniga, Finland(Wasaaradda arrimaha dibadda), SPF(World Bank state and peace-building), Swetzerland(SDC), Denmark(DANIDA), Norway(Royal Norwegian Embassy), Sweden(SIDA), Midowga Yurub iyo Ingiriiska(DFID), dalalkaasi ilaahey dartiisa lacagta uma dhiibaan, waxaa ay si toos ah u ilaaliyaan danahooda.

Dhammaadkii June sanadkan, waxaa ay mashaariicda loo yaqaano MPF ku heshay lacag dhan US$ 221m, waxaa lacag toos ah bixin jireen wixii ka dambeeyay August-2014-June 2017, waxaana bixiyo deeqbixyeyaasha 10ka ah ee aan soo xusnay, waxaa la taageeraa  hey’adaha dowladda federaalka ah, maamul goboleedk, waxaa lagu fuliyaa 15 mashruuc.

Imaaraadka waxaa uu ka faa’ideystay maalgelintiisa Somaliland iyo Puntland, waxaa maamulladaas ku cadaadiyay in ay ku caasiyaan dowladda dhexe, iyaga oo taageeray go’doominta Qatar, tani waa tusaale kale oo ku tusinaya sida hantida wax loogu maamulo!!

Miisaaniyadda dalka waa:  canshuuraha iyo khidmadaha kala duwan ee sharcigu jideeyey, kaalmooyinka ama deeqaha, dakhliga kale ee ilaha filiqsan ka soo baxa, daymaha qaranku soo deynsado gudaha iyo dibeddaba, haraaga miisaaniyadihii hore haddii uu jiro iyo dakhlikasta oo la filayo in si sharciga waafaqsan ay ugu soo korodho miisaaniyadda.

Soomaaliya waxaa ay ku heli kartaa xuriyad dhaqaale marka ay la timaado siyaasadda dakhli uruurin, in sida ugu degdega badan loo dhammeystiro shuruucda maaliyadda ee dhiman sida; Sharciga Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo Sharciga Maamulka Cashuuraha (Revenue Bill), iyo in si gaar ah loo hor keeno Golaha Shacabka tacriifooyinka ka hor Miisaaniyadda 2018!!

3. Diinta: Soomaaliya waa dal 100% Muslimiin ah, qarnigan 21aad, diinta Islaamka marti ugama ahaan karno dalalka Carabta, sidaasi ay tahay, dalalkaasi kooxo ay dhisteen oo Islaamiyiin ah ayey Soomaalida la kala safan yihiin, buugaan ay qoreen dadkaasi ayaa umadda ku kala tagtay, in xaqiiqdaas laga wada hadlo dad ayaa diidan,

Dhinaca kale, Calmaaniyadda iyo kooxda kale oo lacagta lagu siiyo dhibaateynta diinta Islaamka guuxooda ma yara, shalay waxaa ay ku fashilmeen Hanti-wadaag iyo Marxist maanta dimoqoraadiyad iyo argigixiso la dirir ayey wadaan, waa imtixaan laakin waxaa xaqiiqo ah in lagu hungoobo dagaal kasta oo ka dhanka ah diinta Islaamka.

4. Ganacsiga: Dhibaatada iyo gumeysiga dalka uu ku jiro kuma koobna Ciidan, dhaqaale ahaan iyo diinta, Soomaaliya waxaa ay soo dhoofsato ayaa afar jeer ka badan waxa ay dhoofiso, waxaa kale oo la yaab leh in badeecadaha iyo adeegyada la keeno lagu sameyn karo gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye oo ka tirsan guddiga beeraha, horumarinta reer miyiga iyo kaluumeysiga ayaa golaha shacabka hor keenay mooshin la xiriira sharciyeynta in dalka Soomaaliya laga joojiyo in la soo dhoofiyo alaab iyo badeecooyin laga heli karo dalka gudahiisa ama ay soo saari karaan ganacsato Soomaaliyeed sida Cusbada, Kaluunka, Galeyda, Digirta, Caano boodhaha..kuwaas oo sida uu sheegay keenistooda leedahay Khasaare dhaqaale, mid caafimaad iyo deegaan sida qaadka iyo bacaha. Waxaa la soo jeediyay:

  1.  In Baarlamaanka Soomaaliyeed ku amro wasaaradaha dowladda ee arrintani quseyso sida wasaaradda beeraha, xoolaha, kaluumeysiga in ay baarlamaanka horkeenaan daraasad muujineysa badeecadaha laga soo saaro ama laga soo saari karo dalka Soomaaliya iyo sida loo kala hor marin karo joojintooda, kadibna aynu soo saarno sharci mamnuucaya in dalkeena loo soo dhoofiyo cuntooyinka iyo badeecooyinkaas.
  2. In xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre la timaado siyaasad ku dhiirigelineysa ganacsatada Soomaaliyeed maalgeshiga wax soo saarka iyo warshadeynta dalka, waxna ka qabto qiimaha korontada oo dad badan u diidan iney warshado dalka keenaan.
  3.  In dowladaha inoo soo dhoofiya qaadka lala galo heshiis ganacsi oo ganacsatada Soomaaliyeed u ogaalanaya in ay dalkooda geeyaan cuntooyinka dalkeenna ka soo baxa sida kaluunka, xoolaha iyo wixii la midka ah si aynu uga kabanno dhiigbaxa dhaqaale ee qaadka inoo geysanayo maalin kasta.

5. Waxbarashada: Sanadkan waxaa ay wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare soo bandhigtay qaab dhismeedka manhajka waxbarashada,  sida xaalka yahay aniga inaan qoro looma baahna, wasaaradda ayaa buug ay soo saartay bilowgiisa ku qortay gogoldhiggan aan filayo in uu wax badan ka hadlayo.

Wasaaradda waxbarashada waxaa ay qortay“Manhaj Soomaaliyeed oo shaqeynaya waxaa ugu dambeysay 26 sano ka hor, muddadaasi oo inta badan dalku ku jiray degggaansho la’aan iyo dowlad la’aan, waxaa wax lagu baranayey muqararaad iyo buugaag kala gadisan oo laga keenay dalal kala duwan oo ujeedo kala duwan ka leh waxbarashada iyo mirodhalkeeda.

Hey’adaha waxbarashada dalka waxaa taageero dalal iyo ururo caalamiga, manhajkana waa mid shisheeye, natiijada waad iska fahmi kartaa!!

6. Gumeysiga Maskaxda Ah:  Wax badan oo dhankaasi ah waa laga shaqeeyay, weliba hadda waa la sharciyeeyay, dadka waxaa loo qeybiyay beelo awood leh iyo qaar laga tiro badan yahay, raalli ayaan ku nahay, waxaa haweenka loo sheegay in ay qoondo leeyihiin, kama hadlin, waxaa la qoray heshiisyo lagu ilaalinayo xuquuqda dadka nugul, dhowrista xuquuqul insaanka, lagama doodi karo……weliba, waxaa dalka jooga hey’ado caalami ah oo xubiya hirgelinta arrimahaas iyo qaar kale!!

Hadaba, si dalka uu xuriyad dhameystiran u helo, waa in 6-daasi meel aan gacanta ku dhigno, si taasi u dhacdo waa in hadda ay aqoonyahanka bilaabaan ka hadlidda mushkiladda iyo xalka haddi kale sida aan horudhaca ku sheenay waxaa ka faa’ideysanaya kooxo iska dhigaya waddaniyiin, dalka iyo dadkana la aadi doona meel khatar ah.

W/D: Cabdi Caziz  Gurbiye, 

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW