U bood dhigaalka

Warbixin: Tirada Dadka Soomaaliya Ku Waxyeeloobay January 2016-October 2017

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 2,000 oo rayid ah ayaa lagu dilay Soomaaliya  inta u dhaxeysay January 2016 –October 2017, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay qaramada midoobey.

Warbixintan oo la magacbaxay “ilaalinta rayidka: dhisidda aasaaska nabadda, amniga iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya ayna soo saareen xafiiska xuquuqul insaanka qaramada midoobey iyo howgalka kaalmeynta qaramada midoobey ee Soomaaliya(UNSOM) ayaa waxaa lagu sheegay dhimashada 2,078 dhimasho iyo 2,507 oo dhaawac ah.

Isla warbixinta waxaa lagu sheegay in ka badan kala bar khasaaraha(boqolkiiba 60) oo ah (1,233 dil iyo 1,495 dhaawac) loo aaneynayo Al-shabaab, boqolkiisa 13(594) waxaa loo aaneeyay maleeshiyo beeleed, boqolkiiba 11(522) waxaa loo aaneeyay xoogagga dowladda sida militariga iyo booliiska, boqolkiisa 4(181) waxaa loo aaneeyay AMISOM halka boqolkiiba 12(560) qof sidoo kale loo aaneeyay dad aan la aqoonsanin.

Qoraalka waxaa kale oo lagu daray in Alshabaab afduubteen illaa 729 qof oo rayid ah halka illaa  5,821 lagu xiray sababo aan la cayimin.

Goobjoog News