U bood dhigaalka

WARBIXIN: Wadooyinka Hargeysa oo kusoo badanaya goobaha lagu kariyo cuntooyinka Dalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

WadaniMagaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa kusoo badanaya goobaha maqaayadaha yar yar ah ee lagu iibiyo cuntooyinka loo yaqaano wadaniga, kuwaa oo laga sameeyo dalaga kala duwan ee dalka kasoo baxa.

Raashiinkaan ayaa ah mid hadda u muuqda in looga soo baraarugay Hargeysa, shacabkana waxay yihiin kuwo aad u xiiseynaya.

Waxyaabaha la sameynayo ayaa ka mid ah Galley la bisleeyay, Digir, Masago ama Moordi, Qamadi iyo Misir waxaana lagu cunayaa Caano iyo Saliid Macsaro.

Qiimo ahaan aad bay uga jaban tahay raashiinka kale, waxaana hadda aad u baranaya dhalinyarada yar yar oo markii hore la sheegay in aysan cuni jirin.

Markaad marayo wadooyinka magaaladaasi waxaad arkaysaa goobo raashiinkaan lagu sameeyo oo dad badan ay buuxaan, iyadoo dhanka kale la sheegayo Hoteelada iyo Maqaayadaha waaweyn in raashiinkaan ay bilaabeen.

Hadaba Wariyaha Goobjoog Fm ee Somaliland Cumar Serbiya ayaa soo diray Warbixin xiiso badan oo arintaan uu kaga hadlayo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News