U bood dhigaalka

WARBIXIN:- Xaaladda Cakiran ee Yemen

Sheeko:Dalka

Isaga oo xiran surwaal jiinis ah oo dhidhid uu ku dhabooqan yahay iyo funaanad ku dhegan jirkiisa ayuu Camaar Abubakar usoo cararay bas kusoo dhawaanayay goobta la dhigto baabuurta oo ku taalla Mukalla oo ah goob ka mid ah goobaha ugu waaweyn Xadarmuud.

Goobtan waxay noqotay saldhigiisa mudo afar todobaad ah ka dib markii uu ka bad-baaday weerar ay mucaaradku kusoo qaadeen magaalada Sacdah kuna taalla xuduudda Sacuudiga iyo Yemen.

Camaar waxa uu ka mid yahay dhalinyarada ay tiradoodu sii kordheyso ee ku nool Mukalah kuwaasi oo nool iyagoon laheyn guri ay ku hooydaan, wuxuu seexdaa mid ka mid ah baqaarada laga guuray ee deegaanka Mukala oo ay kula hoydaan qaar ka mid ah saaxiibadii.

In ay helaan sariir iyo barkimo ay ku seexdaan waxay iyaga la tahay raaxo raaxo dhaaftay oo kumaba riyoodaan, kaartoonada ayaa sariir u ah baco laga buuxiyey maryo iyo surwaalo googo’ayna waxay ka dhigtaan barkimo ay madaxa saartaan xilliga hurdada.

Waxa yarka ah ee ugu jira boorsada ayaa xoolo u ah isagoo rajeynaya in ay wax isbedeli doonaan taas ayaa ah rajada dad badan oo reer Yemen ah ay wadaagaan.

Intooda sida Camaar iyo saaxiibada oo kale ah waxaa aad ugu dheeraaday ijiidka aan ku jiidee oo u dhaxeysa ciidamada mucaaradka oo heysta waqooyiga iyo kuwa xukuumadda.

Camaar wuxuu kasoo barbar dagaalamay mucaaradka bilihii ugu horreeyey ee dagaalka laakiin markii dambe wuxuu u fakaday dilac oo ka tirsan goobaha mucaaradku ka taliyo ee waqooyiga, ka dib markii hooyadii iyo sadex carruur ah oo isaga ka yar yar lagu xasuuqay iska hor imaad dhex maray mucaaradka iyo ciidamada dowladda.

Camaar hadda dugsiga ma dhigto wuxuuna u noolyahay sida ciyaala suuqa mana hubo halka uu maalin kasto cunto ka helayo.

“Waxaan ahay Qof Miskiin ah, Waxaan ahay Qof ay Dagaaladu Dhibaateeyeen” ayuu ii sheegay.

Wuxuu ka mid yahay wiilal tiro ahaan aad u yar oo ku hadla af carabi fasiix ah oo la fahmi karo, wuxuu u hadlaa si degan oo shik-shik ama gango ku jiro. Sadex sano ka hor ayaa ugu dambeeysay in uu arko aabihii, ma yaqaano halka uu aabihii ku sugan yahay.

Waxa ugu dambeysay oo uu ka ogaa aabihii in uu guriga ka tegay bishii March ee sanadkan illaa waqtigaasna aan dib dambe loo arkin, waxaa jira shaki ku saabsan in ay mucaaradku dileen.

Camaar wuxu ka shaki qabaa oo uu ka laba-labenayaa in uu raadiyo aabihii iyo in kale “Waxaan ogahay in uu jiray dagaal xoog leh oo ka jiray magaalada maalintaana dad badan ayaa la dilay, waxaan shaki ka qabaa in aabahay weli nool yahay”

Go’aan qaadashadiisa in uu raadiyo aabihii oo la la’yahay waxay ku riixeysaa safar uu ku tago dhulka geerida, wuxuuna Camaar u muuqdaa mid aan diyaar u aheyn in uu sidaas yeelo.

Iyadoo bartamaha looga jiro afar sano oo xiisado milatery iyo kuwo siyaasadeed ayaa su’aashu tahay yaa iska leh xaqqa Maamulka iyo hoggaaminta dalka yemen?!

Taageerayaasha xoogagga talada haya ayaa ku doodaya in ay mudan yihiin in ay xilka sii hayaan illaa inta uga harsan mudada maamulka oo lagu gaaray shirkii wadahalka qaranka oo lasoo gabagabeeyey sanadkii hore.

Laakiin Camaar wuxuu sheegay in aanu isagu danba ka laheyn cidda noqoneysa madaxweyne ama ra’iisul wasaare balse uu doonayo oo kaliya in la helo nabad iyo amaan lagu noolaan karo.

Dagaalku gebi ahaanba wuxuu baabi’iyey noloshiisa, wuxuu nool yahay isaga oo aan la joogin Axmaadi oo ah walaalkii ka weyn isla markaana ah qofka kaliya ee uu hubo in uu ka nool yahay qoyskooda.

Markii horeba ma heyn shaqo toos ah oo uu dakhli kasoo galo, riyadiisa uma rumoobin, wuxuuna rajo beel ku noqday xaalad uu u heysto in uusan awood u laheyn in uu wax ka bedelo.

In laga gudbo goobaha dowladdu gacanta ku heyso ee koonfurta loona gudbo goobaha mucaaradku heystaan ee waqooyiga aad bay Qatar u tahay marka dhinac kasta laga eego.

Sidaasi daraadeed Yemen waxay hadda u muuqataa mid u kala jabtay koonfurta oo dowladdu ka taliso iyo waqooyiga oo mucaaradku heysto, tan iyo markii kooxaha xuuthiyiinta ee mucaaradku ay ku guul dareysteen in ay talada ka tuuraan madaxweyne Cabdurabbi Mansuur 25kii March ee sanadkan (2015ka) khilaafkii ugu dambeeyey wuxuu keenay in ugu yaraan sadex bilood oo deganaansho la’aan ah la wajaho.

Wixii ka dambeeyey Kacdoonkii shacbiga ee dalkaasi ka dhacay 11kii bishii February sanadkii 2011kii ee xilka looga tuuray madaxweynihii talada dalkaasi hayay mudo sodon iyo sadex sanadood ahaa ka dib waxaa uu dalku galay qal-qal siyaasadeed iyo xiisado dagaal.

Madaxweyne Cabdu-Rabbi mansuur oo si KMG ah xilka loogu magacaabayna Mudadii xilkiisa ku ekaan lahaa ayaa waqti kale lagu kordhiyey markii la qabtay shirkii wada-hadalka qaranka ee yaman.

Cabdu-rabi oo aan dhameysan waqtigii loogu daray xilkiisa ayaa waxaa qalaan-qal ku riday dagaallo iyo rabshado ay ku lug leeyihiin kooxaha xuuthiyiinta

Maanta waxa dhacaya waxay dhacayaan ayadoo dalkii nabadda ahaan jiray isla markaana dad badan oo dalalkooda nabad ka waayey ay u nabad iyo nolol doonan jireen uu qarka u saaran yahay in gebi ahaanba nabaddii ka jirtay dalkan oo dhaca eeshiyada galbeed ay bur-burto.

Dalkii shalay loo soo carari jiray ee magangalyada siyaasadeed, nabadda iyo nolol wanaaggaba loo soo raadsan jiray ayaa maanta dadkiisu ay baadi-goobayaan halkii ay u carari lahaayeen.

Dhaqaalaha wadanka yemen wuxuu ku tiirsan yahay wax soo saar kooban oo naftada iyo gaaska ah kuwaasoo aan xitaa si weyn looga faa’ideysan horumarintooda inkastoo qeybtan ay yemen uga dhigan tahay qeybta ugu muhiimsan marka laga hadlayo wax soo saarka iyo dakhliga gudaha.

Taariikh ahaan dadka reer yemen waa dad beeraleey ah sidoo kalena waxay weligood ku tiirsanaayeen dakhliga kasoo xarooda badaha dalka ku harreereysan iyo dekedaha.

Wuxu hadda dalku marayaa xaalad adag oo siyaasadeed iyo mid dhaqaale taasoo ka dhalatay kacdoonadii dalka hareeyey iyo loolanka hubeysan ee dalka ka jira kuwaasoo wiiqay hab-sami u socodkii horumarada dalkaasi laga filayay.

Tani maaha arrin lagu farxo balse waa xaalad madoow oo si looga samata-baxana u baahan in yemeniyiintu ay u fakaraan sida saxda ah, haddii kale wax weyn oo lala yaabo ma noqon doonto in xaaladda yemen ay ku dambeeyso sida ay weli yihiin waddamo badan oo horey u qaaday wadada ay maanta yemen cagta saareyso.

Aweys Xaaji Nuur
Goobjoog News