U bood dhigaalka

Warbixin: Wax Ka Ogow Xasaradaha Ka Jira 5ta Dowlad Goboleed Ee Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Meelo badan oo dalka ah waxaa ka jira xasarado kala duwan, kuwaas oo saameyn ku leh nolosha dadka iyo dalka, caqabadna ku ah horumarka iyo dowladnimada  la hiigsanayo.

Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo dul-mareysaa xasaradaha taagan iyo dhibaatooyinka jira,  haddii horumar laga gaaray iyo in kale, kuwaas oo haddii aan wax laga qaban ay dhici kato inay uga sii daraan xaaladda.

 Puntland:

Dowlad goboleedka Puntland, marka laga soo tago khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, Khatarta Daacish, Duufaanta ku dhufatay gobollada xeebta iyo burcad badeedda, waxaa xasaradda weyn ka jirtaa oo kale deegaanka Tukaraq, Sool.

Dagaalka sokeeye ee Tukaraq waxaa uu u dhaxeeyaa Puntland iyo Somaliland, muddo bil ah ayuu socdaa, inkasta oo aan laheyn tirakoob sax ah hadana waxaa jira khasaare naf iyo maal leh, dagaalka waxaa uu socdaa weliba iyada oo lagu jiro Ramadanaan, dowladda federaalka ah waxaa ay sheegtay in aaney waxba ka qaban karin, mana jirto cid kale oo dhex-dhexaadin ku howlan.

Galmudug:

Dowlad goboleedka Galmudug waxaa horay uga jirtay dhibaatada abaarta, deegaanno badan oo Al-shabaab heystaan iyo horumar la’aan dhinac walbo, laakin hadda waxaa ka jira khilaaf hareeyay madaxda, kuwaas oo kala fariistay Dhuusa-mareeb iyo Cadaado, arrintaas oo gaartay heer ay qoraal ka soo saaraan Xildhibaannada gobolka ka soo jeeda ee ku jira baarlamaanka 10aad ee federaalka ah.

Inkasta oo arrimaha khilaafka aad u badan yihiin hadana waxaa ka soo qaadan karnaa in si cad loo hareer maray qodobbada heshiiska Djibouti oo ahaa si simman loo qeysado baarlamaanka, lana tixgeliyo awood-qeysiga beelaha, laakin taasi iska indho-tireen Alhu-sunna iyaga oo keenay baarlamaan ka kooban 118 Xildhibaan halkii laga rabay 89 Xildhibaan.

Arrinta kale oo Ahlus-sunna lagu heysto waa in aaney tixgelin awood qeybsiga beelaha dega Galmudug, waxaa intaas dheer,  waxaa baarlamaanka Ahlu sunna ku jira dadka ka soo jeeda Puntland iyo Hirshabeelle, oo beelahooda aaney degin Galmudug.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku baaqday dhex-dhexaadinta labada dhinac, waxaaa arrintan soo dhoweeyay madaxda Galmudug, tani waa fursadda keliya ee maamulkaas uu ku midoobi karo.

Hirshabeelle:

Dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa ka jira kooxeysi u dhaxeeya maamulka dhexdiisa, waxaa uu mooshin ka yaal madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, in kasta oo uu baarlamaanka fasax ku jiro, laakin arrintaas weli lama xalin, oo xilli kasta waxaa la filan karaa qas iyo xasarad cusub. Xataa ammarada madaxweyne Waare kama socdaan meelaha qaar, oo guddoomiyaha Baladweyn waxaa uu iska diiday shaqo ka fariisin lagu sammeeyay!

Hirshabeelle labo dhibaato ayaa u sii dheer,  mid waa fatahaadda webi Shabeelle, kaas oo barakiciyay inta badan dadkii reer Baladweyn, Buula-burte iyo magaalooyin kale, waxaa kale oo jira dadkaasi dhibaato heysato magaalooyinka waaweyn oo ay xarakada Al-shabaab go’doomiyeen. Hadda, in kasta oo gargaar ka heleen qeybo kala duwan hadana dhibaatada waa mid taagan, oo xal u baahan.

Koonfur Galbeed:

Dowlad goboleedka Koonfur galbeed waxaa jiro qalalaaso maamul, dhaliilo ku saabsan maamulka, shaqada iyo mushaaraadka iyo qaar kale, laakin hadda waxaa ugu daran isbaarada ay dhigtaan ciidamada dowladda federaalka ah.

Xildhibaan Idris Cabdi Dhakhtar oo ka hadlay arrinka waxaa uu sheegay in dhibaatada isbaarooyinka ay soo jirtay tan iyo 2002-dii, dhac iyo kufsi ayaa ka mid ah waxyaabaha dadka lagula kac, oo sanadkii la soo dhaafay keliya waxaa la dilay 1717 qof, oo u dhiganta maalintii in 5 qof la dilo.

Xildhibaanka waxaa uu eedeeyay ciidamada militariga ee la dajiyay Ex- cotrol ilaa Leego. Dhibaatada waxaa ay ka jirtaa Jidka Baraaer ilaa Xamar iyo Baydhabo ilaa Xamar.

Jubbaland:

Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa dhibaato ku haya fatahaadda webiga Jubba, magaalooyinka ay dadkeeda waxyeellada saameysay waxaa ka mid ah: Baardheere, Buur-dhuubo, Luuq, Doolow iyo Ceel-waaq, webiga waxaa uu wax u geystay guryo, beero iyo xoolo.

Jubbaland waxaa kale oo heysata xasarad kala dhaxeysa dowladda federaalka ah, oo ma fiicna xiriirka uu Madoobe la leeyahay Villa Somalia taas oo dib u dhigi karta horumarka nidaamka federalism-ka.

Ugu dambeyntii, dowladd federaalka ah oo mas’uul ah dalka iyo dadka waxaa la gudboon inay waqti ku bixiso sidii ay uga tallaabi laheyd Banaadir, isla markaana ay qeyb uga noqoto daadejinta federalism-ka dalka, si shacabka u dareemaan jiritaanka dowladnimo.

Goobjoog News