WARBIXIN: Xirashada Jijimaha Iyo Dhallinyarada Muqdisho

ka sheekeynta isbedellada ka muuqda bulshada Soomaaliyeeed  waxa ay u baahan yihiin waqti fara badan,maadaama aysan ahayn kuwa si sahlan looga hadli karo.

Dhallinyarada ayaa ah kuwa ay sida weyn uga muuqdaan isbedelada waqtigan gaar ahaan hab labiska iyo hab dhaqanka caadiga ah ee ka muuqda marka aad ku sameyso garab dhig jiilkii  iyaga ka horeeyay.

Saacad lagu xirto gacanta bidix, jijin ka sameysan bir  oo aysan ka muuqan magac iyo waxyaabo kale oo muujinaya tilmaam gaar ah iyo faraanti la mida jijin aan idiin soo sheegay ayaaa ahayd waxyaabaha ay xarago ahaan u xiiseyn jireen jIilal ka horeyay kuwa  sanadahan.

In lagu qoro jirka qofka magac dumar ama rag oo markaaas uu dareensan yahay inuu jeccel yahay isaga oo adeegsanaya dab,sakiin iyo waxyaabo kale oo u suura galin kara in magacaas uu ka muuqdo jirkiisa isaga oo aan is bedeleyn waaa ay ka mid ahayd waxyaabihii ay markaasi jilalkaasi aad u xiisaynayeen,iyaga oo og xanuunka uu leeyahay dhawaaca markaasi soo gaaraya jirkooda,waqtina ay u baahantahy bogsashada boogtaasi oo aan ahayn mararka qaar mid sahlan.

Waa ay jiraan dhallinta meelo ay si weyn ugu kala duwan yihin, balse marka aad loo fiiriyo meelahaas  waa ay muuqaneysaa meelo la dhihi karo wa ay isugu dhaw yihin, sida muujinta magacyo wiil ama kuwa  gabdheed ay u dareensan yihiin in uu jiro jacayl ka dhexeeya iyaga iyo in ay ku xaragoodaan jijimo u sameysan saacadda oo kale, Balse isku si uma sameystaaan dhallintan.

Magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla goobo si gaara  loogu sameeyo jijimo ka sameysan kuul iyo xarko,kuwa u sameysan sida saacadda oo kale iyo kuwa nuucyo kala leh.

Inta ay socoto dhamman sameynta jijimahan waxaa aad u sahlan in lagu qoro magac kasta oo uu dalbado qofku iyada oo aan qaadaneyn waqti fara baadan.

Abdirahmaan Abdullahi waxaa uu ku leeyahay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waaberi goob loogu sameeyo jimjimadan lagu qoro magacyada,waxa aan ku booqday goobtiisa isaga  oo ku mashquulsan sameynta jijimaha.

Abdiraxmaan waxa aan weydiiyay bal marka hore inuu iiga sheekeeyo jijimadan, nuucyada ay u kala qeybsamaan, goorta uu bilaabay sameynta jijimada,dhaqaale ahaan waxa uu isaga ka helo,waqtiga ay soo shaac baxeen jijimada iyo jinsi ahaan cidda ugu badan ee iibsata gabdhaha iyo wiilasha.

“waa jijimo si faaashiyoon ah ay u xirtaan dhallinyarada,waxa ay leeyihin nuucyo gaaraya ilaa saddex  (3) nuuc,ma jirto dhaqaalo fara badan oo aan ka helo,dhallinyarada ayaa aad u xiiseysa,gabdhaha ayaa ah kuwa ugu badan ee iibsada,waxaana aaan billaabay sameynta jijimadan sanadkii 2015”

Maa`idda Cabdi Axmed waxa ay ka mid tahay gabdhaha xiiseeya ku xirashada gacanta jijimadan ku qoran magacyada,waxa aan kula kulmay goob ay wax ka barato oo ku taalla magalada Muqdisho,waxa aan wax ka weydiiyay 2 jijimo oo ay ku qoran yihiin magacyo oo ugu xirnaa gacanta magacyada,cidda iska leh iyo waxa labadooda ka dhaxeeya.

“jijimadan ii xiran waxa aan ku doortay labo (2) siyaabood,midda koowaad (1) waa qurux midda labaadna (2) waa magacyada ku qoran oo kala ah magaceyga iyo magaca ninkeyga oo aan jeclahay inaan markasto arko”

Zakariye Cabdi Shiikh oo ka mida dhallinyarada Muqdisho ayaan weydiiyay waxa ay soo kordhineyso in magac lagu qorto jijin,kadibna gacanta lagu xirto waxana uu sheegay in markii hore ay qabeen  dhibaato dhalinyaradii hore oo ah in ay magaca qofka ay jecel yihin ku qoraa jirkooda ayagoo adeegsanaya sakiin,dab iyo waxyaabo kale oo suura galin kara in magacaas uu ugu qormo jirka,taas oo sababi jirtay in uu qofku dareemo xanuun iyo in uu dhaawacu noqdo mid aan dhaqsi bogsan,balse middan waa ay ka fududahay kuwii hore oo adiga oo aan dareemin xanuun iyo dhibaato kale oo aad si fudud ku sameysaneyso jijimadan magaca leh kadibna aad ku xiraneyso gacantaada.

“waxaa  sabab u ah in gabdhuhu noqdaan iibsadayaasha ugu badan jijimadan waa quruxda oo markii aad ku xirato gacanta aad  u billeysa quruxda gacantaada”Maa`idda Cabdi Axmed ayaa sidaas ii sheegtay mar aan weydiiyay sababta ay gabdhuhu u noqdeeen iibsadayaasha ugu badan ee iibsada jijimadan.

Xiriir ma ka dhaxeeyaa jacaylka iyo jijimadan lagu qoro magacyada  oo waayadan aad ay u xiiseeyaan dhallinyarada ku nool Muqisho,gobollada iyo dhallinyarada kale ee ku nool meelo ka baxsan dalka?

“haa xiriir ayaa ka dhaxeeya jacaylka iyo jijimadan lagu qoro magac kadibna gacanta lagu xirto,waayo markii aad aragto qof ay gacantiisu ku jirto jijin uu magac ku qoran yahay waxaad markiiba xusuusaneysaa in qofkan uu jecel yahay magacan ugu xiran gacanta gabar / wiil,kumana noqoneyso caqabad haddi uu arko qof kale oo damac ama dareen kale uga jiray qofkan,ceebna kuma aha bulshada dhexdeeda  waxaa sidaasi uga jawaabay Mahad Diiriye Cabdi oo Goobjoog FM kasoo jeediya barnaamijka baarlamanka barbaarta .

Dadka falanqeeya arrimaha jacaylka ayaaa rumeysan in uu kordhiyo kalgacaylka lammaanaha  hadiyadaha ay isu geeyaan ,tanina ay ka mid tahay waxyaabaha kordhin kara jacaylka ay isu qabaaan labadan qof oo isu hadiyeeya magacyadooda.

W/D:- Fatxi Maxamed Axmed

Tifaftirey: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW