U bood dhigaalka

WARBIXIN:- Warbaahinta Ka Howlgasha Somaliland Oo La Sheegay In Ay Ka Gaabiyeen Gudbinta Codka Dadka Danta Yar (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Warbaahinta ka howlgashada deegaanada maamulka Somaliland ayaa la sheegay in ay ka gaabiyaan baahinta iyo banaan keenista dadka danta yar codkooda.

Kulan loo qabtay 60 wariye oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa looga hadlay arintaan iyo sidoo kale waxa sababta u noqday, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay xog uruurin arintaan laga sameeyay.

Kulankaan oo ay soo agaasintay Akadeemiyadda Nabadda Iyo Hormarinta oo ah hay’ad madax banaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay xog uruurin ay sameysay, lagana soo sameeyay dadka danta yar.

Arinta diiradda aadka loo saaray ayaa ahayd waxa ay warbaahinta uga mashquushay arimahaan, taasi oo la sheegay in ay ugu wacan tahay arimaha siyaasadda oo xooga la saaray.

Guuleed Axmed oo ah madaxa cilmi baarista ee Akadeemiyadda Nabadda Iyo Hormarinta waxa uu sheegay in dad ay kala kulmeen bulshada ay carabka ku adkeeyeen in warbaahinta ay ka tabayaan warkooda.

“Dhibaatada wadanka ugu weyn ee jirta oo aynu aragnay waxa weeyaan warbaahinteenii oo aan ka warbixineyn hadba wixii dhibaato ah ee dalka haysto, hadii ay noqoto arimaha bulshada, sida macluusha jirta caafimaadka iyo arimo kale, waxa ay dadka u fahmeen in warbaahinta kaliya ay siyaasadda ka hadasho, taas ayaana keentay in saxaafadda aan dib ugu soo laabanay oo aynu dhahdo maxaa idin ka qaldan, saxaafaddana aan dib ugu qabano tababaro arimahaasi la xiriira” ayuu yiri Guuleed Axmed

Saxafiyiinta kulankaan goobjooga ka ahaa oo isugu jirta wiilal iyo gabdho, waxa ay qireen in ay gabeyn fursad siinta dadka jilicsan ama danta yar.

Cabdiweli Cali oo ah saxafi ka tirsan Wargeysyada Madaxa banaan ee ka howlgala Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in tani ay tahay dhaliil ay leedahay warbaahinta, islamarkaana ay ka gaabiyeen.

“Waxaan oran karaa ma hayo caqabado naga hortaagan in warbaahinta ay bulshada wax ka qoraan, waxaan aniga saarayaa warbaahinta oo dhaliil ay leedahay tahay, walibana ka gaabiyeen, oo aanay jirin arimo kale oo ka hor taagan, shaqsi ahaan hadaan iska soo qaado Cabdiweli ahaan, wax ii diidan malahan in bulshada aan wax ka qoro, ma jirto cid lacag igu xireyso marka aan bulshada aan wax ka qoro”

Inta badan wariyaasha ka howlgala deegaanada maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay kulankaan in aanay waqti badan gelin arimahii Bulshada ee loo baahnaa in la tabiyo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin arintaan ku saabsan oo uu soo diray Wariyaheena Cumar Seerbiya.

Goobjoog News