U bood dhigaalka

Warbixin: Wax Ka Agow 20 Dal Carab Ah Uu Mareykanka Taageero

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykabka Donald Trump waxaa uu sheegay inuu gargaarka ka jarayo dowladaha u codeeya inay ka soo horjeedaan go’aankiisa ku saabsan arrinta Qudus.

Ku dhawaad 20 dowladood oo carbeed ayaa go’aankaasi cabsi galiyey sida ay qortay wakaaladda caalamiga ah ee horumarinta Mareykanka.

Trump ayaa yiri “Waxaa jira dowlado Mareykanka lacago ka qaato,hadana waxay u codeynayaan go’aan ka soo horjeeda Washinton markii la joogo golaha ammaanka”

Dowladahaan 20 ah ayaa dhammaantood waxay hoos tagaan ururka jaamacadda Carabta  waxayna kala yihiin.

1 . Ciraaq: Waxaa ay ka mid tahay dowladaha Carbeed ee ugu horreeya ee Mareykanka ka hela kaalmooyiinka, waxay heshay 5.28 bilyan, boqolkiiba 89% waxaa loo qoondeeyay dhanka milatariga.

Faahfaahinno kale, Ciraaq waxay heshay $4.8 Bilyan oo looga taageeray dhinacyada amniga iyo milatariga, $369 Milyan, waxay ku heshay dhanka gargaarka bani’aadanimada $86 Milyan ka mida waxay u qoondeesay dhanka gargaarka cuntada, halka ay ku heshay dhanka biilka maamulka kaalmo dhan $10 milyan.

2 . Masar: waxay heshay $1.23 Bilyan, 89% waxay loo qoondeeyay dhanka milatariga halka 11% loo qoondeeyay dhinacyada kale ee horumarinta.

Sida la faahfaahiyey, ku dhawaad $1.1 Bilyan waxaa loo qoondeeyay dhanka amniga iyo milatariga balse kaalmooyinka lagu bixiyey dhinacyada waxbarashada madhaafayo $37 milyan,  Bani’aadanimada waa 26 milyan, halka uu gaarayo taageerada loo qoondeeyay kobacaha dhaqaalaha $45 milyan.

3 . Urdun: waxay heshay $1.21 bilyan oo iskugu jirta horumarinta iyo dhinacyada amniga iyo milatariga.

Kaalmadii ugu muhiimsaneed oo ay hesho sanadkaan waxaa uu gaarayaa ee dhinacyada amniga iyo milatariga $510 malaayiin ah miisaaniyadda guud waxay ku heshay $213 milyan, $188 milyan waxay ku heshay dhanka gargaarka bani’aadanimada,  $82 milyan waxay ku heshay waxbarashada,  $60 milyan ay ku heshay dhanka caafimaadka.

4 . Suuriya: waxay heshay kaalmo dhan $916.4 milyan, balse Washinton waxay ugu talo gashay $94 milyan dhanka amniga.

Waxaa lagu qiyaasaa kaalmooyinka bani’aadanimo oo ay heshay Suuriya $471 milyan,   $320 waxay ku heshay dhanka dhanka cuntooyinka degdegga ah,  $20 milyan waxay ku heshay barnaamijyo kale oo gargaar $1.8 milyan waxay ku heshay ka qeyb qaadashada dimuquraadiyadda iyo bulshada rayidka ah.

5 . Falastiin : daanta galbeed iyo Gaza $416.7 milyan oo dhammaan lagu taageerayay dhanka horumarinta in kastoo ay jiraan,  $18 milyan oo lagu taageeray amniga  washinton ayaa sheegtay in 18 milyan loo qoondeeyay dhanka dhisidda nabad-galyada rayidka.

$133 Million Dollar waxaa loo qoondeeyay baahiyooyinka gargaarka degdegga ah, $86 million waxaa loo qoondeeyay adeegyada bulshada, $11 million waxaa loo qoondeeyay xukuumadda iyo ururada bulshada rayidka.

6 . Lubnaan: waxay kaalmo u heshay $416.5 Million, 81% waxaa loogu talo galay dhanka horumarinta, $249 million waxaa loogu talo galay adeegyada gargaarka bani’aadanimada, $75 million waxaa loogu talo galay hagaajinta amniga, $12 million waxaa loogu talo galay la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya, $9.2 million waxaa loogu talo galay xukuumadda iyo ururada bulshada rayidka ka qeyb-qaadashada dimuquraadiyada iyo horumarinta sharciga.

7 . Yeman: taageerada ay ka hesho Mareykanka waxay gaareysaa $305 million intiisa badan waxaa uu ku wajahnaa dhanka gargaarka, $294 million loo qoondeeyay dhanka taageerada xukuumadda iyo bulshada rayidka taageerada Yeman ee Mareykanka ma dhaafeyso $3.7 millin.

  1. Soomaaliya: Waxaa ay ka heshay Mareykanka taageero dhan $274.7 million, $174 million waxaa loo qoondeeyay dhanka gargaarka, $43 million oo kale loo qoondeeyay howlgallada amniga.

Taageerada Soomaaliya ay ka hesho mareykanka ayaa ahaa mid aan joogto aheyd sanadkii 2012 waxaa uu gaaray taageerada mareykanka Soomaaliya uu u fidiyo $469 million.

9 . Suudaan: Suudaan waxay heshay gargaar dhan $137.8 million, $125 waxaa loo qoondeeyay howlaha gargaarka iyo mucaawinooyinka .

Taageerada mareykanka uu siiyo Suuudaan ayaa aad u hooseesay sababo la xiriira cunnu-qabateyn saarneed owgeed .

10 Tunizia: Waxaa ay heshay kaalmo dhan $117.4 million, 79% waxaa lagu bixiyey dhanka millatariga inta soo hartay waxaa lagu bixiyey dhancyada horumarinta.

11 . Moroco:  waxay heshay kaalmo dhan $82 million, 84% waxaa lagu bixiyaa dhinacyada horumarinta 16% waxaa lagu bixiyaa dhinacyada milatariga iyo amniga.

12 . Liibiya: Waxaa ay heshay $26.6 million dhammaanteed waxaa loogu talo galay taageerada dhinacyada horumarinta $13 million oo ka mida waxaa lagu dhisay nabad-galyada rayidka.

  1. Aljeeriya: sanadkii 2016 waxay heshay 17.8 million 91% waxaa lagu bixiyey dhinacyada horumarinta.

14 . Mauritania,: Waxaa ay Mareykanka ka heshay kaalmo dhan $12.7 Million 89% waxaa lagu bixiyey dhinacyada horumarinta.

  1. Baxreyn: waxay heshay sanadkii 2016 kaalmo dhan 6.5 Million 91% waxaa lagu bixiyey dhinaca millatariga.

16 . Cumaan : waxay heshay  5.7Million 80% waxaa lagu bixiyey dhinaca milatariga.

17 . Imaaraadka: Waxaa uu helay $1.1 million, 65% waxaa lagu bixiyey dhinaca horumarinta.

Qeybta ugu badan waxaa lagu bixiyey ladagaalanka maandooriyaha $395 kun, $260 kun waxaa lagu bixiyey horumarinta qaanuunka iyo garsoorka, $371 kun waxaa lagu bixiyey tamarta, halka $110 kun lagu bixiyey kobaca dhaqaalaha.

  1. Sacuudiga: waxaa uu helay kaalmo dhan $733 kun 98% waxaa loo qoondeeyay dhinaca horumarinta.
  2. Kuwait: kaalmo fiican kama helin mareykanka marka laga reebo $112 kun 97% waxaa lagu bixiyey dhinaca horumarinta. $58 kun waxay ku baxday tobabarka dhanka tamarta $51 kun waxay ku baxday xukuumadda iyo bulshada rayidka, hlka $3 kun waxaa ku baxday ladagaalanka maandooriyaha.
  1. Qatar: Dowladda Qatar waxaa lagu tiriyaa dowladda Carbeed oo hesha kaalmada ugu liidata mareykanka waxay ka heshay Mareykanka kaalmo dhan $95 kun 65% waxay ku baxday dhanka milatariga inta soo hartana waxaa lagu bixiyey dhinacyada horumarinta.

Goobjoog News