U bood dhigaalka

Warbixin: Waxqabadka Iyo Horumarrada Dowladda Federaalka Ah Ee Sanadka 2017

Sheeko:Dalka

Goobjoog News, oo bartamaha uga jirta qoraallada sanadkan, ayaa maanta waxaa ay akhristayaasha la wadaageysaa wax-qabadka iyo horumarrada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee January illaa December 2017.

Bishii January, waxaa dhacay doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana markii ugu horreeysay uu dalku yeeshay Aqalka sare, kaas oo sanadkaan la dareemay jiritaankiisa, ka sokow dhismaha hay’adihiisa, aqalkaan waxaa uu qabtay sharciyo iyo xallinta khilaafaadyo jiray.

Doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee February 8, xulista ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre , Magacaabista golaha wasiirrada iyo meel-marintooda waa horumarrada la gaaray sanadka.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyrre waxaa ay xoogga saartay ka miro-dhalinta 10 arrimood oo kala ah: 1) Gurmadka Abaaraha; 2) Sugidda Amniga; 3) Caddaaladda, 4) Kobcinta Dhaqaalaha;, 5) La-dagaalanka Musuq-maasuqa;, 6) Qof iyo Cod 2021, 7) Dowlad-wanaagga;, 8) Adeegga Bulshada, 9) Dib-u-heshiisiinta; iyo 10) Xiriirka Caalamiga.

Haddaba, Qodobbadaasi 10-ka ah oo sanado socon-doona, intooda badan waxaa laga sameeyay bilow fiican, innaga oo mid-mid u dul-istaagi-doonna.

Gurmadyada:

Dowladda Soomaaliya waxaa ay wax ka qabatay gurmadka abaaraha iyada oo la uruuriyay lacago badan, kuwaas oo isugu jiray deeq 6 Mliyan ah iyo lacago toos ahaa oo shacabka bixiyeen.

Dhinaca kale waxaa gurmad loo sameeyay ciidamada xoogga dalka oo san-duuq gaar ah loo abuuray iyo gurmad kale oo loo sameeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ee October 14.

Sugidda Amniga:

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sidoo kale awood badan saartay amniga magaalada Muqdisho, waxaana May ay xukuumadda federaalka ah meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay  in dowladda ay howlgelisay 1500 askari.

May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa la saxiixay National Security Architecture oo dhigaya in la sameeyo 18, 000 oo ciidanka xoogga dalka ah, 4 kun oo ciidamada gaarka ah ee danab iyo 32 kun oo Booliis ah.

Bishii August ee sanadkan waxaa kale dowladda heshiis la galay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

December , Waxaa Muqdisho lagu qabtay shirka amniga iyo iskaashiga oo beesha caalamka iyo Soomaalida ay ku wada hadleen arrimaha la xiriira amniga, nabadda, siyaasadda iyo horumarka dalka iyo dadka.

In kasta oo Mareykanka ay jareen saanaddii ay sii jireen ciidamada xoogga dalka hadana dowladda waxaa ay markii ugu horeysay sameysay qiimeyn ay ku ogaaneyso tirada saxda ciidamada oo lagu sheegay 26,000 askari, waxaa kale oo la ogaaday in 30% ciidanka aanu hub wadan, waxaa sidoo kale dib-u-habeyn lagu sameeyay guddiga qaran ee isku dhafka ciidamada,

Turkiga waxaa uu saldhig military ka fureen Muqdisho iyada oo lagu tababaray dufcadii ugu horeysay, Imaaraadka ayaa tababaray askar kale,

Cadaaladda:

Sameynta guddi u kuur-gala xaaladda maxaabiista iyo xabsiga dhexe ee Muqdisho, si wax looga qabto cabashooyinka shacabka, natiijadana madaxweynaha waxa uu ku cafiyay 100 qof.

Xiriirka Caalamiga:

Ka soo hoynta guulo shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay London, guulahaas oo ay ka mid yihiin in Qorshaha Horumarinta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay maal-galiyaan deeq-bixiyeyaasha;

Ku guuleysashada in heshiisyo lala galo dhowr waddan oo ay ku dhibaateysan yihiin maxaabiis u badan dhallinyaro sida heshiis Hindiya lala galay, In ka badan 10 maxbuus oo ku Xirnaa jasiiradda Seychelles oo dalka lagu soo celiyay iyo Maxaabiis kale oo laga soo daayey dalka Itoobiya.

June 6, 2017-kii, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaartay in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo,

December 5, 2017: Wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya  Jamaal Maxamed ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in  wax looga qabto horumarka Soomaaliya,

Duulimaadkii ugu horreeyay oo toos ah oo ku tagay magaalada Nairobi March 29, 2017, waxaa sidoo kale lagu wadaa in bishan la soo wareejiyo maamulka hawada.

Sacuudiga: Sacuudiga waxaa lagula heshiiyay in uu kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hay’adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo dib u hawlgelinta safaaraddooda

Qatar: dalka Qatar dhankiisa waxaa uu ballan-qaaday 1-Dhismaha Waddada Muqdisho – Afgoye, 2-Dhismaha Waddada Muqdisho – Jowhar, 3- dayactirka Dhismaha Xarunta Xizbiga Oo Noqon Doonta Xarunta Xukuumadda ay Ku shaqeeyso Si Culeyska Looga Qaado Villa Soomaaliya, 4-Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta, 5-Machadka Diblomaasiyadda Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo lacag kale.

 Dib-u-heshiisiinta; Galmudug: Dowladda waxaa ay ku guuleysatay in ay soo afjarto  xasaradda siyaasadeed ee Galmudug, sidoo kale Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah,  waxay ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed.

Dhaqaalaha:

May 11, 2017: Shirkii Soomaalida loogu qabtay London, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo lagu badalay barnaamijkii New Deal-ka, qorshahan cusub oo loo bixiyay New Partnership(Heshiiska iskaashiga cusub) waxaa Soomaaliya lagu hagi doona sanadaha soo socda,

Dowladda waxaa ay baarlamaanka hor-dhigtay hindise sharciyeedyo wax badan ka badali kara dhaqaalaha dalka kuwaas oo qaar la ansixiyay, kuwa kalana dhawaan la filayo waxaa ka mid ah

Hindise sharciyeedka isgaarsiinta,  Hindise Sharciyeedka Lagu dhisayo guddiga madaxabannaan ee la dagaalanka musuqa, Hindise Sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka,  Hindise Sharciyeedka Waxbarashada, Hindise Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha, Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda, Hindise Sharciyeedka  Istaatistikada Soomaaliya

Golaha shacabka ayaa sidoo kale November 13 ansixiyay sharciga la dagaalanka Musuqa, waxaa kale oo jiray Joogteynta mushaaraadka iyo gunnoooyinka hay’adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa qiimeysay waxqabadka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyadoo la raacayo Barnaamijka SMP oo ah kormeer ay sameeyeen shaqaalaheeda taas oo lagu tilmaamay mid lagu qanacsan yahay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda 2017ka.

Dhanka dhaqaalaha,  waxaa ka mid ah ansixinta miisaaniyaddii 2017, xisaab-xirrida miisaaniyadihii 2015/2016 iyo diyaarinta, soo gudbinta iyo meel-marinta golaha shacabka ee miisaaniyadda 2018

Doorashooyin:

Inta aanan ka hadlin doorashada 2021-ka, waxaa sanadkan dalka ka dhacay dhawr doorasho oo si habsami leh u dhacay, waxaa ka mid ahaa:

Doorashada Galmudug: Doorasho Ka dhacday Cadaado May 3, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Xaaf.

Doorashada Hirshabeelle: Doorasho Jowhar ka dhacday Sep 16, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Maxamed Waare.

Dhanka Doorashada Qof iyo Cod 2021-ka:  waxaa la diyaariyey Qorshe hawleedka hiigsiga Qof  iyo Cod 2021,  waxaa kale oo si KMG ah shahaadooyin loo siiyay illaa 7 xisbi siyaasadeed

Goobjoog News