U bood dhigaalka

Warbixin UN-ka Loo Gudbiyey oo Ka Deyrisay Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Warbixin ay UNka u gudbisay khabiir dhanka xuquuqul insaanka ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dib u gurasho ka sameysay dhanka xuquuqda aadanaha.

Isha Dyfa oo ah khabiir la magacaabay March ayaa sheegeysa in Soomaaliya dib u dhac ka sameysay ilaalinta xuquuda aadanaha ee dhanka dhaqaalaha, mid bulsho iyo xataa aqoon. Waxaa kale oo ay intaasi raacisay in dagaallada hubeysan iyo dhibaatada banii’adnimo ay sii darsaneen xilliga Covid 19 iyo faafidda ayaxa.

“Waxaa jiray warar sheegaya weeraro loo geystay hey’adaha caafimaadka, hey’addii ilaalin lahaa sharciga oo dilal geystay, meel ka dhac xaqa xuriyadda hadalka ah iyo ra’yiga ah iyo kororka dhibaatada xagga jinsiga la xiriira iyo barakac qasab ah xilliga cururka”.

Waxaa kale oo ay wax laga xumaado ku tilmaantay in aan inta badan la ciqaabin dadka kufsiga u geysta gabdhaha iyo wiilaha, taasi oo keeneysa in dhibanayaasha iyo qoysaskooda ay waddooyin kale isticmaalaan, taasi oo xaaladda uga soo darta.

Goobjoog News