U bood dhigaalka

Warbixin: Xukuumadda Farmaajo oo Keeni La’ Xisaab xirka $1 billion ayaa kusii dari doonta $671.8 million

Sheeko:Amniga

Xilli xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya laga sugayo xisaab xirka miisaaniyado dhan $1 billion oo ah miisaaniyaddii saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa hadana waxaa ay khamiistii ansixisay miisaaniyadda 2021-ka oo dhan $671.8 million, waxaana laga cabsi qabaa in maamulka Farmaajo uu meesha baxo iyada oo aan laga heyn xisaab xirka in ka badan hal bilyan iyo bar oo doolar.

Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah, dakhliga gudaha 260.1 million iyo kabka miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Goobjoog News waxaa ay horay u ogaatay in guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta golaha shacabka ay qabteen keliya xisaab-xirka miisaaniyadda 2017, taasi oo xataa meelmarinteeda aan loo marin sifo sharci ah, oo laga daahiyey waqtigii loogu talagalay halka aan weli laheyn xisaab-xirka miisaaniyadaha 2018, 2019 iyo 2020.

Miisaaniyadda 2018 waxay aheyd $275 million halka baarlamaanka federaalka ah uu ansixiyey miisaaniayadda 2019 oo gaareysa $344 million iyada oo sanadkan 2020 xukuumadda loo anxiyey miisaaniyad dhan $459.5 million, waxaa iminka lagu daray $671.8 million

Lacagtaas miisaaniyadda oo sanad walba kordheysa oo inta badan ay tahay canshuurta reer Muqdisho, hadana shacabka looma sheego waxa lagu qabtay ama lagu qabanayo, lama keeno xisaab xir, lama oga iney jiraan goobo cusub oo waxbarasho, caafimaad, ama mashaariic kale oo hormarineed, xataa lama qaadan shaqaale cusub oo shaqaalaha rasmiga ee dowladda waa sidii ay ahaayeen 2016-kii iyo xiligii maamulkii Xasan Sheekh.

Mar haddii aan la heyn xisaab xirka miisaaniyadihii hore, baarlamaanka federaalka ah oo ah awooddii la xisaabtanka xukuumadda ayaan awood u laheyn inuu su’aalo ka keeno sababta ay xukuumadda u keeni la’dahay xisaab xirka, waayo guddigii baarlamaaniga ah ee arrintan u xilsaarnaa ayaaba la kala diray, waxaana muuqda isku milmid dhanka awoodaha ah.

Goobjoog News