U bood dhigaalka

WARBIXIN:- Wadajir Ma Ugu Hiilinnaa Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Iyo Kenya?

Sheeko:War

Wixii ka dambeeyay burburkii ka dhacay dalkeena, waxaa dalal badan oo caalamka ka mid ah u yaacay Soomaali naftooda doonaysa in ay badbaadsadaan, maadaama dalkii dagaallo ay ka dhaceen.

Dadkii dalka ka carary qofba meel ayuu magangalyo u doontay, si uu u heli nolol wanaagsan, kana dheeraado dagaallada iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jiray.

Wadamada sida aadka ah ay dadka Soomaaliyeed ugu qaxeen waxaa ka mid ah, dalka Kenya oo xuduud wadaag aynu nahay iyo sidoo kale dalka Yemen oo isna deris aynu nahay, iyadoo bad oo kaliya ay inoo dhaxeyso.

Soo dhaweyn xilligaasi waa ay heleen dadkeena, sida ay doontaba ha ahatee, waxaana halkaasi ku garab qabtay hay’ado iyaga dadkaan muddo ku hayay xerooyin ay u dhiseen nolosha sida ay ahaato ha u soo maraane.

Hase ahaatee 25-sano ka dib isbedal iyo filan waa ayaa ku yimid qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalkaasi joogay.

Yemen              

Dagaalo ka xoog badan kuwii ay ka carareen dadkii Soomaaliyeed ee Yemen ku sugnaa ayaa halkaasi ka bilawday, waxaana dagaalladaasi ay sababeen khasaare naf iyo maalmo leh.

Dadkii Soomaaliyeed dalkaasi go’doon ayeey ku noqdeen, hay’adihii kaalmeynayayna iyaga ayaa naftooda baxsad la ah, maxaa yeelay xaaladda waxay u muuqataa qof walbow naftaa.

Waxaa xusid mudan in dalalka kale dadkoodii degdeg ugala baxeen dalka Yemen si ay naftooda u badbaadiyen, hase ahaatee dadka Soomaaliyeed cidna uma maqna ceelna uma qodna!

Yemen Soomaalida ku sugan aad ayeey u badan tahay, waxaana halis ay ugu jiraan in ay ku dhibaatoobaan waxa dalkaasi ka soconaya, hadii aan loo gurmanna ay xaajadu iska bedali karto halka ay maanta taagan tahay.

Kenya

Soomaalida Kenya qaxootiga ku ah muddo badan ayeey halkaasi ku sugnayeen, blasé maanta xaaladda aad ayeey ugu xun tahay maxaa yeelay, waxaa lagu yiri “dalkeena hanooga baxaan”.

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa lahayd “Dal aan dalkaaga ahayn waa dareen ku joog” sidoo kalena waxaa jirtay maahmaah kale oo lahayd “Dhar aadan lahayn dhaxan kaama celiyo, waxayna la mid tahay adiga oo jooga dal aadan lahayn, hadana lagugu yiri dalka nooga bax.

Inkastoo Kenya ay muddo badan dalkeeda ku haysay Soomaali badan oo dalkooda dagaal iyo dhibaato uga cararay, hadana wanaagii badnaa ayaad moodaa in ay kusoo gabagabeynayso xumaan.

Dadkaasi hadda ma haystaan cunno iyo daryeel ku filan, maxaa yeelay waa la dhimay wax walba oo lasiin jiray, waxaana hadda ugu sii dara xaaladda ay ku sugan yihiin.

MAXAA LOO BAAHAN YAHAY

Soomaaliyeey dib isku eega, miyaadan lahayn damiir damiir damqada, maxaa idiin diiday sida caalamka dadkiisa ugu gurmaday in inaguna dadkeena ugu gurmano.

Qofka hadii uu dalkiisa ku baahan yahay ma qabo culeys maxaa yeelay ciidiisa hooyo ayuu dhinaca dhiganayaa, laakiinse hadii bahi iyo raacdeyn la’isugu daro waa dhibaato midda ugu xun.

Hadii Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba is kaashadaan, waxaa hubaal ah in dib loo soo celin karo dhammaan qaxootigeena ku sugan Kenya iyo Yemen, waxaana hubaal ah in dalkooda maalin aysan ku baahdeen iyaga oo aan wax kaalmo ka helin hay’ad samafal.

Kaba soo qaad dhulkeena baxadiisu weyn tahay, hadaan walaalaheena soo dejino, qoyskiina qof ama laba qof oo dadkaasi ka mid ah uu damaanad qaado noloshiisa, mala socotaan in aynu noqon karno dadka ugu qaalisan caalamka.

Shalay Soomaalida waxay isugu hiilin jirtay qabiil, hubka qarash ayaa lagu bixin jiran, balse maanta waxaa loo baahan yahay in Soomaalida ay qaran isugu hiiliso, u istaagto u gurmadka walaalaheeda, dhiibtaa wax walbo oo ay awoodo, waa in ay u taliyaan aayaha walaalaheena dhiban.

Hadaba waxaan qoraalkaan kusoo gaba gabeynaya “Wadajir Ma Ugu Hiilinnaa Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Iyo Kenya”?

W/Q Maxamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News