U bood dhigaalka

Warbixin: Xildhibaannada Oo Ku Kala Qeybsan Go’aanka Xukuumadda, Kulanka Sabtida Ayaa La Isku Ballansaday

Sheeko:Baarlamaanka

Ka hor kulanka sabtida ee golaha shacabka, waxaa ay xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ku kala qeybsan yihiin go’aanka xukuumadda iyo sida loo xaliyay arrintii Cabdi Kariim Qalbi-dhagax, waxaana muuqata in xukuumadda Kheyre arki-doonto todobaad aad u kulul.

Si ka duwan kulankaasi la wada sugayo ee sabtida yeelan-doonaan golaha shacabka, Xukuumadda federaalka ah waxaa ay maanta golaheeda wasiirrada yeesheen kulankoodii caadi ah, shaqada waxaa ay u socotay si rasmi ah, weliba waxaa ay ka hadleen arrimaha amniga, ansixinta hindise sharciyeedka Batrooka, heshiiska isu-celinta maxaabiista ee India iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ahi ma rabaan in laga gudbo arrinta Qalbi-dhagax iyo go’aanka la qaatay sida ay xukuumadaba maanta uga gudubtay, saacadihii la soo dhaafay waxaa Muqdisho ka socday kulamo iyo is xulufeysi xooggan, waxaana muuqato in Sabtida diyaar loo yahay.

Qaar Xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ka tirsan oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay xukuumadda Cali Kheyre ku hesytaan sababta Qalbi-dhagax loo dhiibay, qaar kale ayaa ka hadlaayo heshiisyada la galay in sharci ahaayeen iyo in kale balse kuwa ugu adag waxaa ay qabaan haddii xitaa heshiisyadaasi ay sax ahaayeen, Qalbi-dhagaxna uu ajnabi ahaa  in lagu tuntay sharciyada caalamiga ah ee isu dhiibista maxaabiista sida sharciga Geneva, IGAD iyo sharciga Qararamada Midoobay, arrimahaasi oo dhanna ay xukuumadda ka jawaabi doonto.

Akhriso: Aragtiyada Qaar Ka Tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Ah Ee Arrinta Qalbi-dhagax:  

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Daahir Amiin  Jeesow iyo xildhibaanno kale oo la hadlay warbaahinta ay dowladda maamusho ayaa soo dhaweeyay go’aanka xukuumadda Xasan Kheyre, waxaana ay tilmaameen in Xukuumaddu ay mas’uul ka tahay amniga dalka.

Xildhibaannadan ayaa xusay in arrinta ay ku timid heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood, ayna muhiim tahay in la dhaqan geliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Mudanayaasha ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan raali ka noqon doonin in Jamhuuriyadeeda ay ku dhuumaleystaan dad dambiyo kala duwan ka soo galay dalalkooda.

Dhinaca kale, Xildhibaanno Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa aad u dhaliilay go’aanka xukuumadda Cali Kheyre, iyaga si weyn u difaacay Cabdikarim Qalbi-dhagax, kuna sheegay nin waddani ah oo ka qeyb-qaatay difaaca dalka iyo dadka.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji waxaa uu sheegay in xukuumadda Cali Kheyre ay qaadan doonto mas’uuliyadda wixii dhacay, baarlamaankana uu go’aankaasi ka soo horjeedo, isaga oo intaasi ku daray in Itoobiya aaney dooneyn dhismaha dowlad Soomaaliyeed taasi badalkeedana ay dooneyso in shacabka Soomaaliyeed is diriro, dalka uu bur-buro, aakhirkana iyada ay la wareegto dalka oo ay ka dhigto kilinka 6aad.

Mr. Zakariye Maxamud oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Wixii dhacay waad ogtihiin, waxaa la dhiibay nin Soomaali ah, oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, oo dalka difaaciisa ka qeyb-qaatay, walaalkiisa uu ku dhintay isagana ku dhaawacmay, waxaa loo dhiibay dowladda Itoobiya, Lama tixgelin muwaadinimadiisii, Lama tixgelin xuquuqdiisii Banii’aadam ee  xeerarka caalamiga ah ee ahaa in qof khatar ku jira, oo naftiisa khatar galeyso aan loo dhiibi Karin waddan kale”

Xildhibaan Zakiye waxaa uu sheegayaa in baarlamaanka federaalka ah aan la tixgelin“Waxaan usbuuc u aamusneen haddii aanu nahay labada gole in arrintaasi aaney salfan qarannimada Soomaaliyeed iyo Mabaa’diida qaranka ee dowladda u taalay, dowladda waxaa ugu muhiimsan xeer-dejinta oo ka kooban labada aqal, lanama tashan, nalama tixgelin, nalooma sheegin, golaha mas’uuliyadda sida tooska u abaareyso, qirtana waa golaha fulinta…go’aanka xukuumadda waxaa ka soo horjeeda dhammaan baarlamaanka labadiisa aqal, golaha shacabka iyo aqalka sare”.

Senator Axmed Xaashi ayaa isna ka hadlayey in ururka ONLF uu yahay urur xornimo-doon ah oo aanu argigixiso aheyn isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Muwaadin ayan ka hadleynay, hadda arrinta waa ay ka dartay, waxaa ay aadey in ururka ONLF argigixiso yahay, Caalamka ONLF uma aqoonsana argigixiso, qofka argigixisada ah tacriifbey leedahay oo caalamka u yaqaanno, ninka xaq-u-dirirka ah iyo argigixiso labo micno ayey kala leeyihiin, ONLF looma aqoonsan karaayo argigixiso, ee waxaa loo aqoonsan karaa dad xornimo-doon ah.

Maalinta sabtida ee soo socota, waxaa furmaya kulamada golaha shacabka, waxaa lagu wadaa in kulanka ajandihiisa uu noqdo arrinta qalbi-dhagax.

Goobjoog News