U bood dhigaalka

Warbixin : Xarumihii Danta Guud ee Barakacayaasha Laga Saarey oo Wali Maran

Sheeko:Dalka

maktabadaXarumo badan oo dowladeed oo ku yaala caasimadda kuwaasi oo dad barokacayaal ah oo degenaayeen intii lagu jirey burburka, ayaysan wali jirin wax hawl ah oo lagu qabtay, dadkii laga saareyna aanan wax dib u dajin ah loo sameynin.

Dadka qaarkood oo aan wax ka weeydiiney arrinkani waxa ay su’aalo ka qabaan waxa laga damacsanyahay xarumahani mar haddii laga saarey dadkii muwaadhiniinta ahaa ee halkaasi degenaa, qaarkood ayaa farta ku fiiqaya in mid ka mid ah xarumaha dadka laga saarey la dajiyey ciidamada Uganda.

Barokacayaasha laga saarey xarumaha ayaa cabashooyin badan ka muujinaya qaabkii loola dhaqmey markii xarumaha laga saarayay, waxayna ka deyrinayaan xaalkooda sida uu hadda yahay.

Moowliid Maxamed oo ka mid ah dadkii laga saarey Maktabadda Qaranka ayaa sheegey in maalin kasta ay kusoo laabtaan meeshii laga saarey iyaga oo rajo ka qaba in ay mar uun dib u helaan hoy, balse markasta ciidamada ay kala eryaan, wuxuu farta ku fiiqey in muddo 2 sano ah aanan wax hawl ah laga qabanin meeshii laga saarey.

Maxamed Axmed waxa uu ka midyahay dadka waayo aragga ah ee Soomaaliyeed, waxa uu sheegey in xiligii hore aysan dadka ku dhiiran jirin in ayba degaan xarun dowladeed, taasi badalkeedana marka ay dhacaan abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga in dowladda ay lahayd barnaamij dib u dajin oo dadka noloshooda dib loogu soo dhisayo.

“Abaartii dabo-dheer ee 1974-tii, dadkii ay abaaraha halakeeyeen waxaa la dajiyey Dujuuma oo ka tirsan Jubbada Dhexe iyo Kuntuwaareey oo ka tirsan Shabeelada Hoose, waxaa loo sameyn jirey mashruucyo beero iyo kalluumeysi ah si ay noloshooda ku dhisaan, laakiin hadda dowladani awood uma lahan in ay hawlahaasi qabato” ayuu yiri Maxamed Axmed.

Agaasimaha guriyeynta ee wasaaradda Hawlaha Guud Injineer Xasan Axmed Shirwac oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegey in wasaaradda ay diyaarisey qorshe dib u dajin oo dadka barokacayaasha ah deegaano looga diyaarinayo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegey in dadka xarumahani laga saarey intooda badan ay ahaayeen kuwa awoodi kara in ay magaalada guryo ka kireystaan, inta soo hartayna dib u dajintaasi ay ka faa’iideysan doonaan.

Mar uu ka hadlayay sida laga yeelayo xarumaha dadka laga saarey ayuu sheegey in badankood hadda wasaaradaha dowladda ku shaqeeyaan sida Gaashaandhigga, wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo meelo badan oo kale, kuwa harayna lagu shaqo bilaabi doono.

Goobjoog oo kormeertey xarumahani danka guud ee dadka laga saarey ayaa waxyaabaha aan soo aragnay waxaa ka mid ah in badankood hawsha kaliya ee laga qabtay ay tahay in lagu wareejiyey jiingad muujineysa in uu dhismo ka socdo, balse uusan jirin wax dhisme ah oo laga bilaabay.

Wali waxaa jira xarumo danta guud oo ay degenyihiin dad barokacayaal ah, waxaana ka mid ah guryihii shaqaalaha bangiyada ee Bangaariyo iyo waliba wasaaradda caafimaadka oo u dhow baarlamaankii hore, dhamaan meelahaasi dadka waxa ay qabaan digniin in ay meesha isaga guuraan, mararka qaarna waxaaba dhacda in ciidamada ay handadaad u geystaan dadka.

Inkasta oo ay muhiimad weyn leedahay in la baneeyo xarumaha dowladda si dowladda u hesho meel ay ku shaqeyso, hadane ka hor inta aan dadka laga saarin waxaa la’isku wafaaqsanyahay in dowladda xal u raadiso dadka muwaadhiniinta ah ee iyagu isla xarumahani loogu adeegi doono, waxaa kale oo dadkii aan aragtidooda soo weeydiiney talo ahaan usoo jeediyeen in xarumaha qorshaha dib u hawlgalintooda uusan diyaar ahayn in aanan dadka laga saarin inta looga diyaargaroobayo.

Dhageyso

Goobjoog News