U bood dhigaalka

Xiisaha Tartanka Lagu Xusayo Laacib Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) Ayaa Si Weyn Loogu Hadal Hayaa Guud Ahaan Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa meel dhexe soo gaaray tartankii kubbadda cagta ee lagu xusayay xidigihii hore Gobolka Baay,LLP Jeenyo iyo Xulka Qaranka Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) waxaana ciyaaryahan mudooyinkii la soo dhaafay ay la kulmiyeen laacibiintii hore Soomaaliya

Sheekh Maxamuud Caddow oo ka mid ah qaban qaabiyaasha tartanka ayaa Goobjoog u sheegay in aad loogu helay tartankan dhawaan ay bilaawi doonaan ciyaaro lagu oo xusayo halyayadii soo maray Soomaaliya.

Xasan Xaaji iyo Daa’uud Axamed Dheere oo aqoon wanaagaan u lahaa mudo badan ay kuwada noolaayeen wadanka Canada laacib Maxamed Xaaji Aadam  (Uurey) ayaa u mahad celiyay qaban qaabiyaasha tartanka,iyagoo sheegay in ay qabteen shaqo wanaagsan oo loo baahnaa.

Aadam Maxamed Ibaarhim oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii hore Soomaaliya ayaa isna sheegay in tartankan lagu xusayo laacib Maxamed Aadam Uurey xiisihiisa laga dareemay guud ahaan Sooomaaliya iyo qurbaha,taasina ay qeyb ka tahay horomarka iyo dhallinyarada la xusuusiyo taariikhdii hore.

Si kastaba kooxda tartankan ku guulaysta ayaa helidoonta abaal marino qaali ah iyo koobkii loogu tala-galay,iyadoo guddiga baabulka ciyaarahan ay sheegeyn in ay xusidoonaan shaqsiyaadkii caanka ahaa ee ka baxay guud ahaan isboortiga Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Warbixin Kulan Ciyaareed Ka Mid Ah Tartanka Lagu Xusay Laacib Uurey

https://www.facebook.com/GoobjoogNewsTV/videos/211511793298740/